HomeBOORAME:  Kalfadhigii Xildhibaanada Golaha Deegaanka oo Furmay iyo Ramaax oo la Dardaarmay

BOORAME:  Kalfadhigii Xildhibaanada Golaha Deegaanka oo Furmay iyo Ramaax oo la Dardaarmay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Boorama(SLpost) – Kalfadhigii xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Boorama ayaa maanta uga furmay xarunta dawladda hoose ee Boorama.  Waxaa kalfadhiga ka soo qayb galay 8 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha degmada. Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa maamulka degmada iyo badhasaabka Awdal Mr Ramaax.

 

Maayarka Boorama,  Maxamed Xuseen Maydhane, ayaa sheegay in kulankaasi lagu falanqayn doono qaybo ka mid ah baahiyaha degmada iyo dawladda hoose oo ay ka mid yihiin: Isku shaandhaynta guddi hoosaadyada, Ururinta cashuurta iyo horumarinta dakhliga, fayo dhawrka magaalada, arrimaha Shaqaalaha dawladda hoose, tiro koobka guryaha iyo dhulka banaan iyo miisaaniyadda dawladda hoose. “Waxa maanta halkan innooga furmay kalfadhigeennii sharciga ahaa oo aynnu ku falanqayn doonno qodobo muhiim u ah degmada iyo afartii bilood ee aanu xilka haynay wixii u qabsoomay degmada. Lixdaa qodob waxa ay kala yihiin; isku shaaandhayntii gudi hoosaadyada, dhakhli kordhinta iyo horumarinta cashuuraha, fayadhawrka ayda ku badatay magaalada, arrimaha shaqaalaha dawladda hoose, tirakoobka guryaha iyo dhulka banana, iyo miisaaniyaddii dawladda hoose, lixdaa qodob oo wixii aad go’aamiseen la fullin doono ayuu kalfadhigu ku furmayaa, waxaanna ugu horaynaysa in aannu afartii bilood wixii aannu qabannay aannu idiinka warbixinno” ayuu yidhi maayar Maydhane

 

Badhasaabka Awdal Mudane Maxamuud Saleebaan Ramaax, ayaa kulanka ka sheegay inay haboonayd in kulankani hore u qabsoomi si baahiya bulshada wax looga qabto. Wuxuu kula dardaarmay mudaneyaasha inaan laga maqnaan kulamada balse laga qayb qaato fadhiyada arrimaha bulshada lagu horumarinayo. Isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “aad baan ugu faraxsanahay in aan ka soo qaybgalo kalfadhigga golaha deegaanka ee Boorame oo runtii ay tahay muhiim, wuu raagay baan anigu tabayey laakiin waxa ay ahayd in hore loo qabto, haseyeeshee maanta haddii uu idiin suurogalay aad baan idiinku mahadnaqayaa. Waana ta loo baahan yahay kolba magaaladu waxa ay u baahan tahay in laga wada hadlo, in la isku googooyo maaha. Aad baan ugu mahadnaqayaa xildhibaanada iyo maamulku sida ay isugu yimaadeen oo waata keenta in mararka shirarku furmi waayaan ama laga shikiyo in uu furmo in ay hawlaha magaaladu socon waayaan”

 

 

 

Somalilandpost, Boorame-Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories