HomeBogagga Taariikhda: Sooyaalkii Ibraahin Meygaag Samatar iyo Qoraalladiisii – Qaybta 6aad

Bogagga Taariikhda: Sooyaalkii Ibraahin Meygaag Samatar iyo Qoraalladiisii – Qaybta 6aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

hg“…Haddii ay isku-fillaanshaha, dimuqraaddiyadda gudaha iyo maareynta xiisadaha ee wada-hadalka iyo qaababka nabadeed loo adeegsanayaa yihiin waxa Somaliland ka duwaya ama ka soocaya Soomaaliya, xaqiiqadu waxa ay tahay in hababkani ay yihiin qaar lagu soo bartay waayo-aragnimana lagaga kasbaday xanaftii iyo xanuunkii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd.”

Maqaalka: Mugdiga Iftiin baa ka danbeeya,

(Light at the end of the tunnel)

Ibraahin Meygaag Samatar, 1993kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa: 28/5/2015ka

Qormada: 6aad

Saddex jeer markii ay ku celiyeen ayaa sanqadhii oo dhami joogsatay. Ka dib Ibraahin Meygaag Samatar ayuu makrifoonkii u dhiibay, annaga oo Ibraahin ku badhi-taageernay in uu baabuurkii “Cresidada” ahaa dusha uga baxo. Sidii ayuu yeelay Ibraahin Meygaag Samatar, dadkiina wuxu ugu ballan-qaaday in Kal-fadhiga Golaha Dhexe hadda fadhiisanayo arrinta madax-bannaanida gobollada woqooyina go’aan dhaxal-gal ah ka gaadhayo.

Sidii ayaa lagu galay madashii Kal-fadhigii taariikhiga ahaa ee SNM ka socday oo Somaliland lagu go’aamiyay.

Ibraahin Meygaag Samatar, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo e’, wuxu dadka kaga duwanaa in uu ahaa caalim mufakir ah oo aragtii ka lahaa halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran, la-soo-noqoshadii madax-bannaanidii Somaliland iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeedba. Waxa aan jeclahay in aan qormooyinkan dambe wax kaga taabto laba qoraal oo uu ka tegay oo laba waqti oo kala fog soo kala baxay. Qoraalka hore wuxu soo baxay 1993kii halka qoraalka labaad ee aan halkan ku soo qaadanayaa ka soo baxay bishii Ogos 2010kii.

snm_ibrahim MeygaagWaa qoraal (paper) Ibraahin Meygaag Samatar ka jeediyay Shirweynihii Cilmi-baadhista Soomaaliyeed ee lagu qabtay Worcester (Boston) oo dalkaa Maraykanka ku taalla. Aniga oo aan maanta u ambo-bixin in aan idiin wada tarjumo warqaddaasi sidii ay u dhammayd bal haddana aan godollo ka soo qaato si aad ula socotaan fikirkii iyo aragtidii Ibraahin Meygaag Samatar oo aan gole-ka-fuul iyo male-awaal midna ahayn, bal se ahayd cilmi-baadhis qotonkeeda iyo qaradeedaba leh oo uu kaga duwanaa hoggaamiyaashii qaran iyo kuwii xarakadeed ee ummaddan soo marayba.

Bal hadda hordhaca qoraalkan kooban aan ku horreynno oo uu qoray 1993kii oo lagu daabacay buugga la yidhaahdo: “Mending rips on the sky”. “Cir-ku-baanashada biixiyaha burburay.”

Ibraahin Meygaag Samatar maqaalkiisan ama qoraalkiisan wuxu ku suntanayaa: Light at the end of the tunnel: Reflections on the struggle of the Somali National Movement.

Haddii aan is-idhaahdo af-Soomaali u beddel, sidan ayaan u dhigi lahaa: Mugdiga iftiin baa ka danbeeya: Milicsiga halgankii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM).Haddii aan ku hees is-idhaahdo waxaan soo qaadan lahaa: Gabbal dahacaba, waa guduutaa ku xiga.

Ibraahin Meygaag Samatar hor-dhiciisa maqaalkan waxa uu ku yidhi, aniga oo af-Ingiriisi idiin ka soo tarjumay:

“Waxan soo socda ama qoraalkani ma aha ka-sheekaynta hawl-galladii SNM tan iyo maalintii ay bilowday halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee ay kaga soo hor jeedday nidaamkii Siyaad Barre. Qoraalkani haddana ma aha qiimayn cilmiyeed oo aan dhinacna u janjeedhin oo ku saabsan hawl-galladii SNM iyo saamayntii ay ku yeesheen siyaasadda Soomaaliyeed. Qoraalkani ma aha oo kale qeexid iyo kala-dhanbalid nidaamkii Siyaad Barre ah ama qiimaynta doorarkii ay jilayaasha dibadeed (caalamiga ahi) ka ciyaareen qalalaasaha Soomaaliyeed. Intaas oo dhan midna ma aha, haddana qoraalkani waa intaas oo isku wada jirta oo isku dhafan.

Haddana intaas oo dhan midna ma aha, maxaa yeelay mowduucyadaas oo dhan midna waqtigii iyo diraasaddii loo baahnaa ee lagu qeexi lahaa ma siinayo. Geesta kale marka aad iska taagto, qoraalku intaas oo dhanba waa uu yahay maxaa yeelay qalalaasaha Soomaaliyeed si uu u taabtaba waa uu taabanayaa ama wax ayuu uga odhanayaa.”

Ibraaahin Meygaag Samatar intaas hoos ayuu uga sii daddegay, waxaanu yidhi isaga oo qaddimaya qoraalkiisa:

“Qoraalkani sida cinwaankiisu sheegayo, waa milicsiyo (Refelections). Milicsiyaduna sida dabcigooda ama sawracooduba yahay waa wax aan isku xidhnayn oo aan si is-raacsan oo taxane ah u rasaysnayn. Waa wax hore iyo gadaalba u socda oo dhex qaada ama dhex-roor u noqda mowduucyo faro badan oo aan si habaysan looga hadlayn. Sidaa awgeed arrimo badan oo qalalaasaha Soomaaliyeed la xidhiidha ayaa laga hadlayaa. Qardo-jeexyada siyaasadaha caalamiga ah ee Soomaaliya ku wajahan oo ay ku lammaanaayeen bilowyo habowsani ayaa la sharxayaa. Waayo-aragnimada iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida muuqata ee ay uga duwan tahay Soomaaliya ayaa la gorfaynayaa. Marka aan ka beydho ama ka leexdo dhibaatooyinka dhaqaale-siyaasadeed ee Afrika ka aloosan, qiimayn dhab ah ayaan ugu noqonayaa halgankii hubeysnaa ee SNM.”

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

 

HALKAN KA AKHRISO QAYBIHII HORE

QAYBTII 5AAD

QAYBTII 4AAD

QAYBTII 3AAD

QAYBTII 2AAD

QAYBTII 1AAD

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories