HomeBilowgii dagaalka Burco - Taxanaha Soomaali waa Walaalo - Q. 17aad

Bilowgii dagaalka Burco – Taxanaha Soomaali waa Walaalo – Q. 17aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankIsla kolkii uu dagaalku ka qarxay Burco, xukuumaddu waxay dadka la dhex gashay makarafoonno cod dhaadheer oo shacabka loogu kala soocayo Isaaq iyo Daarood.

Waxay ku qaylinayeen: Yaa ka yimid Gaalkacayo? Yaa ka yimid Garoowe? Yaa ka yimid Muqdisho? (oo dhammaantood ah dhulalka aan Isaaqu degin). Ka dib dadkii aan Isaaqa ahayn ayay ka codsadeen inay si degdeg ah uga baxaan magaalada Burco; waxay doonayeen inay gubaan magaaladaas iyo wixii yaallaba.

Dadkii ka yimid magaalooyinkaas kale badankoogu waa ay baxeen, dawladda ayaana siisay gaadiidkii lagu daabulayay.

Runtu waa inay si la mid ah sida ay u bedbaadiyeen maatida reeraha kale, ayay u bedbaadin karayeen maatida Isaaqa. Xaqiiqada ayaa se ahayd in laga badheedhay in la gummaado maatidaas, iyada oo illaa maanta qiil laga dhigto in SNM ka dhex dagaallantay.

Haddii ba ay run tahay in ay shacabka soo dhex gashay SNM, maxaa shacabkii ay sida isku midka ah u dhex gashay qaybna loo bedbaadiyay, qaybna loo gummaaday? 56 qof ee Xeebta Jasiira ee Muqdisho lagu xasuuqay iyagana maxaa loo laayay? Ma waxay odhan doonaan SNM ayaa Muqdisho ka dagaallantay?

Waa doodda ugu doqonsan in gummaadkii baaxaddaas lahaa qiil looga dhigto in SNM ay dadka soo dhex gashay.

Isla kolkii la daad-gureeyay dadkii aan Isaaqa ahayn, waxa bilaabmay in si aan kala sooc lahayn dadkii loogu furo hubka culus.

Warbixintu waxay xustay in aanu farqi u dhexayn hubka ay ciidanku u isticmaalayeen iska caabbinta jabhaddii SNM iyo ka ay u isticmaalayeen dadka rayidka ah ee guriyahooda joogay. Madaafiic, baasuukayaal, qoriyaha darandoorriga u dhaca (Machine gun), bambo gacmeedka, duqaynta cirka ee diyaaradaha iyo hub kasta oo burbur laxaad leh keeni karayayba waa ay adeegsadeen. Cidda hubkaas loo isticmaalayaa ma aha SNM, waa rayidkii.

Nooc kasta oo hub ah oo ay heli karayeen waxay u isticmaaleen magaalooyinka ay dadku ka buuxaan; iyaga oo xiitaa duqaymaha cirka ah la beegsanayay goobaha ugu saxmadda badan, si ay mar qudha u gummaadaan tirada ugu badan ee suuragalka ah.

Wax waliba waa ay dumeen ama rasaas ayaa si isdaba-joog ah ugu dhacaysay, magaaladii Burcana gebi ahaanba waxa qabsaday hillaaca hubka sida aan kala sooca lahayn dadka loogu furayay. Ismaaciil Ducaale, wuxuu sheegay in gees kasta ay rasaasi ka imanaysay.

Ciidankii dawladdu, maalintaas iyo maalintii xigtay waxay dhex galeen magaaladii Burco iyaga oo ragga guriyaha ka soo saarayay, isla halkaasna ku tooganayay. Waxa rasaas aan kala sooc lahayn lagu furay dad dibadda u soo baxay oo hubinayay waxa dhacay, iyada oo ay halkaas ku dhinteen dad tiro beelay.

Lagama sheekayn karo khasaaraha uu geystay hubkaasi; waa wax Ilaahay uun u qiyaasan.

Waxa faraha ka baxay boobka ay ciidanku u geysanayeen hantidii dadweynaha. Waxay jabsanayeen albaabada meheradaha iyo meelaha ay hantidu taallo, iyaga oo dadka qaar ku dul toogtay hantidooda.

Salaasadii 27 May, waxa bilaabmatay duqayntii cirka. Daruuraha ayuu isku shareeray madowga qiiqu. Waa aad ku cabbudhsay qiiqaas, waxa aanu xanuun aad u daran kaga tegayay cunahaaga iyada oo indhuhuna qofka ay gubanayeen ayay tidhi Khadiija Sugaal. Dabcan, waa qiiq leh astaamihii sunta; waxay u badan tahay inuu hubkaasi sun ahaa.

Inta badan joog hoose ayay diyaaraduhu ku duuli jireen, waayo marnaba cabsi kama ay qabin in la soo rido, maadaama oo cidda ay gummaadayaan aanay ahayn ciidan hubaysan ee uu yahay shacbi fara-madhan.

Salaasadaas ka dib, magaaladu waxay u ekayd inay hurushoobayso, goob walbana qiiq ayaa ka baxayay. Qof walib wuxuu ku qasbanaaday inuu qaxo – qof xanuusanayay, qof dhaawac ahaa iyo qof da’ ahaaba si isku mid ah ayay uga qaxeen magaaladii.

Arbacadii ku xigtay waxaanu gaadhnay heer aanu quusanno. Gurigayagii waxaan ka tegay aniga oo xiitaa aan malkhabad xidhnayn, kaliya waxa aan haleelay kab kaliya oo aan labadayda cagood mid ahaan galiyay. Waxa aan si habaqle ah ugu dhaqaaqay dhanka bariga, iyaga oo ay I weheliyaan dumar kale. Meel walba iyo dariiq walba maydad ayaa daadsanaa, iyada oo aad moodday dhar gaadhi ka daatay sida ay u rasaysan yihiin ayay tidhi Khadiija Sugaal.

Maydadkaas waxa ku jiray walaalkay Saleebaan oo da’aha soddonaadka ku jiray. Isaga oo qaxaya ayuu askari dilay. Waxa kale oo ku jiray carruurtayda awoowgood, Maxamuud Jaamac Oogle oo ay isagana askartu toogteen iyo saaxiibadday Qadiija Xaaji Cabdi oo ahayd gabadh ku jirtay da’aha kontonaadka, waxayna dhimatay ka dib kolkii uu madfac ku dumiyay gurigii ay ku jirtay.

Muuna Axmed Yuusuf Qulumbe, waxay sheegtay in guri jaarkooda ahaa oo toddoba qof ka koobnaa ay lix ka mid ahi hal mar wada geeriyoodeen ka dib kolkii uu madfac ku soo dhacay. Gabadh yar oo daqiiqadahaas tukaanka ku maqnayd ayaa ka bedbaadday.

Ma jiri karo dambi ka weyn oo qof laga geli karo in hal mar sabab la’aan loo dilo hooyadii, aabbihii, walaalihii iyo idil ahaan xubnihii qoyskiisa, waliba ay disho isla ciddii loo xil saaray inay ilaalisaa. Inantaasi haddiiba ay maanta nooshahay maanta, ma rumaysan kartaa walaalnimada Soomaaliya? Tolow sidee ayay u arki lahayd in kuwii dambiyadaas iyo kuwa ka waaweyn galayba ay xubno ka yihiin xukuumadda Soomaaliya ee maanta?

Xigasho: Human Rights Watch; a government at war with its own people, page 127 – 132.

Maxamed Sharma’arke
Sharmaake91@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories