HomeBIYO KULULE: Goob hadda uun la fahmay iyo Deegaankii Qurxoonaa oo isbeddelay...

BIYO KULULE: Goob hadda uun la fahmay iyo Deegaankii Qurxoonaa oo isbeddelay — Qalinki Suleymaan Cabdisitaar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxay ahayd galab gaaban oo qoraxdu godka ku dhawdahay markii aanu soo gunaanadnay  kana soo dareeray aqoon iswaydaarsi aanu dhawr maalmood u joognay magaalo Xeebeeda  Berbera  markii aanu isla qaadanay  koox aanu si gaara  u wada soconay in aanu gaadhno BIYO KULUL  oo ka mid ah biyaha la yidhaahdo BIYO GUURE oo 20 KM dhinaca Bari kaga beegan magaalda Berbera.

Markiiba diyaar garow iyo in aanu ka gaashaamanay baahiyahayagii ka dib waxa dhawr qof oo aanu wax ka waydiinay goobta noo sheegeen in aanu iskaga joogno oo habeenkii aan biyaha la gelin meeshana ay ku sugan yihiin Shaydaamo iyo rooxaamo kale, kumaanu qancin ee waxaanu si indha iskuqabad ah ugu dhaqaaqnay goobtii anakoo shidhka hore ee gaaadhigana dhiganay  Axmed oo xoogaa deegaanka wax ka yaqaanay ahaana reer Berbera, markii aanu mudo soconay oo aanu marayno jid qarfa ah ayaanu si kedisa ugu soo baxnay gaadhi Land cruiser ah oo gacan siinaya mid kale oo Surf ah oo ciida six un u galay ka dib markii uu wadada ka habaabay gaadhiga SURF ta ah waxa saaran hooyo da’ah oo aan u maleeyey inay ahayd qofkii awgii goobta loo yimi ,  hablo dhawra iyo aabahood salaadii makhrib ayaananu halkaas ku tukanay

Waxaanu xoogaa saacad iyo dheeraada ku qaadanay halkii si aanu gacan u siino dadkii meesha ku xanibnaa aakhirkiina way suurtoobiwayday inaanu ku guulaysano inkastoo aanu ahayn 8 dhalinyaro ah oo wada xooga hadana duruuftii meesha taalay way noo saamixi wayday.

Halkii ayaanu ka dhaqaajinay anakoo laftayadu marar dhawra ciida muquuranay oo aanu si khasaba kaga saaray, waaxayse noogu darayd markii aanu anakuna dooxa BIYO GUURE aanu dhex galay oo wada ciida isla markaana ay mudo nagu qaadatay inanu ka baxno waxaana isla goobtaa xoogaa nagag maadaystay niman ilaa 5 ilaa 6 ah oo majarafado sita oo aan u malaynay inay gawaadhda mesha gasha ka saaraan xoogaa qarashana ka qaadaan, ayaa markaanu dirsan waynay ilayn waxaanu isu aragnaa rag xooga oo wax walba dhufanayee waxay naga ag qabsadeen ciyaar dh` aqameed ay anaka noogu duur xulayeen aakhirkiise waxa farsamo wanaagsan na siiyey Xamse oo ahaa wiil dhalinyaro ah meeshana mara oo BURCO gaadhi ka yimi waday.

Waxaanu gaadhnay goobtii aanu u soo kolonyaysanay waxaana dhamaantayo yaab iyo amkaag nagu noqotay sida meesha loo joogo ee aanan halkan sawir idinkaga siin Karin.

Muuqaalka guud ee meeshu waa mid qurxoon waa doox dhex mara 2 buurood oo aad u waaweyn dhexdooda xoogaa 1laa 300  oo mitir ahna xageeda hore ka kala yara durugsan waxa halkaas degen dad aan ku qiyaasay ilaa 1000 ku dhawaad waxa dheer gawaadhi ilaa 200 oo gaadhi gaadhysa, dadka intaas leegee meeshaas degani ma haystaan meel ay galaan, suuliyo iyo meel ay wax ka cunaan toona, isla markaana waxay u daadsan yihiin sidii qaxoonti hada degay waxay isu dhex jiifaan sidii ay u wada socden oo rag iyo dumarba leh  wax cabsiya oo ay qabaana ma jirto.

Dadka goobtan yimaada waxa lay sheegay inay ka kala yimaadeen guud ahaan gobolada Somaliland iyo qaar ka mida Somaliyaba waxa meesha mara doox biyood kulul oo aanad meelaha qaarkood gacanta ku hayn Karin taas oo dadkaasi u yimaadeen sabab caafimaad darteed oo ama ay arkeen cid ku soo caafimaaday ama dhakhaatiir iyo khubaro caafimaad kula taliyeen inay mudo joogaan si curuuqaha ,jidhxanuunka iyo dhamaan cabashada xaga xididada iyo lafaha ah ee dadku ay ugu soo furfurmaan.

Markii aanu meeshii gaadhnay waxaanu gaadhigii ku Parking garaysanay meel inta badan gaadiidku taagnaa waxaanan u dhaqaajinay xagii uu dooxu ka imanayay waxaanu dhex qaadnay dooxii biyaha ahaa anaka oo kabihiina iska bixinay intaa aanu soconaynay waxaanu arkaynay qaybta midig ee buurta oo meel walba biyo soconayaa ka soo degeyaan isla markaana ah biyo kulul oo aanad gacanta ku qaban Karin iyadoo meelaha qaar hadaanu is odhan lahayn xoogaa shaaha ku karsada ay Karin lahayd, markaanu qiyaas 3 km ah soconaynay ayaanu gaadhnay meel naloo sheegay in ay tahay qaybtii Raga  qaybta dumarkana nala yidhi way horaysaa. Saacadu waa 10:00 habeenimo ee geeska afrika waxaanuna galay meeshii biyaha kululayd. Oo aanu waqtigii ku dabaalanay

Hadaba ujeedada aan u soo qaatay maqalkana igu kaliftay waxa weeye goobtan oo ah mid xaga deegaanka qiimo weyn ugu fadhida isla markaana maalinba maalinta ka danbaysa ay ku soo badanayaan dadka caafimaad ahaan u imanaya waynu ognahay dadku waa cadawga koobaad ee deegaanka hadaan la qorshayn habka ay ugu noolaanayaan dadkani waxay bilaabeen inay googooyaan dhirta oo ka samaystaan hoy iyo gabood iyagoo xoogaagii dhirta ahaa ee meesha ku yaalayna ka dhigtay hoy halka aanay haysan meel ay qashinka ku basriyaan,  dawladuna waxa lay sheegay inay diiday dad is yidhi meesha ganacsi ka furta.

Hadaba waxaan u soo jeedin lahaa wasaarada deegaanka iyo maamulka gobolkaba inay arintan hoos u eegaan una qorsheeyaan sidii dadkani si nadiif ah oo  dhib la’aan ah ugu noolaan lahaayen isla markaana looga badbaadin lahaa deegaankan ay bahdileen.

WIXII AAN QALDAY SHAYDAANBAA ISKA LEH INTAAN SAXAYNA EEBAA KU MAHADSAN

Qalinkii: Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Hargeysa Somaliland

cabdisitaar@hotmail.com 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories