HomeBooska hebel baan ku socdaa? – W/Q: Barkhad-ladiif M. Cumar

Booska hebel baan ku socdaa? – W/Q: Barkhad-ladiif M. Cumar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Marka isbedel sidan oo kale dhaco oo xukuumaddii hore bedelayso xukuumad kale waxa inta badan dhaca in dad faro badan oo dibadda joogay oo u badan kuwo xisbiga taageera inay ololaha u galaan sidii ay shaqo uga heli lahaayeen ama xil uga qaban lahaayeen xukuumadda cusub ee dhalatay, waxaanay dadkaasi sii eegtaan booska ay doonayaan si hadhow booskaasi loogu bedelo ama loogu magacaabo marka xisbigoodu guulaysto.

Ninba nin buu ku xisaabtamayaa booska uu joogo ama uu hayo, kama fikirayo in shaqo kale ama meel kale sii xaadh xaadho ee boos uu joogo nin ay ilmaadeer yihiin buu niyada iyo maankaba ku hayaa,isagoo u arkaya in wakhtigii ololaha aanu xisbiga la shaqayn amaba ka aragti duwanaa markii uu xisbigiisa u shaqaynayey amaba aanu tacab galin xisbiga uu taageeraha u yahay wakhtigii ololaha.

Barkhad ladiif maxamed cumarWaxa kale oo jira caqabad kale oo bulshaddu saamayn ku leedahay in qof kasta oo xisbiga taageerayey ku qasbaya inuu hungureeyo inuu madax noqdo mar hadii uu xisbigiisa guulaystay, waxaanay dadka kala kulmaan cadaadis ah maxaad u soo dhimanaysay ee aad xisbiga iskugu wareerinaysay hadii aanad waxba ka noqonayn iyo hadii aanad xukuumadda cusub ku jireen oo laguugu guurayo maxaad habeen iyo maalin aad u ordaysay, taasina waxay keenta hadii uu xukuumadda ka mid noqon waayo inuu u arko in lagu guuray oo uu mucaarad ku noqdo hogaamiyihii uu soo saaray ama nin cidlo lagaga tagay.

Hogaamiyaha la doortaana waxay ku adagtahay in wixii la shaqaynayey oo dhan uu xukuumadda ku wada daro, ilayn dadkii hore usii shaqaynayey ee dawladda ku jiray iyana laga wada dareerin maayo, waana caqabad kala haysta madaxweynihii la doortay iyo dadkii u shaqayaneyey.

Aan ku soo noqdo sheekadaynii, qof kasta wuxu sii qorshaystay hebelka lagu bedeli lahaa, dadku way kala duwan yihiin dadka qaar waxay la tahay oo uu xukuumadda u galayaa wax ka qabso sida hebel ba guryo uga dhistay, kaliya intaas baa u muuqata, haddaba, Ninka sheekadani ku socoto oo aan magaciisa usoo gaabinayo Moogane (Moogane waxaan ugu bixiyey aduunka mooyee aakhiro warba uma hayo), Moogane wuxuu ka mid yahay dadka sidaas u fikiraya ee isagu sii qorsheystay booska uu doonayo,waxa uu ku socda nin ay isku xaafad yihiin oo agaasime waaxeed ka ah wasaarad dhaqaale leh, agaasime waaxeedkani waxa uu mudadii uu xilkaasi hayey dhistay guri iyo dhul badan oo uu magalada ka iibsaday, Moogane waxa uu sii qorshaystay inuu isna laba guri iyo lacago badan ka dhigto mudadda uu joogo maadaama oo isna sidan oo kale ku soo socoto uu ka ka gaadhsiiyo wixii uu urursan karo.

Mar uu dad ay asxaabyihiin u waramayey Mooge waxa uu yidhi “anigu xisbiga waan u soo halgamay, waxaana ololahaasi iyo dagaalkaasi oo dhan u galay sidii aan booskaasi hebel la igu bedeli lahaa, waayo isagu guryo iyo hanti badan buu ka dhistay dee anna intaas in leeg baan uga baahanahay inaan ka urursado”

Nin ay saaxiib ahaayeen oo meesha fadhiyey ayaa ku yidhi “waar dee waynu ognahay agaasime waaxeedku lacagta uu qaato hadii uu sodan sanno ururiyo guri iska daaye jago ma iibsan karo, marka hadii uu guri dhistay ilayn xoolihii umadda uun buu boobay oo waa la iska garanayaye, waxaan kuula talin lahaa ilaahay baa wax aad cunto ku siinne, ha ku fikirin in sidaas uu wax u boobay u boobtid oo guri iyo hanti ka urursato xoolaha umadda hadii kale kun xanuun iyo ubadka oo ka xanuunsado uun baad ku dhamayn lacagtaasi umadda ee aad sii qorshaysatay inaad ku macaashto oo hantiile ku noqoto”

Mooge oo saaxibkii u jawaabay waxa uu yidhi “saaxiib xaaraantan aad ka hadlaysa ma cid ka madhan baad aragtay, sookuwan quraankii lacag laga dhigay ee kii doolar haysta uun quraankii baranayo kii kale ee aan dollar haysana suuqa meehanaabayo, soo kuwan kuwii diinta inoo joogay aad arkaysid sida uu macaashayaan iyo siday hawlaha u wataan,nin kasta oo ganacsidde ahi  wuxu macaasha boqolkiiba saddex boqol soo kuwan maalin taajir wada noqday ee masaajidkana safka hore kaaga horeynaya, adeer  noloshii baa adkaatay oo wax walba kugu kalifaysa hadda ma gaajaad u dhiman, ta labaad umaddaas oo dhan ninna mushaharkiisa kuma noolla ee  nin walba meesha uu haysto uun buu tukaan ka dhex dhigtay dee kuwaas sida la yidhaahdo uun baa anna lay odhan, midda kale ilaahay waa dambi dhaafe oo wuu kaa dhaafi karaa dambiyadda waa Qafuurul raxiim.”

Dadka inta badan caadaysta musuqmaasuqa ama cunista hantidda dadweynaha marka aad ka waaniso xaaraanta iska daa, waxay inta badan ku doodaan ilaahay waa wax kaste cafiye, wax walbana wuu cafinayaa waa Qafuurul raxiim, waana kalmadda ay niyada ku haystaan in wax kasta oo ay cunaan laga cafinayo.

Sheekadani waxay tusaale u tahay nolosha dhabta ah ee wadanka ka jirta, isbedel kasta oo dhaca shakhsiyaad kooban uun bay bedel u tahay, qof walibana wuxuu u ordayaa uun inuu dhaco ama uu boobo hantidda ummadda, qof walba wuxuu ku xisaabtamayaa sidii uu hebel u bedeli lahaa, laakiin ma jirto isbedel nololeed oo la doonayo, inkastoo dadku ku hanweyn yihiin in madaxweynaha cusub noqdo mid si weyn wax uga bedela hab dhaqankaasi mudadda dheer soo taxnaa ee nin waliba xafiiska uu joogo uu boqorka ka yahay,isla markaana ilaa aad caanihiisa u dhiibto aanay adeegaasi ku dhamaanayn taas oo dadku ku qasban yihiin in xafiiska marka aad tagto qofka jooga shahaadiisa sii diyaariso, waxaan sheekadan ku soo xidhayaa ilaahay ha laga baqdo arsaaqdana alla bixiyee ninna yaanu ka welwelin inuu gaajo u dhinto ee ha ka walwalo inay xaaraani calooshiisa gasho.

By:Barkhad-Ladiif M. Cumar

Email:barkhadladiif@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories