HomeBOORAME: Maxaa Kala Haysta Gaadiidka Bajaajta iyo Dawladda Hoose?

BOORAME: Maxaa Kala Haysta Gaadiidka Bajaajta iyo Dawladda Hoose?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorame(SLpost) – Maayarka degmada Boorama ahna guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmadaas Maxamed Xuseen Maydhane,  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay cabasho ka dhan ah Maamulka Dawladda Hoose ee degmada Boorame oo ay kaga cawdeen wadeyaasha gaadiidka yar-yar ee bajaajta ee magaalada ka dhex shaqeeya oo sheegay in Dawladda Hoose ay ku soo rogtay lacago cashuur ah oo aanay qaadi karayn.

Maayar Maydhane oo khadka Telefoonka  ugu warramay Wargayska Dawan, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay cashuur ku kordhiyeen gaadiidka Bajaajta loo yaqaan waxaanu intaa raaciyay in aanay jirinba wax canshuur ah oo ay ka qaadaan iyo diiwaan gelin ay ku sameeyeen gaadiidkaa midnaba.

“Iska daa mid aanu ku kordhinay oo horta waxay is waydiintu tahay cashuurba  ma ka qaadnaa?,Gaadiidkaasi magaalada khatar badan ayuu ku hayaa oo maalin kasta waxaa ka dhasha ugu yaraan toban shil, waxaana sabab u ah gaadiidkaa marka lambarka la soo siiyo qoys waliba intuu mid soo iibsaday oo ay wiil yar oo ay dhaleen daarada gurigooda maalin ku tuseen ayay suuqa ku soo daayeen ka dibna dadkii iyo gaadiidkiiba wuu dhex qaaday oo dhaawac aan tiro lahayn ayaa ka dhashay maalin kastana ugu yaraan toban shil ayaa ka dhasha,”ayuu yidhi Maayarka Boorame.

 

Maayar Maydhane oo hadalkiisa sii watay  ayaa intaa raaciyay. “Marka koowaad gaadiidkan Bajaajta waxaanu ka doonaynaa waa Cashuurtii dawladda hoose ee degmada loogu shaqayn lahaa cid laga daynayaana ma jirto iyaga iyo qayrkoodbana waa laga qaadayaa, haddii ay hore Cashuuruhu dadka ugu baaqan jireen imika ku baaqan maayaan waana laga qaadayaa si degmada wax loogu qabto. Midda labaad gaadiidkan Bajaajta lama yaqaano tiradooda iyo cidda wadata ee dirawalka ka ah markaa shilalkoodii oo badan iyo nabad-gelyada oo ay khatar ku noqon karaan gaadiid aan la garanayn cid wadata oo loo raaco ayaa wada jira.  markaa waanu diiwaan-gelinaynaa si Bajaaj kasta lambarkeeda iyo la isugu yaqaani cidda wadda iyo qofka leh iyo in Cashuurtii degmada laga qaado oo degmada Wax loogu qabto.”

Somalilandpost.net

Hargeysa-Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories