HomeBilowga Jidka u dhexeeya Burco iyo Oodweyne oo la muddeeyey iyo Masuuliyiin...

Bilowga Jidka u dhexeeya Burco iyo Oodweyne oo la muddeeyey iyo Masuuliyiin kormeeray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankOodweyne (SLpost)- Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Jidadka ee Somaliland Axmed Yuusuf Maxamed iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa gaadhey magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh.

Ujeeddada safarka weftiga ayaa la xidhiidha sidii ay u indho-indhayn lahaayeen Jidka u dhexeeya magaalooyinka Burco iyo Oodweyne, kaas oo la qorsheeyey in dhismihiisa la bilaabo horaanta sannadka cusub ee 2021-ka.

Weftiga Maareeyaha hay’adda Jidadka waxa qaabiley oo duleedka caasimadda gobolka Daad-madheedh ku soo dhaweeyey masuuliyiin uu ka mid yahay Duqa degmada Oodweyne Cabdixakiim Nuur Muuse oo halkaas ka sheegay inay maamul ahaan diyaar u yihiin wax kasta oo looga baahdo, isaga oo baaq u diray dadka degaanada ay waddadu mari doonto oo uu u soo jeediyey in ay u diyaar garoobaan sidii ay u garab istaagi lahaayeen shaqaalaha ka hawlgeli doona dhismaha wadadan.

Geesta kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay maareeyaha guud ee mashruuca wadada Ceerigaabo iyo Burco Eng Maxamed Cabdi Qorshe iyo Maareeyaha guud ee Hay’adda Wadooyinka Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Yuusuf Maxamed, waxaanay tilmaameen in ay dhowaanahan wadeen daraasad ku saabsan dhismaha wadadan, isla markaana loo qaybin doono wejiga kowaad iyo wejiga labaad , waxaanay ugu baaqeen shacabka degaanka Oodweyne iyo degaanadda kale ee hoos yimaada in ay soo dhoweeyaan shaqaalaha ka shaqayn doona dhismaha wadadaasi.

Wadada isku xidhi doonta magaalooyinka Burco, Oodweyne iyo Hargeysa ayay masuuliyiintani sheegeen in ay dhowaan bilaabmi doonto dhismaheedu, iyaga oo tilmaamay in socdaalkoodani salka ku hayey in ay ogaadaan goobtii ay shaqaaluhu degi lahaayeen iyo goobtii qalabka la dhigi lahaa iyo in ay la socodsiiyaan dadka reer Oodweyne in la bilaabi doono dhowaan wadadii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi hore u dhagax dhigay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories