HomeBooliska Togdheer Oo Xabsiga u Taxaabay Koox Lagu Qabtay Foox...

Booliska Togdheer Oo Xabsiga u Taxaabay Koox Lagu Qabtay Foox Aan Asal Ahayn

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco, (SLpost)- Wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyga ee gobolka Togdheer iyo ciidamada booliska Somaliland ayaa si wada jir ah gacanta ugu soo dhigay beeyo oo aan asal ahayn, taas  oo ka samaysan qolof laga soo diiray dhirta Fooxa iyo Maydiga.Taliyaha Booliska Togdheer

Masuuliyiinta wasaarad horumarinta iyo reer Miyiga iyo masuuliyiinta gobolka Togdheer ayaa meel fagaare ah ku gubay qoloftaasi laga soo jafay dhirta ee loo soo ekaysiiyay Fooxa, taas oo  loo iibin lahaa Foox ahaan, waxaana dadkii lagu soo qab-qabtay loo taxaabay xabsiga.

Cabdilaahi Xuseen Jaamac oo ah Isuduwaha wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee gobolka Togdheer oo ugu horeyn madashaas ka hadlaya ayaa yidhi “inaynu ku baabino ama ku gubno qolof laga soo jafay dhirta ay ka baxdo Fooxa iyo Maydiga iyo geed Quwaaxa, halkan ayaanu ku qabanay wixii fooxa loo ekaysiinaya , waxaananu ku qabanay wixii laga soo qishay ee laga dhigaayay Fooxa, intaas ka dibna maxakamadaa la geeyay dadkii sitay , maxakamaduna waxa ay xukuntay in la baabiiyo lana gubo wixii aan manaafacaad laheyn waxaanay keentay inay dhirtii imika soo kabato oo diirkeedi ku soo noqdo wixii hore ee la diirayayna ay joogsadaan .”

Isku duwaha wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Cabdilaahi Xuseen Jaamac waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay go’aamo ay arrintaasi ka soo saareen, waxaanu yidhi “ go’aamada aanu ka soo saarayna waxaa ugu mihiimsan in gaadhiga Foox ama Beeyo sida ee ka yimaada gobolka Sanaag amase ka yimaada Guban ee gobolka Togdheer imanaya in xarunta wasaarada ee gobolka Togdheer la keeno si halkaa loogu sii baadho wixii qashina ee ku jira ee laga helana laga rogo loona gubo sida kan aad hada arkeysaan loo gubay , dadka ka ganacsada Xabkaha iyo Faleenka waxaanu uga digaynaa ka gobol ahaan ka wasaarad ahan in dhirtaa la soo jafay ama asalkaa la soo diiray ee doonaya inay ganacsi ka dayaan inay dhulkooda u tudhaan, waxaananu leenahay gobolka Sanaag sida aanu culeyska u saarnay idinkuna culayska noola saara.”

Taliyaha gobolka Togdheer Gaashaanle Cabdi Muuse Cabdi oo isaguna madashaas ka hadlaya ayaa yidhi “waxay ciidanka bileyska ee gobolka Togdheer ku amran yihiin oo aanu kaantaroolada oo dhan aanu ku balaminay in wixii ay arkaan ee xagaa ka imanaya ay qabtaan. haday dhuxul sidaan iyo haday geedo kale sidaanba iyo kuwan iyo wixii kale ee ka daran ee nabaad guurinaaya dhirta, amar waxay ku qabaan inay qabtaan oo ay la soo xidhiidhan oo ay wasaarada la soo xidhiidhaan .”

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa isaguna goobtaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “waxaa weeyaan hawshanu waa dhirtii ay ka soo go’ayeen Maydigeena,  Xabagteenna iyo geed Quwaaxeenna oo la soo diiray oo la baabiyay, maanta Burco waxaa ay u tahay hawshaa dadka lagu khaldaayay ee foojariga ah ee Fooxa laga dhigaayay ee wasaaradu qabatay aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynaynaa ,ka gobol ahaana waxanu diyaar u nahay inaanu hawshaa qabano oo aanu gacan idinka siino wax weyna idinkala qabano.”

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories