HomeBoorame: Agaasimaha Guud ee Cadaaladda oo Daah-furay Barnaamij Kaalmo Sharci ah oo...

Boorame: Agaasimaha Guud ee Cadaaladda oo Daah-furay Barnaamij Kaalmo Sharci ah oo Danyarta lagu taageerayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Borama (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, ayaa magaalada Boorama ka daah-furtay barmaamuj ku saabsan Arrimaha garsoorka oo dadka danyarta ah loogu fidinayo taakulo dhanka sharciga, kaasoo ay wasaaraddu doonayso in ay ku baahiso dalka oo dhan.

blankAgaasimaha guud waxa uu daah-furka barmaamujkan kaga dhawaaqay kulan lagu qabtay Magaalada Boorama oo ay ka qaybgaleen madaxda laamaha cadaalada ee gobolkaasi, qaybta sharciga ee Jaamacadaha iyo marti-sharaf kale.

Agaasime Cabdiraxmaan oo hadal ka jeediyey furitaanka shirkaasi ayaa ka waramay qorshaha wasaaradda ee fidinta kaalmooyinka dhanka sharciga dadka danyarta ah lagaga caawinayo, waxaanu intaasi raaciyey in ujeeddada kulankan lagu qabtay gobolka Awdal ay tahay in la daadejiyo helida cadaalad dadku u siman yahay.

“haddii ay adeegyaddeenii ka shaqeeyaan caasimada oo qudha oo aynu halkaa isku waraysano, goboladii way dayacmayaan, markaa Wasaaradda cadaaladda waxa ka go’an in la baahiyo adeegyada marin u helida cadaaladda, dastuurkeenuna waa uu waajibinayaa in qof kasta oo muwaadin ah iyo qof walba oo somaliland ku nool in aan dacwadaha qaar maxkamadaha lagaga hor oogin, isagoo haysan qareen u doodda, markaa waxa loo baahan yahay in aynu abuurno dal ka lacagta haysta iyo qofka aan haysan cadaalad siman heli karaan”ayuu sheegay Cabdiraxmaan Musaabaqo, isagoo xusay in hirgelinta arrintaasina u ku talogal dhaqaale iyo qorshe u baahan tahay, wasaarad ahaana aanay u yaraysanayn dedaalkeeda.

“Qorshahan kaalmada sharcigu haddaan gobolada la gaadhsiin waxay noqonaysaa caqabad kale oo ina hortaala oo u adeegaysa cadaalad-daradii, markaa si kastaba ha u adkaato’e waa in aan dedaalka saarnaa sidii adeegga cadaaladda bulshada loo gaadhsiin lahaa”ayuu raaciyey.

Faahfaahinta Warkan Kaga Bogo Muuqaalka Hoose

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories