HomeBogagga Taariikhda: Sooyaalkii Ibraahin Meygaag Samatar iyo Qoraalladiisii – Qaybta 11aad

Bogagga Taariikhda: Sooyaalkii Ibraahin Meygaag Samatar iyo Qoraalladiisii – Qaybta 11aad

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

hg“…Haddii ay isku-fillaanshaha, dimuqraaddiyadda gudaha iyo maareynta xiisadaha ee wada-hadalka iyo qaababka nabadeed loo adeegsanayaa yihiin waxa Somaliland ka duwaya ama ka soocaya Soomaaliya, xaqiiqadu waxa ay tahay in hababkani ay yihiin qaar lagu soo bartay waayo-aragnimana lagaga kasbaday xanaftii iyo xanuunkii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd.”

Maqaalka: Mugdiga Iftiin baa ka danbeeya,

(Light at the end of the tunnel)

Ibraahin Meygaag Samatar, 1993kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa: 3/5/2015ka

Qormada: 11aad

Hadda ha illoobina, Ibraahin wuxu ka hadlayaa waa dimuqraaddiyaddii e’, waxaanu qoray: “Adduunyadan aynu ku nool nahay, dimuqraadiyaddu waxay ka mid tahay ereyada loogu fahmada daran yahay, loogu tarjumadda daran yahay, looguna adeegsiga daran yahay. Doc kale haddii aan ka eego, ereyadani ma aha qaar lagaga heshiiyay culuunta siyaasadda, sidaa darteed diyar uma ihi in aan halkan ku galo qeexid iyo macnayn aan waxba laga dheefayn. Bal se marka aad dhugato ee aad u dhabbo-gasho waayaha Somaliland ka taagan, waxa lama-huraan ah in dhowr arrimood la iftiimiyo ama wax laga yidhaahdaba.

Obocda iyo murtida dimuqraadiyaddu waa xukunka siyaasadeed oo saldhig looga dhigo dooca iyo dareenka la-xukumaha ama dadweynaha. Tani waxay ku iman kartaa qaabab badan oo kala duwan, oo qaabba qaabka kale ka fiican yahay ama door-roon yahayba. Siyaabo badan ayaa tijaabo loo geliyay hirgelinta ama adeegsiga dimuqraadiyadda intii ay soo taxneyd taariikhda aadamaha adduunyadan ku nool.

Innagu muslin ahaan waa aynu naqaannaa dimuqraadiyadda. Waxa la soo adeegsanayay tan iyo maalmihii uu islaamku ka tis-qaaday adduunyadan. Mabaadiida ma-guuraanka ahi waxay ku xardhan tahay Quraanka. Intiinna arrintan daahu ka saaran yahay, waxaan ka codsanayaa in ay akhriyaan Suuradda “Aala-Cimraan.”

Ma aamminsani in qaabka inoo degsan ee dimuqraadiyadda ee xisbiyada badan iyo qof iyo hal cod, uu yahay wax xun oo la eedo ama dagaalaba. Waa uun mid ka mid ah qaababka dimuqraadiyadeed ee aadanuhu soo adeegsaday intii uu dhaqnaa ama soo jirayba. Waxbana kuma jabna haddii aynu hore u sii marinno oo sii qabyo-tirno.

Ibrahim MeygagIntaa haddii aan qaaday oo dhigay, anigu ma rumeysni in xisbiyada badani dawo u yihiin dhibaatooyinka iyo caqabadaha ina hor taagan dhammaantood. Waxaynu ku qasban nahay in aynu ku kabno dhaqankeenna iyo diinteenna. Haddii kale xisbiyadan aynu ka hadlaynaa waxay iska noqonayaan laf aan dhuux ku jirin ama geed xar galayba. Sidaa haddii ay wax u dhacaan xisbiyadan aynu ka hadlaynaa waxay gabbaad u noqonayaan qaab cusub oo keli-talisnimo oo xubnaha xisbiga lagaga hor joogsado in ay fursad u helaan ay waxa ay doonayaan ku doortaan.”

Aan ku soo xidho maansadan baroor-diiqda ah oo uu tiriyay Cabdiraxmaan Cawlo (Baqdaadi)

Waa lama huraan geeridiyo, hoyga aakhiro e’

Hayeeshee huq bay leedihiyo, hibasho gooniya e’

Hiirtaanyaday kugu dishaa, hadh iyo laylkiiye

Meygaag halyey buu ahaa, loo harraad qabaye

Alleylehe haldoor baa ka baxay, hanaddadeeniiye

Hakad baa Rashiidaw ku yimi, horumarkeeniiye

Suuganta hodanka ah murtida, heli-ogaanteeda

Hawraar odhaah iyo farshaxan, hoga-tusaalaynta

Kala haadintiisiyo naxwaha, kala hufnaantiisa

Garashada hoggeediyo sarbeeb, hadallo raac-raaca

Geesi loo han weynyuu ahaa, lama-huraankiiye

Alleylehe haldoor baa ka baxay, hanaddadeeniiye

 

Hilaad iyo aqoon iyo wax-garad, hawlkar iyo daacad

Hufnaan iyo mudnaan iyo hab-dhaqan, geesi lagu hiisho

Iyo hoga tausaalaha gartiyo,   guurti ma huraan ah

Geed hadhac ah oo la hadhsado, hiifka lagu reebo

Hayin dhaansha oo lagu nastoo, beel harraad-tire ah

Halka aad ka eegtaba gadh-qaad, libinta soo hooya

Geesi loo hanwen yuu ahaa, lama-huraankiiye

Alleylehe haldoor baa ka baxay, hanaddadeeniiye

 

Hadday murugto oo aad dhib iyo, halis ka yaabayso

Ku-hagoogashada dhiilladiyo, nabad-heshiisiinta

Hal-karaanka isu soo hagiyo, hoy-isugu-geynta

Halgan run ah hayaan meel mariyo, heegan lagu seexdo

Higsad iyo olole hurinta iyo, haybad lagu guuro

Hammi lagu baraargu markay, hawl wax-qabad joogto

Hindisaha tilmaan iyo oddoros, himilo joog dheer leh

Geesi loo han weynyuu ahaa, lama-huraankiiye

Alleylehe haldoor baa ka baxay, hanaddadeeniiye

Hadal deeq leh isu-soo-hilaw, dhiirri hana-qaad ah

Hogol curatay harahoo biyo leh, waqal hereer joogo

Baaq hodan ah hirar kuu baxoo, lagu hayaamaayo

Kooshinoow hoggaan buu ahaa, heer u joogaba e’

Mar hadday hediisii gashoo, laga hor joogaynin

Alleylehe halbawlaa badh go’ay, loo hamuun qabye

Allaw hoyga aakhiro Jannada, hagar la’aan seexi

Inta NABIGA (SCW) meel la hadhsatiyo, Cali hareer jiifi

Eebow halaagiyo dhibtiyo, hoogga ka ilaali

Eebow adaa hodana oo, deeqda noo hura e’

Eebow haleelada Jannada, hoyga u ballaadhi

Codsi:Halkaa aan maanta inoogu joojiyo Taxanihii gaabnaa ee aan kaga hadlayay Ibraahin Meygaag Samatar. Waxaan jecelahay markanna in ay markiinnii noqoto oo aad idinkuna Ibraahin wax aan sidaa u sii badnayn ka tidhaahdaan. Waa codsi. Waxaan magan idiin ka ahay in aad waxoogaa ka soo qortaan Ibraahin Meygaag Samatar. Ma taqaannay? Ma maqashay? Qof caynkee ah ayuu ahaa? Wax saamayn ah miyuu kugu leeyahay ama lahaab? Weligaa ma la kulantay? Wax sawir ah ma ka haysaa? Wax sheeko ah ma la yeelatay oo ma kula wadaagi karnaa? Fadlan, aniguba in badan ayaan idin habay ee anigana markiinna bal bog, laba, saddex ama afarba iigu deeqa si aynu u qabyo-tirno sooyaalka taariikheed ee Ibraahin Meygaag Samatar oo aynu dibuhabayn dambe marar badan oo kale wadaagi doonno. Haddii aad wax soo qorayso oo aad soo dirayso fadlan soo raaci sawirkaaga iyo taariikhdaada oo kooban iyo halka aan ku noshahay.

Dhammaad, wa billahi towfiiq iyo qoraallo dambe oo intan ka shilis.

HALKAN KA AKHRISO QAYBIHII HORE

QAYBTII 10AAD

QAYBTII 9AAD

QAYBTII 8AAD

QAYBTII 7AAD

QAYBTII 6AAD

QAYBTII 5AAD

QAYBTII 4AAD

QAYBTII 3AAD

QAYBTII 2AAD

QAYBTII 1AAD

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories