HomeBoqol Ugaas Oo Isku Beel Ah iyo Soo Dhawayntii Hal Ugaas! W/Q...

Boqol Ugaas Oo Isku Beel Ah iyo Soo Dhawayntii Hal Ugaas! W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankQabiilka Ciisuhu wuxuu ka mid yahay qabaa’ilka Soomaalida kuwa ugu tirada badan, xagga dhulka waxay degaan dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Somaliland, sida Soomaalida kale inta badan noloshoodu waxay ku tiirsan tahay dhaqashada xoolaha nool; inkasta oo wakhtiyadan dambe la soo baranayo tabcashada beeruhu kuma badna dhulka Ciisaha.

130-kii sanadood ee u dambeeyay geyiga Soomaalidu degto waxa ka samaysmayay magaalooyin iyo dhaqan dhaqaale ka duwan kii reer Guuraaga. Tusaale ahaan bulshada miyigu waxay lahaayeen nidaam iyo xeerar u gaar ah oo ay isku maamulaan, arrimahaa waxay u lahaayeen xeer beegti u dhiganta maxkamadaha maanta, waxay maarayn jireen kiisaska, xurgufta iyo iska-horimaadyada jifooyinka ama beelaha.

Dhaqanka Soomaalida waa ceeb in la diido xukunka xeer beegtida fulinta go’aammada se waxa ka masuul ahaa cuqaasha iyo odayaasha reeraha. Doorka Suldaanku, Ugaasku ama Garaadku wuxuu ahaa ama lahaa guddoonka iyo in uu ku duceeyo wixii la isku raacay.

Intii aan la biyo dhicin salaadiinta Beelaha Somaliland kama ay badnayn 10 Suldaan, waxay ahaayeen rag haybad iyo karaamo leh oo bulshaduna xushmayso, waxay ahaayeen rag u qalma magaca, mansabka iyo taajka madaxa loo saaray, suldaanku wuxuu u taagna nabadda, midnimada iyo sharafta beeshiisa.

Si kastaba ha ahaatee magaalooyinka waaweyn waxa isugu yimid ama soo degay dad ka soo kala jeeda beelo iyo deegaanno kala duwan oo ku khasban in ay wada noolaadaan iyo in ay dhawraan xeer qoran oo ummadda oo dhan loogu talo galay.

Sidaa daraadeed waxa hoos u dhacay meeqaamkii iyo saamayntii madax dhaqameedku ku lahaan jireen bulshada. Isbedelka wakhtigu wato bulshada Somaliland waxa u dheera dagaallo, barakac iyo tacaddiyadii sanadihii sideetanaadkii iyo sagaashanaadkii; saban xumadii iyo duruufihii soo maray waxay wiiqeen ama dhaawaceen kala dambeyntii iyo qiyamkii (values) wanaagsana. Waayahaa adag waxyaabaha laga dhaxlay waxa ka mid ahaa in beeshii hal suldaan lahaan jirtay 20 suldaan yeelato maanta.

Haddaba waxa xusid mudan Beesha Ciise ee aynu soo sheegnay tiradooda iyo baaxadda dhulka ay degaan waxay leeyihiin hal ugaas oo kaliya. Runtii waa qabiil istaahila ammaan iyo in lagu bogaadiyo midnimada, kala dambeynta, is maqalka iyo ilaalinta dhaqankooda soo jireenka ah.

Qoraalkan waxa igu kallifay markii aan shaashadaha TV-yada ka daawaday raxan salaadiinta Somaliland ah oo isku beel qudha ka soo wada jeeda oo magaalada Wajaale ku soo dhawaynaya Ugaaska Beesha Ciise.

Xidhiidhiyihii hadallada Ugaaska lagu soo dhawaynayay si aan loola yaabin wuxuu ka xishooday in uu sheeg-sheego raggan hadlaya dhammaantood in ay yihiin salaadiintii Somaliland, waayo waxa imanaysa su’aal: sidee hal beel oo Beesha Ciise la gudboon 100 ugaas u yeelan karta?

Muwaadin rag talo kama dhammaato ee suldaan bararkan wax ma ka qaban karnaa mise waynu sii kordhina?

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories