HomeBoorama: Shirkadda Kalluumaysiga ee Pontus Marine Oo Shaacisay In Maalgashiga Shirkaddu Furan...

Boorama: Shirkadda Kalluumaysiga ee Pontus Marine Oo Shaacisay In Maalgashiga Shirkaddu Furan Yahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorama (SLpost)- Shirkada Kaluumaysiga ee Pontus Marine ayaa maanta dadka reer Boorama u soo bandhigay qorshe ay kaga mid noqonayaan dadka maalgashanaya shirkadan dhinaca kaluumaysiga ah oo ka hawl gali doonta Somaliland. Madashan ayaa waxa ka soo qayb galay Lataliyaha Madaxwaynaha ee dhinaca Haweenka, maayarka Boorama, ganacsato, Cuqaal iyo dadwayne kale.

Ugu horayn ayaa waxa halkaasi ka hadalay Mudane Maxamed Guuleed Liibaan oo ah CEO-ga Guul Group oo ka wakiil ah shirkadan Pontus Marine, waxana uu ka waramay shirkadu waxa ay qabanayso iyo siyaabaha loo maalgashanayo waxana uu yidhi “Waxa aan maanta keenay Boorama Shirkada kaluumaysiga ee Pontus Marine oo aan doonayno inay dadka reer Awdal ka qayb qaataan maalgalinteeda, shirkadu waa mid ka hawl gali doonta Somaliland kana shaqayn doonta kaluumaysiga iyo iibgayntiisaba, waxa ay shirkadu xarumo ku yeelanaysaa magaalada Maydh oo ah meesha uu dalkeena kaluunku ugu badan yahay iyo Berbera oo noqondoonta meesha kaluunka laga dhoofin doono, sidaasi aawadeed, waxa aan u sheegaynaa ganacsatada iyo dadka kale ee danaynaya inay ka qayb qaataan maalgashiga shirkadan, in uu furan tahay isla markaana ugu yaraan lagu darsanayo $500 ugu badnaana lagu darsan doono $500,000, lacagtaas oo dhana waxa lagu shubi doonaa Dahabshiil ama Salaama Bank”

Pontos marine BoramaMaayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa ay tani iila muuqataa fursad balaadhan oo dalka lagu maalgalinayo, waxana aan ganacsatada reer Awdal ugu baaqayaa inay ka qaybqaataan oo ay maalgashadaan isla markaana waqti lasiiyo oo ay ka soo fikiraan balse hormood u noqdaan maalgashigaashi shirkadan kaluumaysiga ee Pontus Marine”

Lataliyaha Madaxwaynaha ee Arimaha Haweenka Marwo Amaal Xaaji Axmed Miisaan oo iyaduna ka hadashay halkaasi ayaa waxa ay si gaar ah ula dardaarantay dadka reer Awdal waxana ay tidhi “Waxaa la gaadhay waqtigii ay dadka reer Awdal la iman lahaayeen dhiiranaan ku aadan dhinaca maalagashiga dalka, waxa aan leeyahay fursadan ka faaiidaysta, waxa aan hubaa inay tahay mid wax ka taraysa shaqo abuurka iyo yaraynta tahriibta dhalinta, waxa aan leeyahay waan soo dhawaynaynaa cid walba oo maalgashanaysa shirkadan kaluumaysiga ee Pontus Marine”

Qaar ka mid ah Ganacsatada, Aqoonyahanka iyo Odayshaqameedka ayaa iyaguna soo dhaweeyay shirkadan kaluumaysiga ee Pontus Marine, waxana ay dalbadeen in loo baahan yahay inay dib u soo akhriyaan document-ka ka xog waramaya shirkadan isla markaana ay u soo diyaar noqon doonaan maalgashiga shirkadan.

SOMALILANDPOST.NET/Boorame

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories