HomeBililiqaysigii guriyaha la deggan yahay - Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 11aad

Bililiqaysigii guriyaha la deggan yahay – Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 11aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

blankTobankii ama labaatankii aqalba waxaa u xilsaarnaa nin lagu magacaabay Tabeelle oo si dhaw ula shaqayn jiray sirdoonkii Siyaad Barre.

Shaqada Tabeelluhu waxay ahayd inuu soo gudbiyo diiwaan ay ku qoran yihiin idil ahaan xubnaha qoysaska ku nool inta guri oo loo xilsaaray.

Haddii uu qof qoyska ka mid ahi safrayo ama meel u baxayo, waxa la ogaysiinayay Tabeellaha. Haddii uu qoyska soo booqdo qof ehel ahi ama soo martiyana waxaa la ogaysiinayay Tabeellaha.

Guriyaha waxay soo geli jireen saacadaha u dhexeeya 2:00 – 3:00 habeennimo si ay dadka u cabsi-geliyaan. Habeen walba, guri kasta waxa iman jiray Tabeellaha, waxaana uu tirin jiray xubnaha qoyskaas.

Mararka qaar, habeenkii laba jeer ayay guriyaha tirin jireen, haddiiba uu farqi u dhexeeyo labada tirana, qoyskaasi wuxuu la kulmyay dhibaato.

Kolka ay guriyaha soo galaan, waxa ay qaadan jireen waxa ay doonaan oo ay ku jiraan rooggaga quruxda badan, sariiraha, iwm. Wixii alaab ah ee ay ka tegaan waa ay jajabin jireen sida muraayadaha, koobabka dhoobada ah iwm. Guriga idil ahaan waa ay bililiqaysan jireen, iyaga oo dadkana ugu hanjabaya xabsi haddii ay hadlaan. (Bogga, 80aad).

Aamina Maxamuud Xuseen waxay sheegtay habeen ay ciidanku gurigeeda yimaaddeen, in xiitaa ay qaateen dharkii ninkeeda (Bogga, 80aad).

Dabcan, tuugta guriyaha u soo dhaca waxa ay kaga duwanaayeen uun dirayska ciidan ee ay soo xidheen. Xaqiiqatan, bililiqadu waxa ay bilaabmatay iyada oo aan la qixinba.

Maadaama oo ay dawladdu qaadan jirtay akoonada ay Isaaqu ku leeyihiin bangiyada amaba ay xayiri jirtay, dadku waxay ka caageen inay bangiyada dhigtaan lacagahooda, waxaana ay ku aasan jireen dayrka gurigooda, halka xashiishka la dhigo iyo meelo kale si ay bangiyada ugaga maarmaan, askarta guriga baadhaysana uga qariyaan (bogga, 80aad).

Dadku inay bangiyadii Afweyne lacag dhigtaan, waxa ay ka door-bideen inay dhulka ku aastaan oo aboorku cuno ama xashiishka la raaciyo!

Xasan Ismaaciil Oomaar ayaa sheegay in mar uu Sucuudiga ka yimid uu dalka soo gaadhay. Wuxuu sheegay in aanu la socon nidaamka dalka ka jira, ka dibna uu walaalkii soo booqday. Saqdii dhexe ayay Sirdoonkii Afweyne soo galeen gurigiisii, ka dib kolkii ay tiriyeen dadkii guriga ku noolaa, waxay ogaadeen in walaalkii ku dheeraad yahay, waana ay xidheen.

Xasan wuxuu sheegay inuu ku soo daayay lacag ahayd 5,000 shiling oo u dhigmaysay $833.

Warbixintu waxay sheegtay haddii uu qof ku soo martiyayaa uu ku soo hagaago habeen saqdhexe, ka dibna aad weydo tabeellihii, waxaad ku khasbanayd in habeenkaas uu qofkaasi dibadda u hoydo oo aanu gurigaaga soo gelin – aabbahaa ama hooyadaaba ha noqdee.

Tabeelluhu wuxuu qoysaska jaarka ah ku qasbi jiray inay isa soo basaasaan, maadaama oo qoyska wax soo basaasa loo ballanqaaday in si gaar ah loo ilaalin doono.

Xigasho:

Human Rights Watch, A govenment at war with its own people, (Bogga 77aad illaa 81aad)

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories