HomeBoqor Buur-Madow oo Raalli-gelin ka bixiyey Hadallo ka soo yeedhay Wasiir ka...

Boqor Buur-Madow oo Raalli-gelin ka bixiyey Hadallo ka soo yeedhay Wasiir ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeysa (SLpost)- Boqor Cismaan Maxamuud (Buur-madow) oo ka mid ah madax-dhaqameedka waaweyn ee Somaliland, ayaa raalli-gelin ka bixiyey hab-dhaqanka Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Beesha uu boqorku madax-dhaqameedka u yahay.

Boqor Cismaan Maxamuud oo isagoo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta khadka telefonka ugu warramay Weriye ka tirsan Telefishanka Bulsho, waxa uu raalli-gelin ka bixiyey Hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Cismaan Abokor Dubbe oo weerar afka ah ku qaaday waddamada deriska qaarkood sida Dowladaha Jabuuti, Imaaraadka Carabta iyo Kenya oo dhammaantood xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Dowladda uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Somaliland.

Boqor Buur-madow waxa uu sheegay inuu raalli-gelin ka bixinayo hadalladaas ka soo yeedhay wasiirka maadaama oo uu madax-dhaqameedkiisa yahay, sidoo kalena uu ka tirsan Dowlad Wakhtigeedii dhacay oo aan sharci ahayn.

Waxa uu boqor Buur-madow sheegay inuu talooyin dhaxal-gal ah u jeediyey Wasiir Dubbe ka hor intii aan xilka wasiirnimo looga magacaabin dowladda Madaxweyne Farmaajo isla markaana uu u sheegay inaanu ku-godob qaadan dowlad muddo-xileedkoodu dhammaaday oo saddex bilood u hadhsan tahay ee uu iimaansado dalkiisa Somaliland.

Waraysigan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa tiraba dhowr jeer oo uu warbaahinta la hadlay waxa uu eedaymo u jeediyey Dalalka Jabuuti, Kenya iyo Imaaraadka Carabta oo saddexdoodaba xidhiidh dibloomasiyadeed iyo Horumarineed ka dhexeeyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Cismaan Dubba, ayaa bishii January ee sannadkan ku eedeeyey dalka Jamhuuriyadda Jabuuti inuu la saftay dalka Kenya, kaddib markii wefti xaqiiqo raadin ah oo dalka Jabuuti ka socday loo diray xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Guddigan ayaa laga saaray shir 20-kii December 2020-kii isugu yimaaddeen madaxda urur-goboleedka IGAD, kaas oo ku qabsoomay magaalada Jabuuti.

2-dii bishii December ee sannadkaas, waxa uu wasiirka Wafaafinta Soomaaliya ku tilmaamay Kenya waddan cadow ku ah qaranimada Soomaaliya, isagoo ku eedeeyey inay Kenya faro-gelin ku hayso arrimaha Gudaha ee Soomaaliya.

Eedaymaha uu Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya u jeediyey dalalka Deriska iyo kuwa cilaaqaadka wanaagsan la leh Somaliland waxa ugu dambeeyey dhaliil uu maanta u jeediyey Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu ku eedeeyey inay ku hawlan tahay sidii ay qalalaase uga dhex-abuuri lahayd gudaha Soomaaliya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories