HomeBixinta Darajooyinka Ciidamada, Guul U Soo Hoyatay Somaliland – W/Q: Maxamed Fu’aad...

Bixinta Darajooyinka Ciidamada, Guul U Soo Hoyatay Somaliland – W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhago-Cadde)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maxamed Fu'aad XasanBixinta darajada ciidamada ayaa ahayd tallaabo horumar leh oo ay qaadday xukuumadda maanta talada dalka haysaa, waana guul usoo hoyatay gabi ahaanba shacabka dalkan Somaliland.

Ugu horeyn waxaa markii u horreysay lagu taxay oo lagu bilaabay bixinta darajooyinka; taliyayaashii ciidamada kala duwan ee dalka iyo saraakiil sarsare oo la siiyay darajooyinka kala ahaa sarreeye-gaas iyo sareeye-guuto. Iyadoo ay ahayd arrintaasi wax ay aad u soo dhaweeyeen dadku ayaa ay haddana noqotay tallaabo horseedday ama sees u noqotay gungaadhka amma dhammaystirka inta hadhay in la bixiyo darajooyinka ciidamada qaybahooda kala duwan.

Waxa ay ahayd 08/08/2013 oo ku beegnayd Maalintii ciidul fidriga markii si rasmi ah loo bilaabay bixinta darajooyinka ciidamada, waxaana la siiyay darajooyin kala duwan 10 kun oo askari oo iskugu jira heerarka kala duwan ee derajooyinka ciidamada oo ay ugu hoosayso Alifle ilaa iyo darajada ugu sarraysa oo ah Sarreeye Gaas, iyadoo lagu salaynayay halka ay gaadhsiisantahay aqoonta iyo waayo aragnimada ciidannimo ee masuulka qaadanaya darajadaas.

Iyada oo ay taasi jirto ayaa haddana Maalmahan dambe waxaad arkaysaa marka aad marayso wadooyinka iyo goobaha ciidamadda hortooda, askartii oo ay ku dheehantahay qurux iyo qaab ay u samaynayso darajada ku taala garabkiisa, dadkuna ay isha la raacayaan, inkastoo dadka badankoodu aanay kala saari karayn magacyada darajooyinku kala leeyihiin, hadana waxay noqotay wax aad loogu mashquulo, dhinaca kale marka aad eegto waxyaabaha ay dadku iska waraysanayaan ayaa waxaad maqlaysaa in shayga kaliya ee la hadal hayo uu yahay bixinta darajooyinka ciidamada, magacaantoodu siday u kala sareeyaan iyo nooca ay kala yihiin astaamahoodu  .

Haddaba waxaa marag maddoon ah in guud ahaanba shicibka somaliland muxaafid iyo mucaaridba laga wada siman yahay soo dhawaynta talaabadan maanta  horumarka leh ee ay qaaday xukuumada uu madaxda ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ay tahayna wax aad loogu baahnaa ka dawlad ahaan, Isagoo Madaxweynaha Somaliland u saaray guddi soo qiimaysa bixinta iyo sida ay suurto galka u tahay bixinta derajada ciidamadu soona xaqiijisa aqoonta iyo waayo aragnimada guud ahaanba ciidanka.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynahu Wuxuu Go’aansaday in uu si hagar la’aan ah u dhamaystiro bixinta  Derajada Ciidamada kala duwan ee dalka, isagoo digreeto kusoo saaray in la dhaqan galiyo isla markaana la siiyo darajada ay mutaysteen in ka badan 10,000 oo Askari oo u dhexeeya Alifle ilaa Sareeye-Gaas.

Dhanka kale muhiimada ay leedahay bixinta derajooyinkani ayaa ah in ay korodho gunada uu qaadanayo askari kastaa iyadoo lagu salaynayo heerka derajo ee uu gaadhsiisanyahay amaba sito.

Mar aan wax ka waydiiyay dareenkiisa sida uu u arko bixinta derajooyinka iyo muhiimada ay u leedahay ciiddan ahaan mid ka mid ah xubnihii la siiyay darajada oo iga dalbaday in aanan magaciisa qorin  ayaa yidhi ‘‘  aniga iyo Xubnaha ciidammadda kala duwaniba aad ayaanu ugu faraxsanahay in ciidammadda Somaliland loo hirgeliyo darajadii ciidammadda kala duwan, muhiimadeeduna waxay tahay in ay tamar-siiso isla markaana niyadda u dhisto shaqada ay shacabka u hayaan xubnaha ciidanku, waxa kale oo askari kastaa ku dadaali doonaa sidii uu uga dallici lahaa derajada uu maanta haysto maadaama oo lagu gaadhayo askari walba shaqadiisa, aqoonta uu leeyahay iyo xirfadiisa ama waayo aragnimadiisa ciidannimo.

Guud ahaanba Somaliland oo ay tahay markii ugu horeysay ee la bixiyo derajadda ciidamada kala duwan ee dalka ayaa ay talaabaddani noqonaysaa mid qayb ka noqon doonta geeddi-socodkii dimuqraadiyada iyo hanaanka dawladnimo ee ay maanta Somaliland ku faanto, waxaanay sii xoojinaysaa hawlihii xaga horumarka, difaaca dalka iyo sii adkaynta nabad gelyada oo sumad u ah dalkan Somaliland.

Ugu dambayn waxaan hambalyo aan kala simanahay guud ahaanba shacbi waynaha Somaliland u dirayaa Madaxweynaha iyo guud ahaanba guddidii bixinta derajooyinka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay taabo gelinta iyo taageerida dhamaystirka talaabadaas wax ku oolka ah, run ahaantii waxaad qabateen wax aad loogu baahnaa oo aan hubo inay tahay wax la idinku xusi doono oo taariikhda idiin gali doonta Insha Allah, waxa laga hayay abwaankii C.qadir Xirsi Yam-Yam ‘‘Ninkii timir abuuriyo ninkii tiin talaalaba taariikhdu way warin.’’

Waxa kale oo aan iyagana Illaahay uga baryayaa masuuliyiintaa iyo xubnahaa la siiyay derajooyinka in Illaahay ku guuleeyo kuna garab galo hawlahay qaranka u hayaan.

Wabilaahi tawfiiq.

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhago-cadde),

Araday Ka Tirsan Kuliyada Sharciga Jaamacad Hargeysa, Ahna,

G/ Ku Xigeenka Bahda Hal- Abuurka Iyo Qoraalka Ee (HAL-QOR)

E-Mail: Xiinfiniin_10@Hotmail.Com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories