HomeBoobe oo Joojinta Kiraynta Haamaha Ku Hanbalyeeyay Wakiilada, Kana Sheekeeyay Hawlgal Ay...

Boobe oo Joojinta Kiraynta Haamaha Ku Hanbalyeeyay Wakiilada, Kana Sheekeeyay Hawlgal Ay SNM Ku Qarxin Lahayd Haamaha Shidaalka oo Siilaanyo Baajiyay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa’(SLpost)-Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Boobe Yuusuf Ducaale ayaa taageeray go’aankii ay wakiiladu ku laaleen kiraynta haamaha shidaalka ee qaranka, waxa uu Boobe si qoto dheer uga sheekeeyay haamaha shidaalka iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo oo war buuran ka hayay waxa ay isla soo mareen wakhtigii Siyaad Bare talinayay iyo hawlgalo SNM ku qarxin lahayd oo uu baajiyay, isga oo isa su’aalay sababta maanta keentay in isaga oo dalka ka madaxweyne ah uu haamihii gacanta dawlada ka saaro.

waxa uu boobe oo warbaahinta la hadlaayay uu yidhi “Waxaan ku hanbalyaynaynaa golaha wakiilada ee laalay iibkii ama wareejintii haamaha shidaalka, aadbaad u mahadsantihiin alle haydin garansiiyo xilkiina, qolada wasiirada ah ee leh maanaan keeninba golaha hadii aad keentaan iyo hadii aydaan keeninba sidaas ayay u laalnaanaysaa.”

xoghayaha warfaafinta ee Waddani isga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi“arintani waxay i xasuusinaysaa sanadihii dulsaarka ahaa ee aanu joognay SNM, waa dabayaaqada 1990-kii meeshu waa Baligubadle, waxaanu ka soo baxnay shirkii madagweyn ee guurtida waxaanu u diyaar garoobaynay shirweynhii lixaad oo ka furmayay Baligubadle waa Axmed Maxamed Maxamuud oo maalintaasna gudoomiye ahaa imikana madaxweyne ahaa taanbuug yar oo uu seexan jiray inta uu ka soo baxay ayaa loo goglay ardaa yar oo ka soo horeeyay, quraacdii kadib sagaalkii ilaa sagaalkii iyo badhkii meelahaas iyada oo ah, ciidan halkaas maryay oo Ibraahin Dhagaweyne watay ayaa ayuu waraystay halkay ku socdaan iyo hawsha ay tagayaan, waxa loo sheegay inay tagayaan Berbera oo ay soo qarxinayaan haamahii shidaalka, anigu waligay haamaha shidaalka cilmibaadhis kumaan samayn,meelkamaan akhriyin oo maan aqoon, laakiin khudbad yar oo kooban oo maalintaas uu Axmed na siiyay ayaa ahayd sida ay ku samaysmeen haamaha shidaalku.”

waxa uu Boobe hadalkiisa ku soo gunaaday“waxa uu nooga sheekeeyay in haamihii ugu horeeyay ay ahaayeen kuwo yar yar oo gumaysigii Ingiriisku keenay, kuwii ku xigayna ay ahaayeen haamo ruushku sameeyay ama midawgii soofiyati isaga oo noo raaciyay inuu wasiirka ganacsiga ahaa oo wadahadalkii lagu samaynaayay haamahaasi ay 12 sano socdeen, waxa uu noo sheegay in Maraykanku uu dhisay qaybta sadexaad oo ahayd markii uu la wareegay garoonka iyo saldhigii malatariga ee ruushka oo ay qiimahaas ku fadhiyeen.Alle waa iiso joojiyay Axmed maalintaas hawlgalkiina sidaas ayuu ku baaqday, Axmed waxaan ka qabay inuu lexejeclo ka qaybay haamaha shidaalka dabeedna maanta ayaan maqlayaa isaga oo Soomaaliland madaxweyne ka ah oo la leeyahay haamihii shidaalka ayaa la iibinayaa, waxa aan ka mid ahay dadka aan labadaas isasaarin, arintu arin ganacsi maaha ee waa mid la xidhiidha amniga qawmiga ah ee dalkan, waa mid la xidhiidha siraha uu qarankani leeyahay.”

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories