HomeBOORAMA: Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii xalay oo ka warbixiyey Siday wax u...

BOORAMA: Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii xalay oo ka warbixiyey Siday wax u dhaceen iyo Dareenkii Shacabka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

dhaawacyoSaddex qof oo ku dhaawacmay weerar dabley hubaysan xalay ku qaadeen Meherad Ganacsi oo ku taala magaalada Boorama, ayaa ka warrammay qaabka uu u dhacay weerarkaas oo ay goob-joog u ahaayeen iyo sida ay dhaawacyadu ku soo gaadheen.

Weerarka oo fiidnimadii xalay abaaro 9-kii ay fuliyeen Dabley aan haybtooda la aqoonsan oo ku hubaysan Hubka fudud, ayaa lagu weeraray meherad Ganacsi oo uu leeyahay Ganacsade Muuse Caamir oo si weyn looga yaqaanno magaalada Boorama, waxaanay halkaas ka qaateen lacag meheradda taallay, waxaanay ka hor intii aanay ka bixin goobtaas dhinac kasta u rideen rasaas aanay ay hoos ugu dhigeen dadweyne tiro badan oo xilligaas ku sugnaa meherado goobta meheraddu ku taallo oo ah suuqa faras-maagaalaha Boorama, taas oo sababtay inay ku dhaawacmaan saddex qof oo shacab ah.

Saddex qof ee dhaawacyadu soo gaadheen oo dhammaantood rag ah, ayaa dhacdadan uga warramayey suxufiyiin ku booqday cusbitaalka magaalada Boorama oo lagaga daawaynayey dhaawacyada soo gaadhay, waxaanay sheegeen inay tahay arrin ku cusub degmada Boorama oo aanay hore ula kulmin.

Cismaan Cabdilaahi Kheyrdoon oo ah nin dhalinyaro ah oo dhaawac ka soo gaadhay Gacanta midig, ayaa warbixiyey dhacdadan, waxaanu yidhi, “Waxaan fadhiyey meherad cuntada waddaniga ah samaysa, anagoo kuraasta fadhina oo cashada sugayna, waxa mar kaliya bilaabay rasaas, dabadeed dadkii way wada yaaceen, waxaanu galnay meherad kale, dabadeed dadkii oo dhami beerka ayay dhulka saareen. Markay xabbaddu socotay ilaa Toban daqiiqo, ayay rasaastii yaraatay, dabadeedna waan soo kacnay, qof kastaana wuxuu caymaday (Orday) si uu naftiisa u badbaadiyo. markaas ayaan anigu isku arkay Dhiig gacanta iga socda.”

Cismaan oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Haddaanu reer Boorama nahay waxani waa wax nagu cusub oo Boorama way ku fiicnayd nabadda, aniguna intaasaan ku soo le’ekaaday oo ma maqal Xabbad dhacaysa.”

Mid ka mid ah Hawl-wadeennada ka xoogsada meheradda ay dableydu weerartay oo isaga dhaawaciisu ka culus yahay laba qof oo kale, waxa uu yidhi, “Meheradda waan ka shaqeynayey, laakiin xilligaas lacag baan ka sarrifanayey, markii ay xabbaddu igu dhacday, waanu kala qarsoonnay dadkii, markaas ayaa iigu dambaysay oon anigu ka dhex-baxay.”

Sidoo kale, Nin ka mid ah dadweyne ka adeeganeyey meheradda oo rasaasta ay Dableydu ridayeen kula kulmay xilli uu meheradda ka soo baxayey, ayaa ka warrameyey sida wax u dhaceen iyo dhaawaca soo gaadhay, “Rasaastu waxay naga heshay annagoo joogna sarrifle weyn oo ku yaala magaalada Boorama, mana garanayno cid aanu tilmaami karno. Markii aan sariiflaha ka soo baxay, ayay xabbaddu bilaabantay, anigana markaasay igu dhacday oo lugta ayay iga qabsatay, laakiin waan iska cararay oo dadkii caymadayey (baxsanayey) ayaan ka mid noqday, waayo meeshu goob dagaalbay noqotay, xabbadduna aad bay u dhacayeen, inay iyagu is-difaacayeen iyo inay xabbaddu iska dhacaysa ma kala caddeyn karo.”

Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan oo Wargeyska Himilo uga warramay dhacdadan habeen hore, ayaa sheegay inaanay aqoonsanayn cidda weerarka fulisay, balse ay ciidamada amaanku markiiba baacsadeen, magaaladana iskala baxeen ragga weerarka fuliyey oo uu tiradooda ku sheegay inay ahaayeen Lix Nin oo xilliga ay fulinayeen hawl-galan Isu-qaybiyey Saddex gudaha u galay meheradda iyo saddex kale oo bannaanka ka joogay meheradda oo dusha ka ilaalinayey.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories