HomeBoko Haram oo Beenisay Heshiis Dhexmaray Dawladda Nigeria, sheegayna inay Muslimiyeen 200...

Boko Haram oo Beenisay Heshiis Dhexmaray Dawladda Nigeria, sheegayna inay Muslimiyeen 200 gabdhood oo u af-duubnaa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Lagos (SLpost)- Kooxda Boko Haram oo ka dagaalanka dalka Nigeria, ayaa beenisay inay heshiis xabbad-joojin ah la gashay xukuumadda dalkaas, iyaga oo sheegay in 200 oo hablood oo ay horraantii sanadkan afduubeen dhamaantood Islaam laga dhigay una guuriyeen ciidamadooda. Hoggaamiyaha kooxda, Abubakar Shekou oo cajalad fiidiyow ah oo laga duubay, ayaa sheegay inaanu jirin heshiis xabbad-joojin ah oo ay xukuumadda la galeen, isaga oo hadal xukuumadda Nigeria hore ugu sheegtay inay heshiis gaadheen ku tilmaamay mid been abuur ah.

BOKO HARAM“Warka xukuumaddu sheegtay waa been, mana jirto cid aan wada-hadallo la galayno,” ayuu yidhi Shekou, isagoo intaas ku daray, “Gabdhihii aan gacanta ku haynay dhammaantood waxay qaateen Islaamka, waxaananu u guurinnay dagaalyahannadayada.”

Abubakar Shekou waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inay dagaallada sii wadi doonaan, isla markaana ay ku taagan yihiin waddadii ay Nigeria oo dhan kaga hirgelin lahaayeen isku-xukunka diinta Islaamka.

Gabdhahan ayaa xilligii la afduubayay ku sugnaa iskuul ay wax ka baranayeen oo ku yaalla Waqooyi-bari Nigeria, taasoo keentay in warkooda mar qudha wada-gaadho dunida oo dhan, inkasta oo aan lagu guuleysan in Boko Haram laga soo furto.

Ha’yadaha Xuquuqda Aadanaha caalamka ayaa dowladda Nigeria dhawaan ku eedeeyay inay wax ka qaban wayday gabdhaha ay kooxda Boko Haram ka afduubatay iskuul ay wax ka baranayeen.

Xukuumadda Nigeria ayaa dhawaan sheegtay inay heshiis xabbad-joojin ah la gashay kooxda Boko Haram, isla markaana ay rajeynayaan in heshiiskan uu qayb ka noqdo dadaallo lagu doonayo in gabadhaha afduuban lasoo daayo.

Kooxda Boko Haram oo macnaha magacoodu u taagan yahay, Waxbarashada reer Galbeedku waa Xaaraan – ayaa dagaallo kula jiray xukuumadda Nigeria tan iyo sannadkii 2009-kii; iyaga oo deegaanno badan oo Nigeria ku yaalla boqolaal haween ah ka afduubay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories