HomeBilawgii Khilaafka Sunniga iyo Shiicada

Bilawgii Khilaafka Sunniga iyo Shiicada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hordhac.

Waa ayo sunni, shiicona waa ayo?

Sunni waa kalmad carabi ah oo laga soo dheegay Sunnah (سُنَّة ) macnaheeduna noqonayo Dhaqan. Waxaana loo isticmaalaa ku dhaqanka odhaahyadii iyo dhaqankii rasuulka CSW kaasoo xadiisyadu innoo soo tabiyaan Waana qaybta ugu ballaadhan Islaamka 80% ayayna yihiin, Soomaali haddaynu nahayna Sunniga ayaynnu nahay walibana madhabta Shaaficiyada.

Shiico sidoo kale waa kalmad asal ahaan ah carabi macnaheeduna yahay “Raacayaal” iyadoo dhammaystiran waxa weeye shīʻatu ʻAlī (شيعة علي ) “Cali ku wii raacay”. Waxay aamminsanyihiin in Khaliifka koobaad uu yahay Cali binu Abi Daalib, lagana duudsiyay.

Bar-bilawgii khilaafka sunniga iyo shiicada

Xilligii nebiga ma aysan jirin Sunni iyo Shiicoba oo muslimku mid ayuu ahaa hoggaanna Nebi Maxamed ayaa u ahaa, mid maamul iyo mid diimeedba. Intii uu noolaa Nebigu CSW ma uusan sii magacaabin cidda bedeli doonta. Haddaba Kala tafaraaruqa iyo kala fogaanshaha maanta umadda Islaamka soo dhex galay waxa uu bilaabmay geeridii (632) Nebi Maxamed CSW kadib. Waxa isla markiiba bilaabmay muran ka aloosmay cidda umaddii muslimiinta hoggaamin doonta. Badh kamida asxaabtu waxay aamminsanaayeen in hoggaamiyaha cusub lagu dooran karo Wada-tashi (Shura) umadduna ku heshiiso cidda ay u gartaan (Sunni); qaar kalena waxay ka dhaadhacsanayd in qoyska Nebi Maxamed cid kamidi ay leeyihiin hoggaanka siibana Cali Abii Daalib (Shiico).

Balse waxaa iyadoo wali muranki taaganyahay lamagacaabay Abu-bakar sidiiq inuu hoggaamiyo dawladdii Muslimiinta, taas na waxa sababtay kala qaybsanaan soo dhexgashay Islaamka maalinkaas ilaa hadana jirta.

Kala duwanaanshaha sunniga iyo shiicada

Inkastoo Dhammaan muslimiintu wada aaminsanyihin Alle SWT iyo Rasuulba, haddana kala duwanaanshaha xagga dhaqanka iyo caqiidadooda ayaa sii kala fogaatay. Kala duwanaanshaha waxa aad looga dareemaa waddamadda Sunniga iyo Shiicadu khilaafyadoodu ku badanyihiin si toos ahna iskula dagaalamaan. Tusaale ahaan Ciraaq kala duwaanshaha Sunniga iyo Shiicada aad baa looga warhayaa marka loo eego Kazakhstan ama Kyrgyzstan. Shantan qodob aragti ahaan way ku kala duwanyihiin. Way badanyihiin waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin lknse shantan qodob Ayaan u arkay qaar muhiim ah soona koobi kara dulucda iyo fahanka kala duwanaanshaha Shiico iyo Sunni.

 Cali aragtida laga qabo

Sida kala duwanaanshaha Sunniga iyo Shiicadu uu salka ku hayo ciddii rasuulka dhaxlaysay geeridii nebiga kadib, waxa jirta Iyana kala duwaanshiyo ah sida labada qaybood taariikh ahaan u kala aamminsanyihiin ciddii dhaxashay nebiga CSW. Sunnigu waxay u aqoonsanyihiin una ixtiraamaan Cali Khaliifkii Afraad ee baddalay Cusmaan binu Cafaan. Si taa ka duwan qaybta ugu balaadhan Shiicada ee loo yaqaan Isnatacashariyada waxay diidanyihiin jiritaanka saddexdii khulufo raashidiin ee ka horreeyay Cali amaba ugu yaraan inay waxqabadkoodii iyo horumarkoodii ay sameeyeen hoos u dhigaan, taa baddalkeedana ay u arkaan Cali hoggaaamiyaha koobaad ee dhabta ahaa, ama Imaamkii muslimiinta.

Aragtida laga qabo imaamka

 Badiba Shiicada, imaamyadu waxa loo arkaa hoggaamiye ruuxi ah kaas oo ilaahay doortay lagana aamminsanyahay inuu danbiyadaba ka fog yahay. Waxaana ay toos uga mid yihiin qoyskii Nebi Maxamed CSW. Kalmadda Imaam iyo macnaheeda diimeedba waxa ay u tixgalayaan in ay tahay mid barakaysan.

Sunnigu si kaduwan ayuu u arkaa macnaha imaamka, imaamyadu badiba kaalin muhiim ayay ugu jiraan waana hoggaan salaadeed oo ruuxiya, lkn looma arko qaar lagu tiirsanyahay lamana caabudo marka ay dhintaan.

Kala duwaanshaha xadiisyada

Shiicadda iyo Sunnigu waxay mar marka qaar ay diidaan xadiisyo kala duwan, amaba ay si kala duwan ay ukala macneeyaan. Shiicaddu waxay diidaa isticmaalka kutubka Sunniga ee layidhaa “Kutub al-Sittah”. Si lamida Sunniguna wuxuu diidanyahay kutubka layidhaa “The Four Books” ee Shiicadu leedahay.

Maalinta cashuura

Maalinta cashuura, Muslimku- Sunniga iyo Shiicaduba- way u murugoodaan dhimashada Xusay ibn Ali, oo ah inankii Cali iyo wiilkii uu Nebi Maxamed CSW awoowga u ahaa. Maxaa yeelay Shiicadu waxay muhiimad badan siisaa tafiirtii Nebi Maxamed CSW, maalinta Cashuura Shiicadu waxay u arkaan wax ka sii qiimo badan in ay tahay maalin barakaysan oo kaliya marka loo eego Sunniga. Shiicada waxa ay aad ugu caanyihiin in ay maalintaas laabta iyo dhabarkaba iska garaacaan iyadoo ay isticmaalayaana silsilad ay kalaalaadaan mindiyo iyo waxyaabo kale oo afaysan jidhkooda dhiig ka soo daadinaysa. 

Tiirarka Islaamka

Shanta tiir ee Sunnigu leeyahay waa aasaaska caqiiqada iyo camalka laga rabo qofkasta oo muslim ah. Inkastoo Shiicadu ay waafaqsanyihiin tiirarkan balse haddana si ka duwan ayay u qoraan, iyagoo toban kalena kusoo daraya.

 

Abdisamed Bashe

Bachelor of Economics

 

Tixraac

http://www.diffen.com/difference/Shia_vs_Sunni

http://www.nytimes.com/2016/01/04/world/middleeast/q-and-a-how-do-sunni-and-shia-islam-differ.html?smid=fb-nytimes&smtyp=cur&_r=0

https://en.wikipedia.org/wiki/Sunni_Islam

https://en.wikipedia.org/wiki/Shia_Islam

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories