HomeBILIC MISE BAAHI!?

BILIC MISE BAAHI!?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waxay quluubaa-geeddiyeen, genbiyeen isla markaana gunta ku hubsadeen goobo-ganacsiyeedyo fara badan oo il-dhaqaale u ahayd dad kumaan gaadhaya oo ku dhaqan caasimada Hargeysa una badan dan-yar. Waxay baadi-goobayaan bilicdii ay lahaan jirtay caasimad—waddan dagaallo ka soo kabanayna. Lama dafiri karo inuu yahay hawl-qadbad qayb ka ah waajibaadka qaran ee ay u xil saran yihiin.

Subaxnimadii hore ee 29-kii bishii ina dhaaftay ee March, dawladda hoose ee Hargeysa waxay bilawday ololihii ugu ballaadhnaa uguna axmaqsanaa ee ay ku bannanayso dadka si qaldan meherada uga samaystay hareeraha waddada faras-magaalaha caasimada Hargeysa. Waa hawl-gal looga dan leeyahay soo celinta bilicda caasimada. Waa wax loo baahan yahay in la helo, hasayeeshee waxa ka sii muhiimsan in la meeleeyo dadka danta moodayay inay hareeraha waddooyinka ku ganacsadaan.

Maayar Xuseen Maxamuud Jiciir, waa guddoomiyaha golaha  deegaanka ee caasimadda Hargeysa waxuu hawl-galkan ku sabeeyey inay wax badan ka beddelayaan bilicda caasimada, isla markaana waxuu ku dooday in dadku ka dhega-adaydgeeyeen digniinihii kala duwan duwanaa ee ay u soo gudbinayeen.

Haddii aynu si gaar ah isu dul taagno kelmadda ah “dhega-adaygeen” waxaynu is-waydiinaynaa maxay dadku u dhega-adaygeen? Ma meel ay u guuraan ayay garan waayeen? Ma dawladda hoose ee burburisay ayaan meel u diyaarin? Ma awood ay ku guuraan ayay waayeen? Ma meesha ay yeesheen? Ma qorshe qaran oo lagu raro ayaanay dawladda hose la iman? Ma dadka aan sharciga dawladda u hogaansanayn? Maxay tahay sababtu?

Kollay waxaa fiicnaan lahayn, haddii dadka la rarayo in loo raro si nidaam ku jiro. Waxa habboonayd in la sameeyo daraasad iyo falanaqayn xeel-dheer oo axadhsa noocyda ganacsi ee la rarayo, qaabka loo rarayo, meesha la gaynayo, tiradooda guud iyo meelaha loo kala rarayo.

Imika dawladda hoose waxay adeegsatay xoog iyo muquunin, waana xalka ugu danbeeya ee ay wax ku rari lahayd. Dhammaan qodobada aynu kor ku xusnay ayaa ka horreeya.

Ma xuma in waddada la banneeyo, in bilicda magaalada la hagaajiyo, in baabuurta quruxda ee inagu soo badanaysa waddooyin loo helo, laakiin waxaa ka horreya kana muhiimsan in meel lagu tiiriyo nolosha dadka. Waxa la xarragoodaa marka noloshu isku fillaantoo, ee ay ka baxdo baahida cadawga ku ah jiritaanka nolasha. Maxay bilic uga baahan yihiin dad la baaxaa-degeya nolol-maalmeedkooda dirqiga ku soo gala.

Waxay dawllada hoose maalintii dhawayd baabisay oo ay burburisay boqolaal meheradood oo isugu jira qaar waa weyn, kuwo dhexe iyo qaar yaryar-ba. Meheradahaas badankoodu waxay jireen dhawr iyo tan sannadood waxaana ku tiirsanaa oo ay il-dhaqaale u ahaayeen kumaan qof oo maanta bilaa shaqo noqday.

Haddii aynu ku soo dhawaanno dulucda qormada, waxa laga maar maan ah inta bilicda laga fikirayo waxa mudan in la fikiro nolosha dadka. Hana la ogaado inay is barbar yallaan “Bilic mise Baahi” keebaa mudan in wax laga qabdot?

Waxaan ku talin lahaa, dadweynaha cabanaya ee dawladda hoose ganacsigoodii ka burbirsay waa inay sharciga la xidhiidhaan oo ay soo bandhigaan dhibtii loo gaystay, dawladda hoose lafteedu way iyana ka gar baxdaa. Waa in laga garnaqaa; garannay in dadka la raro laakiin qaab noocee ah ayaa loo rarayaa?

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)

Cabdiheersare01@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories