HomeBoorame: Jamaacadda Camuud oo lagu soo kordhiyey Kulliyadda Master Degree iyo PHD

Boorame: Jamaacadda Camuud oo lagu soo kordhiyey Kulliyadda Master Degree iyo PHD

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Boorama (SLpost)-Jamaacadda Camuud ee magaaladda Boorama, ayaa maanta shaacisay inay sannad jaamacadeedkan  bilaabayso waxbarashadda sarre ee Master Degree iyo PHD-ga.

 Munaasibad lagu soo bandhiggay qorshaha cusub ee jamaacadda Camuud ay ku bilaabayso waxbarashadda heerka sarre oo lagu qabtay xarunta jamaacaddaas ayaa waxa ka qaybgalay  wasiiradda wasaaradaha Waxbarashadda iyo Tacliinta sarre Marwo Samsam Cabdi Aadan, Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Caafimaadka Dr Xuseen Xoog  Muxumed, Beeraha Prof  Faarax Cilmi Geedoole

blankGuddoomiyaha jamaacadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed oo munaasibadda kaga dhawaaqay qaybaha cusub ee waxbarashadda ee tacliinta sarre ee jamaacadda soo kordhisay ee ah Mister Digriga iyo PJD waxa uu ka warbixiyey marxaladihii ay jaamacadu soo martay iyo mudadii saddex iyo tobanka sanno ahayd ee ay jirtay. Isagoo sidoo kalena madasha ka xusay in kordhinta qaybahan cusub ee waxbarashadda sarre ay ku dhiiri-geliyeen jaamacado kale iyo xukuumada Somaliland.

Prof Saleebaan Axmed Guuleed ayaa wax uu sheegay inay sannadkan gudihiisa ay bilaabayaan labadan qaybood ee ku soo kordhay waxbarashadii ay jaamacaddu bixin jirtay.

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sarre Marwo Samsam Cabdi Aadan oo munaasibadaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay xukuumad ahaan ku gacan siin doonaan maamulka jaamacadda hirgelinta qorshaha cusub ee waxbarasho.

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid ayaa isaguna munaasibadda wuxuu ka sheegay inay wasaaradda Caddaaladdu qaadan doonto 40 ka mid ah ardayda sannadkan ka qallin-jabinaysa kulliyadda jaamacadda Camuud, isla markaana ay ka hawlgali doonaan qaybaha garsoorka iyo caddaaladda ee wasaaradda.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Xuseen Xoog iyo Wasiirka wasaaradda Beeraha Prof Faarax Cilmi Geedoole ayaa hadalo ay halka ka jeediyeen ayay ku sheegeen inay wasaaradahoodu kaalin mugleh ka qaadan doonan mustaqbalka dhow sidii ay isku barbartaagi lahayeen jaamacadda waliba kulliyaddaha Beeraha iyo Caafimaadka ee jamaacadda Camuud.

Sheekh Cabdillaahi Sh. Cali Jowhar oo ah sheekha baladka magaaladda Boorama ayaa isna munaasibadda ka soo jeediyey in dadka haysta shahaadooyinka aqoonta sarre ee tacliinta lagu tixgeliyo sida ay uga soo bixi karaan masuuliyadda shaqaalenimo, isla markaana aan loo eegeen qaab degmo ama gobol.

Somaliland Post.Net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories