HomeBoobka Suugaanta iyo Booli-horseedka Cusub ee Nuur-Daalacay!

Boobka Suugaanta iyo Booli-horseedka Cusub ee Nuur-Daalacay!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Beryahaaba dhac ayaa tixaha ku socday… Qaar la dooriyo ciddii curisay, kuwo la isku qabsado, heeso la iska dabaqaado.. Anigoon ka hadlay xukunka dhegaysiga heesaha iyo waxa ay diintu ka qabto, dhawr iyo tobankii gu’ ee u dambeeyay waxa aynu maqlaynay fannaaniin ku luuqaysa heeso ay kuwo hore ay lahaayeen, taasna waxa ku dirqiyay sababo ay ka mid yihiin inay ku soo shaacbaxaan, noolaynta Sooyaalka hormoodkii hore ee fanka, Jacayl ay tixahaas u qabaan iyo ujeeddooyin kale.

Laakiin marnaba ma ay doorin jirin laxanka iyo luuqda ay heesahaasi leeyihiin… Dhawaan ayay ahayd markii aan maqlay maanso ama hees uu sameeyay Abwaanka Wey nee Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” magaceedana la yidhaahdo Togdheer, oo uu dib u qaaday, laxan cusubna uu saaray Al-fannaan Nuur Daalacay..

Meerisyada tixdan waxa hore codkiisa ku qaaday Alle ha u naxariistee fannaankii caanka ahaa ee Muuse Ismaaciil Qalinle oo muddo ku dhaw labaatan sanno ka hor ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Innaga oo dhawaan soo bandhigi doonna codadka iyo luuqda ay labada fannaan ku kala qaadayaan hawraartan Togdheer, waxa uu garaadkaygu is-weydiinayaa misna aan jeclahay inaan Nuur Daalacay iyo bulshada la wadaago dhawrkan su’aalood eek ala ah:

1.      Maxaa sababay in hees hab-dhac iyo laxan lahayd loo dhalan-rogo hab-luuqeed cusub?

2.      Ma aasitaan lagu samaynayo qalanbaawigii hore ee qaadi jiraybaa?

3.      Duudsi iyo gef aan geedna loogu gabbaan miyaanu falkani ahayn?

4.      Inuu raalli-gelin ka bixiyo  tallaabadan gurracan ee Nuur hormoodka ka yahay miyaanay habboonayn?

5.      Qofka kaalintii dadka horreeyay daboolka saarayaa karaamo ma filayaa?

6.      Mise xalku waa in la isla tiigsado xeerka xatooyada xuquuqda fanka iyo farshaxanka (copyright) ayay noqonaysaa?

Waa maqaal wargelin u ah bulshadii moogganayd.. Ciddii hindise qalloocan hiyiga ku haysay waxa uu uga digayaa inay hawl leexsan ku kacaan.. Guul iyo gabbood-fal wixii uu sidaa waa dummaddayda… Alloow eex ma hadline aqoon ha igu cadaabin!

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

4428604

saedmgahair@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories