HomeBisha Ramadaan waa bishii is-beddelka - Qalinkii Cabdinaasir Macalin

Bisha Ramadaan waa bishii is-beddelka – Qalinkii Cabdinaasir Macalin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
blankAssalaamu Calaykum,
 
Ramadaan Wanaagsan Walaalayaal,
 
Ramadaan waa fursad qaaliya,waana bil ku haboon isbedelyo badan,bishan qofkii si dhaba u go’aansada in uu horumar sameeyo wuu samaynkaraa,qofkuna isagaa ama is liida ama is sharfa Allenu wuxuu yidhi”Alle duulna ma bedelo ilaa isbedelku ka yimaado dhankooda”.Alle cidna ma dulmiyo waa caadil naxariis badan,qofna kama qaado hibo iyo sharaf uu siiyey ilaa qofkaasi layimaado asbaabtii lagaga kaxayn lahaa.
 
Soonku waa xilli ku haboon in caadooyin badan laga tago waayo waqtiga intiisa badan waa la afxidhanyahay.bishan ramadaanta waxaynu is bedlka ka samayn karnaa dhawrmeelood haddii aynu dadaalno Allena inala qabto.
 
Is-beddel doonow waa bishii isbedelkee diyaarso qorshe dheeroo kaga dhabee bishan,halkaasna haka soo noqon abid .horaa loo yidhi badbaadona waad rabtaa jidkeediina mahaysid,lasoco doontuba kuma socota carrada. Qofkastanaa wuxuu jecelyahay inuu janno galo adduun iyo aakhirona badbaado. Haddaba talaabooyinkan iyo qaar kaloo badan haddaynu samayno is bedel fiican ayeynu la iman doonaa Allena waa innagu guulayn doona in sha Allah.
 
1.      Xidhiidhka Ilaahay, looma sinne qofba xidhiidhka ilaahay meel ayuu umarayaa qof boqolkiiba boqol hawshaa ka soo baxayna ma jiro,haddaba waxaa innala gudboon inaan hagaajinno xidhiidh innaga iyo ilaahay inoo dhexeeya,qofka Alle xidhiidhiya,llaahna wuu xidhiidhiya,taas macneheedu maaha in aan xidhiidhka Alle hagaajinno bishan oo kaliya balse waa xoojin iyo dardargalin dheeraad ah oo bishan ramadaan lalayimaado.
 
Camalna kan ugu muddan waaka la joogteeyo haba yaraadee. Alle wuxuu yidhi”Insi iyo Jin umaan abuurin inay i caabudaan mooye”Alle waxkale inamuu farin cibaadadiisa mooye ,markaas aan laban laabno xidhiidhka innaga iyo Alle innaga dhexeeya.
 
2.      Sabirka:  Sabraa sadkii helee,halkaad doonaysid laguma gaadho hawlyari, jidka dheer ee cibaadada waa in aynu ku sabirnno,Ilaahna wuxuu la jiraa markasta duulka ku sabra jidkiisa,Nebigu wuxuu yidhi naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee”Arinka mu’minku layaab ayuu leeyahay,arinkiisoo dhammina waa khayr,haddii u barwaaqo helo wuu ku mahadnaqaa khayrbayna u noqotaa,haddii dhib kudhacona wuu ku sabra misay khayr u noqotaa”Bukhaari.
 
Nafta ayaa iska neceb is bedelka markaa ku sabir adkaysina u yeelo inaad ka dhabayso xidhiidhka ilaahay.
 
3.      Naftaada: Ramadaantu waxay kaa caawinaysaa inaad naftaada qiyaastid booska ay taagantahay,qofkuna inuu naftiisa barto oo hagaajiyo wax ka fiican lama arag,Alle ha unaxariisto qofka naftiisa qadarkeeda gartay.                                                                                                                                                 
 
Xasanul Basri wuxuu yidhi”Qofka mu’minka ahi waa madi gadhwadeen u ah naftiisa,isagaa toosiya aminkasta,wuu xisaabiyaa,xisaabtuna qiyaamaha waxay u fududaataa qofkii naftiisa
adduunkan ku xisaabin jiray,waxayna ku adkaataa xisaabta qiyaamuhu dadka aan arinka sidiisa u qaadan nafohoodiina dayacay”.dadkii hore waxay ku dadaali jireen wixii naftooda anfacayaa ,ilaahayna waa la kaashanjireen,xisaabi naftaada intaan lagu xisaabin.
 
4.      Xidhiidhka Bulshada: Waxaa markasta wanaagsan in qofku hagaajiyo xidhiidhka uu la leeyhay bulshada ma wanaagsana in aad bulshada tuke baalcad ka noqotid oo aad xumaanta astaan u noqotid,bulshada waa inaad caawisid,khayrka fartid,bishan barakaysaniw waxay innaga caawinaysaa inaynu siyaadinno xidhiidhka bulshada,waayo waa bishii waxbixinta bulshaduna waa iska baahantahay,waa bishii khayrka iyo isa saamaxa bulshaduna waa isu wada cadhaysanatahay,dadka muslimiinta ahi wa isku hal qof waana isu baahanyihiin waqti kasta. Allenu wuxuu yidhi, ”Mu’miniinta uunbaa walaalo ah”.Nebigu wuxuu yidhi naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee”Muslimku waa walaalo,midna mid madulmiyo,waxna ma siisto(ma dhiibo),qofka baahida walaalkii daneeya allena tiisa ayuu daneeyaa,qofka dhib ka dulqaada qof muslim ahe allena maalinta qiyaamaha ayuu dhib ka dulqaadaa,qofka muslim astura oo u xilqariya allena qiyaamaha ayuu asturaa”. Bukhaar.Aan hagaajinno xidhiidhka bulshada oo yeynaan moganaan jaarka bisha ramadaan iyo waqtiyada kaleba.
 
5.      Jadwal samayso aad ku maamusho isbedelka dhabta ah. Alle wuxuu ku tilmaamay bisha ramadaan maalmo la tiriyey,maalmo la tiriyeyna way dhamaadaan,markaas waxaa fiican in sodonkaa cisho jadwal qorsheed la samaysto oo ay kuu caddaato waxaad maalin kasta samaynayso.Nebiguna wuxuu yidhi SCW”laba nimco oo dadka badankiiso mooganyihiin,Caafimaadka iyo haleelka(Firaaqada”.Alle ha inaga yeelo kuwa isbedel togan sameeya bishan ramadaan in sha Allaahu halkaasna ka sii wada noloshooda oo dhan.
Aamiin Aamiin.
 
 
Cabdinaasir Xasan Macallin.
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories