HomeBilowga Wejiga labaad ee Wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya iyo Guddidii u metalaysa...

Bilowga Wejiga labaad ee Wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya iyo Guddidii u metalaysa Qaranka oo maanta u Amba-baxay Istanbul

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar,  ayaa maanta u ambabaxay waddanka Turkiga oo ay kaga qayb-galayaan wejiga labaad ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo Maalinta Axadda ah ka furmaya magaalada Istanbul.

Weftiga Guddida wada-hadallada u metelaysa Somaliland oo ka kooban Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Bare (Garad), Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac, Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiyaha guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha wakiilada Xildhibaan Xuseen Axmed Cigge,  Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geeljire) oo isagu aan wax xil ah ka haynin xukuumadda, ayaa shalay gelinkii dambe ka amba-baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Istanbul oo Turkiga oo Berri uu uga furamayo wejigii labaad ee wada-hadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya.

guddidaWasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan oo warbaahinta kula hadlay madaarka, ayaa  yidhi, “Madaxweynaha ayaa qorsheeya Guddiyada baxaya ee Qaranka, markaa  Madaxweynuhu waxa uu u qorsheeyay inay saddexda Gole ka qeyb galaan wada-hadalka. Waxa maraya Golihii Xukuumadda oo ay saddex Wasiir ka marayaan iyo labadii Gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) oo ay sadex xubnood ka marayaan.”

Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Wasiirkii hore ee arrimaha debada Somaliland ahna immika Wasiirka cusub ee Wasaarada ganacsiga Dr. Maxmed Cabdillaahi Cumar oo sheegay inay wada-hadaladani ay muhiimad wayn u leeyihiin Samaliland.

weftigaBilowga Wejiga labaad ee Wada-hadallada oo xambaarsan ubucda iyo muhiimadda wada-hadallada laba dhinac iyo dhammaystirka qodobbadii lagu heshiiyey wejigii koowaad, ayaa haddana u muuqda in meeqaamka xubnaha u metelaya Somaliland ka hooseeyo kii wejiga koowaad, lamana saadaalin karo natiijada ka soo bixi doonta maadaama muhiimadda wada-hadallada ee labada dhinac lagu soo qaadi doono kulankan labaad.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories