HomeBoorame Oo Laga Mastaafuriyay Lixdan Qoys Oo Shisheeye Ah

Boorame Oo Laga Mastaafuriyay Lixdan Qoys Oo Shisheeye Ah

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Boorama, (SLpost)- Taliyaha laanta Socdaalka Gobolka Awdal kabtan  Axmed Ismaaciil Ibraahin ayaa shalay ka Mastaafuriyay Magaalada Boorama dad Itoobiyaan ah oo iskugu jira Tahriibayaal iyo kuwo uu ku sheegay inay qabaan Xanuunada kala duwan ee faafa oo ay ka qaadi karaan  bulshada ay la noolyiyiin.

Dadkan la mastaafuriyay oo ay tiradoodu dhamayd 60 qoys ayaa waxa uu taliyaha laanta socdaalka ee Gobolka Awdal Kabtan Axmed Ismaaciil Ibraahinm ka waramay sababta ay u cuskadeen mastaafurintooda waxana uu yidhi “Annaga oo tixraacayna hadalkii ka soo yeedhay taliyaha Waaxda Socdaalka ee Somaliland, iyo amarkii uu hore u bixiyay, waxa aan soo ururinay dadkan Itoobiyaanka ah oo dhan 60 qoys oo isugu jira dumar, caruur iyo rag, tan kale ee muhiimka ah, anaga oo kaashanayna saraakiisha caafimaadka ayaa dadkan aan maanta mastaafurinayno, waxa ku jira dad xanuunsanaya oo la qorsheeyay in bulshada laga badbaadiyo, sidaas ayaanan u qaadanay go’aankaas oo aan dadkan uga saaraynaa dalka.”

Taliyaha oo wax laga waydiiyay in dhinaca kale ee xadka ay isku ogyihiin xad ka talaabinta dadkan ayaa waxa uu yidhi “Haa waan isla soconaa, oo horeba waa loo mastaafuriyay, waxanan ku wareejindoonaa Saraakiisha dhigayaga ah ee Ethiopia marka aan gayno Awbare.”

Si kastaba ha ahaatee, baabuur ay leeyihiin ciidamada amniga iyo kuwa laanta Socdaalka Somaliland ee gobolka Awdal ayaa shalay dadkan lagaga daadgureeyay Boorama iyada oo isla barqonimadii shalayba la geeyay magaalada Awbare ee dalka Ethiopia.

 

 

 

 

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories