HomeBolivia oo Noqotay Dalkii Saddexaad ee Magan-gelyo siyaasadeed ugu yabooha Basaaska Maraykanka...

Bolivia oo Noqotay Dalkii Saddexaad ee Magan-gelyo siyaasadeed ugu yabooha Basaaska Maraykanka ka Fallaagoobay ee Edward Snowden

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Moscow (SLpost)- Ninka Maraykanka ka falaagoobay ee Edward Snowden oo hore uga soo shaqeeyey hay’adda Sirdoonka ee CIA-da, muddooyinkii u dambeeyeyna ku sugnaa dalka Ruuska, ayay sii kordhayaan wadamada ugu yaboobay inay Magangalyo siiyaan.

Waddanka Bolivia oo ku yaala Laatin Ameerika, ayaa noqday wadankii saddexaad ee caddeeya inay diyaar ula yihiin Magangalyo siyaasadeed inay siiyaan khabiirkan dhinaca wardoonka ah oo la ogsoon yahay in lagu qarinayo Madaar diyaaradda ee magaalada Moscow.

Wadamada Nicaragua iyo Venezuela ayaa hore iyagu u shaaciyay inay diyaarka ugula yihiin ninkan wadankiisu baacsanayo ee Snowdan inuu wadamadooda qoxootinimo ku joogo. “Waxaan doonayaa inaan halkan uga cadeeyo Reer Yurub iyo Maraykankaba, Inaanu doonayno inaanu magangalino ninkan Maraykanka ah (Snowden) ee wadankiisu baadi goobayo haddii uu na soo waydiisto, wax cabsi ahna kama qabno,” sidaa waxa shalay wargeyska Financial Times u sheegay Madaxweynaha Bolivia, Evo Morales.

SNOWDEN
BIDIX: Madaxweynaha Bolivia iyo Edward Sowden

Snowden ayaa In ka badan 20 wadan u dirsaday dalabka Codsi Magan-gelyo, iyadoo badi wadamadu diidmo ugu jawaabeen, halka qaar kamid ahi jawaab ugu soo celiyeen ninkan qandaraasle-nimada ugu soo shaqeeyey wakaalada sirdoonka Maraykanka inuu marka hore ciidda wadamadooda soo caga-dhigto ka hor inta aanu waraaqaha codsiga noocan ah soo gudbisan.

Subaxnimadii hore ee shalay, Madaxweynaha wadanka Venezuela Nicolas Maduro ayaa ku dhawaaqay In dalkiisu magan-gelyo siyaasadeed ula diyaar yahay Snowdon. “Sumcada Ameerika anigoo ka duulaya, waxaan go’aan ku gaadhay inaan siiyo Magan-gelyo binu-aadanimo mudane Edward Snowden,” ayuu Maduro yidhi, isagoo ka hadlayay dhoolatus millatari oo wadankiisu ku xusayay maalintii xoriyada, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

Sida lagu baahiyey Sky News, maalintii Jimcaha, Madaxweynaha Nicaragua, Daniel Ortega  waxa uu sheegay in wadankiisu Snowdon ku qaabilayo si qalbi furan leh.

Arinta sii cadho gallisay wadamada Badhtamaha iyo koonfurta Qaarada Amerika ku Yaala ee magan-gallinta Snowdon ku yaboohay, ayaa dabada ku haysa khal-khal siyaasadeed oo ka dhashay kadib markii todobaadkii aynu soo dhaafnay diyaarad siday Madaxweynaha Bolivia Morales oo u socotay caasimada La Paz wakhti ay ka yimaadeen shir ka dhacay caasimada Ruushka ee Moscow, lagu qasbay inay fadhiisato caasimada Austeria ee Veina si looga baadho  Snowden oo loo maleeyey in lagu soo dhex qariyey safarka, sida ay baahisay wakaaladda wararak ee Reuters, arrintaas ayaana keentay in wax yar kadib uu Morales ku dhawaaqo in falkaasi ahaa Mid muujinaya nacaybka Qaarada (Laatiin Amerika) loo hayo.

Snowden ayaa safar diyaaradeed ku yimid Ruushka isagoo ka soo kicitimay Hong Kong bishii June 23 keedii. Dowlada Maraykanka oo markaas xayirtay Passbor-kiisiina waxay keentay inuu ilaa xiligaas wixii ka dambeeyey go’doon ku dhex ahaado qaybta Transit-ka ee Madaarka caasimada Ruushka ee Moscow.

Ruuska ayaa ka mid ahaa wadamada codsiga magangalyo ka hayay Snowdon, laakiin waxa uu dib ugala noqday waraaqihii codsigiisa kadib markii Madaxweyne Vladamir Putin sheegay inay magan-galyadiisa aqbalayaan kaliya haddii Snowdon uu joojiyo shaqada uu ku waxyeelaynayo wax uu ugu yeedhay Xulafadayada Maraykanka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories