HomeBilowga SAFARKA BUURAHA & BANNAANKA ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Qaabilaaddii Reer DILA...

Bilowga SAFARKA BUURAHA & BANNAANKA ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Qaabilaaddii Reer DILA (DAAWO SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Silaaanyo oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa subaxnimadii maanta ka amba-baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, isaga oo ku sii jeeda gobolada Gabiley, Awdal iyo deegaamada hoos yimaada gobolladaas.

Madaxweynaha oo safarkan ku soo mari doono gobolo dhawra, ayaa ujeeddadiisu la xidhiidhaa sidii madaxweynuhu ugu kuurgeli lahaa xaaladda shacabka ku nool goboladaas

IMG_5334Sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska xidhiidhka Saxaafadda ee Madaxtooyada, Safarka madaxweynaha oo loogu magacdaray SAFARKII BUURAHA IYO BANNAANNKA oo looga jeedo inuu madaxweynuhu socdaalkiisa ku maari doono deegaanno aanay hore u marin madaxweynayaashii hore ee Somaliland, isaga oo isaga dab-qaadi doono deegaanno buuro iyo bannaan-ba leh

“Madaxweynaha oo saaka ka bilaabay safarkiisa Arabsiyo ayaa xadhigga ka jaray dooxa abaarso oo laga hirgeliyey biyo xidheen weyn, ka dibna waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay Gabiley, Kala-baydh oo aad loogu soo dhaweeyey isaga oo uga sii gudbay Dilla oo si cajiiba u so dhawaysay madaxweynaha una dhigtay roog cas oo daadsanaa ilaa laamiga iyo beerta fagaaraha ee ay dilli caanka ku tahay, halkaasi oo madaxweynuhu shacbigii qiimaha badnaa ee soo dhaweeyey uu kula hadlay kana dhegeystay wixii talooyin iyo tusaale ah ee ay u soo jeediyeen iyaga oo ku darsaday wixii degmada ka dhimana, isla markaasina uu madaxweynuhu u dhagax dhigay goobo dhawra,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska xidhiidhka saxaafadda ee madaxtooyada.

“Madaxweynaha ayaa laamiga kaga baydhay Dilla una baydhay dhinaca buuralayda deegaamada Jaaraa-horto, Ruqi, Baki, iyo Ool-baki oo madaxweynaha loogu soo dhaweeyey si qiimo badan iyada oo loogu qado sameeyey, Degmada baki, ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku soo hoyday Caasimada Gobolka Awdal ee Boorama oo iyana uu ku soo beegmay xili makhrib ah balse ay shacbigu tubnaayeen wadada hareeraheeda, lulayeena caleemo qoyan, astaamaha qaranka Somaliland,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka.

Safarka Madaxweyne Siilaanyo maanta ka bilaabay gobolka Gabiley, ayaa lagu wadaa inuu ku galaa-bixiyo gobollo aanu hore u marin intii uu madaxweynaha ahaa, waxaanu noqonayaa safarkii labaad ee noociisa ah ee uu dalka ku maro muddadii Afarta sanno iyo Dheeraadka ah ee uu talada dalka hayey.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories