HomeBOORAMA: Sixiroole Afar Gabdhood oo UGUB ah qudha uga jaray si uu...

BOORAMA: Sixiroole Afar Gabdhood oo UGUB ah qudha uga jaray si uu u Caafimaado oo go’aan ka gaadhista Kiiskiisu dhextaallo dawladaha Somaliland iyo Ethiopia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Afarta Gabdhood ee Ninkani Dilay, ayaa dhammaantood u dhashay Beesha Ciise ee degmada gobollada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Selal ee Somaliland

Boorama (SLpost)- Gacan-ku-dhiigle ku shaqaysta Faalka iyo Sixirka isla markaana loo malaynayo inuu xannuunsanayo, ayaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ugu xidhan Afar Haween ah oo  uu siyaabo kala duwan ugu dilay deggaanno ka tirsan gobolka Selal ee Somaliland iyo gobolka Shinniile Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

EESaddex ka mid ah haweenka waxa uu ninkani ku dilay deegaannada gobollada Shinniile ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, halka haweenayda Afraadna uu ku dilay gudaha Somaliland oo uu soo baxdsaday, gaar ahaan degmada Saylac ee gobolka Selal, waxaana wakhtiga go’aan ka gaadhista dawcwaddiisa dhex-taallaa dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Haweenka uu ninkani Qudha ka jaray oo dhammaantood ahaa UGUB (Hooyo ilmaheedii u horeysay ku curatay) , waxaana sababta uu u bartilmaameedsaday lagu sheegay inuu ahaa isaga oo Sixir iyo Fal adeegsanaya in loo sheegay in Caafimaadkiisu ku jiro Haween Ugub ah oo uu qudha ka jaro.

Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanta Awdal oo dhowaan hawl-shaqo ku tagay gobolka Salal oo maxkamaddu xukunno kala duwan ku ridday laba maxbuus oo laga qaaday gobolka Awdal, waxa uu ka sheekeeyey kiisas loo haysto gacan-ku-dhiiglahan oo u dhashay dalka Itoobiya.

Waxa uu sheegay in dhagar-qabahan oo hadda ku xidhan xabsiga magaalada Boorama isla markaana uu yahay dadka ku shaqaysta Sixirka uu wakhtigan kiiskiisu ka dhexeeyo dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Isaga oo sharraxayay Maxbuuskan oo nooca dambiga loo haysto, waxa uu yidhi, “Maxbuuska koowaad afar hablood oo ugub ah ayuu qudha ka jaray, waa dadkan faalku wax u sheego ee la yidhaahdo waad ku bogsanaysaa haddaad intaas oo qof dishid. Saddex wuxuu ka fuliyey dhulka Ciisuhu deggen yahay ee Itoobiya, isaguna halkaasuu ka soo jeedaa, ta afraadna wuxuu ka fuliyey Somaliland.”

Guddoomiyaha Maxkamaddu waxa uu sheega in faldambiyeedka ninkani ka geystay deegaanka dalka Itoobiya ee uu ka soo jeedo uu dhibaato u soo jiiday xubno ka tirsan qoyskiisa oo lagu qaaday Xeerka ay ku dhaqmaan beelaha Ciise oo ku nool waddamada Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti.

“Saddexdii uu xaggaas Itoobiya ka soo fuliyey, waxaanu maqallay laba nin oo midna ay walaalo yihiin midna ay ilmaadeer yihiin in loo dilay oo Xeer Ciise lagu qaaday, markaa taasi xaggaa way ka dhammaatay, in kasta oo la sheegay in dawladda Itoobiya meeshii timi oo dadkaa Maxkamadda samaystay Jeelka laga buuxiyey,” ayuu yidhi Guddoomiyaha oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiikiisa Boorama.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay wakhtigan inay ku hawlan yihiin wada-shaqayn iyo xidhiidh ay la sameeyeen dawladda Itoobiya, isla markaana lagu go’aamin doona xukunka fal-dambiyeedka loo haysto.

“Hadda ta taagani waxay ahayd gabadhaas uu gudaha Somaliland ku dilay, maxbuuskaas isaga waanu ka tagnay maadaama laba dawladood dhexdood uu ku jiro. Waxaanu go’aansannay inaanu soo waraysanno deegaankii Xaggaas Itoobiya, masuuliyiintii iyo booliskii soo qabtay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Awdal oo shalay warfidiyeennada kula hadlay xafiiskiisa magaalada Boorama.

SOMALILANDPOST.NET

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories