HomeBerri ama Aroorta xaggaan joognaa? - W/Q: Xuseen Jaamac Guudcadde

Berri ama Aroorta xaggaan joognaa? – W/Q: Xuseen Jaamac Guudcadde

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

QALINMahad oo dhan Illaahay baa leh nabadgelyo iyo naxariisna rasuulkeena korkiisa ha ahaato.

Su’aashan dad badan ayaa laga yaabaa inay si degdega uga jawaabaan marka ay arkaan oo yidhaahaan berito dee waxaan joogaa shaqadaydii ama ganacsigaygii ama jaamacadaydii ama iskuulkaygii iyo wax la mida qaar kale oo u kala gooshaya magaalooyina laga yaabee inay yidhaahaan beri waxaan tegayaa magaalo heblo.

Qofba halkii u qorshaysan ayuu kaga jawaabi ! Arinkuse sidaas maaha

Berri waxaynu  tegaynaa Qabriga,

Qabriga waxaan u jeedaa waad wada fahmi kartaan qofkasta oo aduunka korkiisa ku nool waqtiga uu doonoba ha noolaadee maalin ayaa laga qaadayaa halkii uu deganaa loona gelbin doonaa xaga qubuuraha weliba qofka la aasaa waa qof nasiib leh waqtigan aynu ku jirnee,

Wuxuu yidhi nin xikmad badnaa :markaan gurigayga ka safro ee meel kale habeenkaas u hoydo ma gamoo hurdo ma ledo, tolow maxay noqon habeenka u horeeya ee qabriga aynu gelayno.

Bal xaalada aan ku noolnahay u fiirso oo ka feker

  • Guri
  • Qaraabo iyo tol iyo xidid
  • Caruur xaas
  • Firaash
  • Maydhasho
  • Is qurxin is dhalaalin,
  • Cunto iyo sharaab,

Waa intii aduunka aynu joognay. Maxaa xiga qofkii loo gogli jiray guriga quruxda san waxaa la dhigayaa ciiida hoosteeda,

Caruuri kulama joogto xaas kulama joogo qaraabo iyo tol kuuma joogo waxaa inoo yaala oo qudha camalkeenii.

Ninkastoo mid dhadigi dhashaa maalin ayaa lagu qaadayaa naxashka oo la geenayaa guriga uu ku lahaa aakhiro,

Si kastood ugu nooshahay aduunkan iyo derejo kasta ood ka gaadho berri waxaa lagaa xaadirinayaa qabriga oo saacadiisa aanad dib uga dhici doonin,

Qabirgu qofka wuxuu u dhawaaqaa maalintii sadex goor wuxuuna ku yidhaahaa

  • Anigu waxaan ahay gurigii cidlada ahaa.
  • Anigu waxaan ahay gurigii Dirxigu joogay.
  • Anigu waxaan ahay camalkaagu yaalay.

Marka ay naftu ka baxayso qofka waxaa u yimaada malaaiig oo ku tidhaaha qofkii fiicnaa soo bax nafyahy Illaah raalida ka noqday.

Qofka xun ee bilaa cibaada ah waxay ku tidhaahaa malaaiigtu soo bax oo cadhada Alle u soo bax.

Illaahow na astur.

Xaaladan waa xaalada qofka dhimanaya dadkiisii hareero fadhiyaan oo maxay leeyihiin?

Way u dhawaaqayaan oo leeyihiin hebelow use jawaabi maayo,

Waxay ugu yeedhayaan dhakhtaro waxbase u tari maayaan dhakhtaradu.

Dadkuu eegayaa lase hadli kari maayo,caruurtiisii iyo gabadhiisii ayaa ooyaya maxayse qaban waa qoraal Allee.

Alla naftu kululaa waxaa la odhanayaa hala gunaanado laakiin nafkastaaa wixii ay shaqaysataa ka horeeya,

Geeridu ma taqaan caruur badan buu dhalay geeridu ma taqaan madax weeyaan ,geeridu ma taqaan suldaan weeyaan,geeridu ma taqaan caruur weeyaan.

Murugada aduunyada oo dhan ayaa qaraabadaada ku soo ururi waase loo joojin maayo waayo waqtigii ayaa ka dhamaaday qofka dhimanaya.

Nin labaatan wiile iyo nimaan weli lamaanaan ,

Mar hadaanu nina laasanayn waxaa u laacaya.

Maxaan kaga lulmoodaa aduun lumaya weeyaan.

Xabiibkeenu wuxuu yidhi Calayhi Salaatu wasalaam: Fara badiya xasuusta Geerida.

Xasuusnaanta geeridu waxay faaiidaysaa wax badan waxaa ka mida,

  • Iimaanka ayay kordhisaa
  • Daacada ayuu qofku badiyaa.
  • Diyaar garawgiisa aakhiro ayu badiyaa.
  • Aakhiro ayuu xasuustaa qofku wuuna u sii dedaalaa.
  • Toobada ayuu qofku ku dhintaa.
  • Kelmada tawxiidkaa naftu kaga baxdaa.

Qofka geerida aan xasuusnaan waxaa lagu ciqaabaa dhowr arimood ayna ka mid yihiin,

  • Toobaadaa la seejiyaa
  • Iimaankiisa ayaa nusqaama,
  • Tawxiidkaa ku adkaada marka sakaraadka,
  • Naartaa loogu bushaareeyaa marku dhimanayo.

In Qabirigu ga’doon yahay,

Inuu geeri go’an yahay

Gacal iyo xigaaliyo inaan gogoli kuu ool.

Intaas ma ila garateen.

Waa inoo mar kale iyo cashar ku saabsan qabriga.

Fadlan qoraalkan gaadhsii walaalkaa.

Qalinkii:

Walaalkaa

Hussein Jama Guudcade.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories