HomeBilaydh-lambarrada Gawaadhida dalka soo galaysa lagu xidhi jiray oo guud ahaan ka...

Bilaydh-lambarrada Gawaadhida dalka soo galaysa lagu xidhi jiray oo guud ahaan ka dhammaaday Somaliland iyo halista Amni-darro ee ka Iman Karta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Bileedh-lambarrada lagu xidho Baabuurta oo aanay marka horeba si buuxda gacanta ugu haynin dawladda Somaliland, ayaa guud ahaanba ka go’ay dalka, isla markaana aan oollin wakhtigan, taasoo keeni karta halis badan oo nabadgelyo iyo xannibaad soo food-saarta Muwaaddiniinta Gaadiidku uga soo degayey Dekedda Berbera maalmahan iyo weliba kuwa Xadadka aynu dalalka deriska ah la wadaagno Baabuurta cusub uga soo geli jireen dalka.

Lambarrada Gawaadhida cusub ee dalka yimaadda ee ay dadka reer Somaliland ka keensadaan dalalka dibedda lagu xidho ee SL ama Somaliland iyo heerka Lambarku marayo midkasta ay ku muujisnayd, ayaa wararku sheegayaan inay dalka ka dhammaadeen oo aanay oollin maalmahanba, isla markaana ay ku hawlan yihiin Ganacsatada marka horeba gacanta ku haysay helitaanka Bilaydhadaas Baabuurta lagu xidho ee hadda kala go’an.

SANYO DIGITAL CAMERAMa jiro War rasmi ah oo ay kaga hadleen ama ka soo saareen Ganacsatada gacanta ku haysay Bilaydh-lambarrada Gawaadhida cusub lagu xidho. Inkasta oo ay Weriyeyaal Wargeyska Himilo ka tirsani illaa shalay isku dayeen inay war sugan ka helaan oo ay marar badan oo kala duwan shalay illaa xalay xidhiidh la sameeyeen Ganacsatada Shaqada Bilaydhadu gacanta ugu jirto iyo Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland oo iyaduna wixii Shaqo Gaadiid ah Qaranka Masuul uga ah, haddana noomay suuragelin inaannu helno.

Wasiirka Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo aannu Taleefankiisa gacanta kula xidhiidhnay ayaanay noo suuragelin inaannu ku helno, ka dib markii aannu marar badan la kulannay Taleefankiisa oo xidhan ama dembsan. Sidoo kale Ganacsade Maxamed Baarjeex oo ah Ganacsadaha Shaqada Bilaydh-lambarrada Baabuurtu isaga gaarka u tahay ama gacanta ku haya, ayaannu dhawr jeer oo kala duwan la kulannay isagana Taleefankiisa gacanta oo xidhan.

Hase-yeeshee, Warar Xog-ogaal ah oo uu Wargeyska Himilo ka helay ilo u dhuun-daloola dhammaadka Bilaydh-lambarrada Gaadiidka ee dalka Somaliland ka go’an, ayaa sheegay inay arrintaasi tahay xaqiiq maalmahanba taagnayd, isla markaana ay tahay dhammaadka Bilaydhada oo aan marka horeba dawladda Gacanta ugu jirin mid halis nabadgelya-darro ku keeni karta dalka iyo dadka Somaliland.

Sababta amni-darrada ay tallaabadani u noqon karto ayaa ah inay dalka Somaliland laba illin ka soo galaan Baabuurta cusub, kuwaas oo kala ah Dekadda Berbera oo aan iyada aad looga werwer qabin Gaadiidka soo mari lahaa iyo Dhinaca Waddada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntlanad oo ay dadka Gaadiidka keensada qaarkood u door-bidaan inay uga cashuur jaban tahay Dekedda Berbera, sidaa daraaddeed-na waxa Bilaydh-lambarrada Somaliland lagaga soo xidhi-jiray Deegaannada Xadka iyo Kastammada Cashuuraha qaarkood sida ay ila-wareedyadu u xaqiijiyeen Wargeyska Himilo, taasoo haddii aanay dawladdu ka feejignaan ay dalka soo geli karaan Gawaadhi bilaa lambar ah ama Lambarro aan sharci ahayn lagu isticmaali karo, taasina ay keeni karto inay Cadawga Jamhuuriyadda Somaliland si qaldan uga faa’iidaysan karaan.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda si rasmi ah looma oga sababta keentay kala go’a ama inay dhammaadaan Bilaydh-lambarrada Somaliland ee lagu xidho Noocyada Gawaadhida kala duwan ee dalka gudihiisa laga isticmaalo, kaasoo ah aqoonsiga koowaad ee Baabuur ama Gaadhi lagu aqoonsan karo haddii uu dhibaato geysto iyo haddii kaleba, isla markaana kala sooca Baabuurta oo midna aanu mid la tiro ama la lambar ahayn ee mid waliba ka kale lambarkiisu ka duwan yahay.

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories