HomeBooliska Boorame Oo Qabtay Xildhibaan Soomaaliya Ka Yimi Oo...

Booliska Boorame Oo Qabtay Xildhibaan Soomaaliya Ka Yimi Oo Hargeysa Ka Soo Degay iyo Guddoomiye Ramaax Oo Ka Hadlay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa wasaaradda Arrimaha gudaha iyo waaxda Socdaalka ee Hargeysa ku canaantay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo Hargeysa ka soo degay isla markkaana todobaad ku sugnaa caasimadda  oo habeen hore ciidanka booliska Boorame qabteen ka dib markii uu socdaal  isla habeen hore ku tegay Boorame.bADHASAAB RAMAAX

Waxaa kale oo uu ka hadlay guddoomiye Ramaax waxba kama jiraanna uu ku sheegay in Boorama lagu xidh xidhay dad reer Somaliland ah oo qurbajoog ah  kuna sugnaa magaalada Boorame isagoo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANINA uga digay  ka hadalka wax aan jirin oo bulshadda lagu kala fogaynayo.

Guddoomiye Maxamuud Cali Saleebaan waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka Telefoonka  ku siiyay wargeyska Dawan.

Ugu horrayn mar aanu wax ka waydiinay dad reer awdal ah oo qurbajoog ah oo la sheegay in lagu xidhay magaalada Boorame , waxaanu yidhi . “Maya ma jiraan   cid qurba joog ah oo la xidhay arrintaasina ma jirto  dorraad ayay ciidanka boolisku u yeedheen dhalinyarro qurba joog ah wax ayaanay waydiiyeen ka dibna  waa la sii daayay cid la xidhayna ma jirto Xisbiga WADDANi-na waxaa leeyahay wax aan jirin oo aan dhicin ummadda ha ku jaah wareerinina dadkana xumaan  ha ka dhex abuurina.”

“Maya maya ma jiraan qurba joog iyo cid kale oo reer Boorame ah oo la xidh xidhay arrinta uu WADDANI ka hadlayna waxay dhacday habeen hore(habeen sadexaad) arrintaasina waxay ahayd uun hubin  marka arrimaha ammaanka laga shaqaynayo ee xil ku saran yahayna waxaa ku saaran  masuuliyad iyo culays aanu dareemayn ninka dibada ka joogaa markaa waxaan WADDANI iyo cid kastaba u sheegayaa in aanaan cidna uga haybaysanayn ilaalinta nabad gelyada cid kasta oo ay suuragal noqoto in wax la waydiiyana waa la waydiinayaa waana loo yeeshaya laakiin ta macneheedu maaha in qurba joog la xidhayo,qurbajoogu waa dad wanaagsan oo aanu aad isugu xidhanahay  maantana caalamka waxa ka soca waad ogtihiin waxyaabaha ka jira oo waxaa dhacda in qof madaar ka dhoofayaa uu muddo saacado badan ah u xanibnaado hubin dhanka ammaanka ah markaa haddii arrimo nabad gelyo laga shaqaynayo waa in  sidaa loo ogaadaa, WADDANI-na waxaan leeyahay arrimaha  nabad gelyada adkayntoodu waa shaqada Xukuumadda waana waajib cidna waxba laga waydiin maayo, WADDANI-na loo soo mari maayo,”ayuu yidhi Badhasaab Ramaax.

 

Guddoomiye Ramaax oo aanu weydiinay sida ay u qabteen xildhibaan ka tirsan dawladda Muqdisho, waxa uu yidhi “Ninkaa xildhibaanka Soomaaliya ahi horta waa dambiile qaran oo dalka sharci darro ku soo galay markii uu Boorame soo gaadhayna waanu qabanay  waxaanan qabanay  xalay (habeen hore ) oo ahayn isla markii uu Boorame soo gaadhayba laakiin cidda khaladka leh ee soo daysay waa wasaaradda arrimaha gudaha iyo waaxda socdaalka Hargeysa sababtoo ah ninkaa dambiilaha qaran ah ee isagoo ah xildhibaan Soomaaliya ah dalka soo galay wuxuu ka soo degay madaarka Hargeysa waxaanu si  sharci ah oo nabad ah Hargeysa u joogay muddo todobaad ah markaa waxay ahayd in aanu annaga(Boorame) na soo gaadhin laakiin iyaga ayaa shaqadoodii gabay oo madaarkii caasimadda ayay ka soo degayaan dambiileyaal qaran oo ay waliba hadana u hoyanayaan oo intay doonaan joogayaan, laakiin annagu( Maamulka gobolka awdal) waanu qabanay waanu xidhanyanay sharciga ayaanan marinaynaa.”

Source: DAWAN

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories