HomeBixinta Kaadhadhka Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Maanta la Bilaabay Iyo Maxamed...

Bixinta Kaadhadhka Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Maanta la Bilaabay Iyo Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Xulashada Liiska Ergada ka qayb-galays

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost) – Guddoomiye xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in saaka ay bilaabmatay diwaangalinta golaha dhexe ee Kulmiye, si ay uga qayb qaataan shirka golaha dhexe ee 10-ka bisha dambe la qaban doono “Saaka oo sabti ah waxaa xarunta xisbiga Kulmiye ka bilaamay diwaangalinta(kaadhadh samaynta) xubnaha golaha dhexe ee ka qayb galaya shirka 10-ka bisha bilaamaya. Inkasta oo siyaabo kala duwan loo sheegay haddana had iyo jeer marka shir la galayo dadka ka qayb galaya waxa loo sameeyaa aqoonsi, waxa la samaynayaana waa aqoonsigaas,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Guddoomiye xigeenka Kulmiye waxa uu sheegay in la hubinayo xubnaha golaha dhexe islamarkaana qofkasta oo la diwaangalinayo la hubinayo inuu yahay ka saxda ah ee liiska ku jira “Waxa kale oo aan doonayaa inaan dadka u sheego liiska golaha dhexe ee Kulmiye, waa tii shirweynahayagii kadib khilaafku na soo dhexgalay, waa tii guurtidu na soo dhex gashay , liiskan golaha dhexe waxa saxeexay guddoomiyihii shirweynaha oo wasiir Cadami ah iyo lix xubnood oo shirka la guddoominayay. Koobi kasta oo liiskan ahi waa uu saxeexan yahay. Liiskani wuxuu yaalaa Maxakamadda sare, xeer ilaalinta, waxa uu yaalaa guddida diwaangalinta ururada siyaasiga ah iyo xisbiyada, wuxuu yaala Komishanka doorashooyinka, wuxuu yaalaa guddidii guurtida ee ka gar naqday,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Guddoomiye xigeenka Kulmiye, wuxuu sheegay in golaha dhexe ee Kulmiye lagu soo galo xil ama degaan(hab beeleed), waxaanu sheegay in xubin kasta oo golaha dhexe ah oo ka baxda ay soo buuxinayaan degaannada ama beelaha ay ka soo jeedaan, waxaanu ku dooday inaanay jirin cid kale oo awood u leh bedelaada boosaska bannaanaada.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories