HomeWasiiro iyo Shir-guddoonka Wakiillada Oo Ka Qeybgalay Munaasibad Shirkada HASS Petroleum ay...

Wasiiro iyo Shir-guddoonka Wakiillada Oo Ka Qeybgalay Munaasibad Shirkada HASS Petroleum ay Dab0damis ugu Wareejinaysay Haamaha Shiidalka Berbera (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera  (SLpost)-  Shirkada shidaalka ee HASS Petroleum ayaa gaadhi Dabdamis ah ku wareejisay Haamaha Keydka Shidaalka ee magaalada Berbera.

Munaasibad loo qabtay wareejinta gaadhiga dab-demiska ah oo ka dhacday hoolka haamaha shidaalka magaalada Berbera, ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada madaxtooyada Xirsi Xaaji Xasan, Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka1aad ee Golaha Wakiillada Md Baashe Maxamed Faarax, Madaxda Shirkadda HASS, Masuuliyiinta Haamaha Keydka Shidaalka, Madaxda maamulka gobolka iyo degmada Berbera iyo Marti-sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimadda ay xukuumaddu siinayso cid kasta oo Wax ku kordhisa baahiyaadka adeegyada bulshada.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Hanti kasta oo Qaranku leeyahay oo halbowle ah cidkasta oo wax wax kusoo kordhisa kana shaqeysa horumarkeeda waanu soo dhaweynaynaa. Waxaan u mahadnaqayaa Guddoomiyaha Shirkada HASS iyo waliba ragga madaxdeeda ka mid ka ah ee Wasiirkii hore ee Boosahu ka mid yahay oo ahaa saaxiibkayo, waana tallaabo ku dayasho mudan in wasiirada xilka ka tagaan aanay saaqidin oo hudheelada fadhiisan ee shirkadaha uga faa’iideeyaan wax tarkooda”

Wasiirka Ganacsiga C/risaaq khaliif Axmed ayaa si balaadhan ugu mahadnaqay Shirkada HASS waxaanu ku dheeraaday muhiimada gaadhigani u leeyahay magaalada Berbera iyo Haamaha keydka shiidaalka.

Guddomiye ku xigeeka koowaad ee Golaha Wakiillada Md Baashe Maxamed Faarax oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaan soo dhaweynayaa C/Naasir inuu kusoo dhiiraday Somaliland, dad badan oo Somaliland ka baqayay ayay wax tusaysaa inuu ku aaminay xoolihiisa. Waxaan leeyahay dadkii odhan jiray ma bixisaan cashuur maanta waad arkaysaan oo waanu bixinaaa oo anagaa leh shirkadda HASS see cashuur-bixiyaha ah,” ayuu Gudomiye kuxigeenka Golaha Wakiilada JSL.

Duqa degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin), Maareeyaha dekeda Berbera Cali Maxed Cumar (Cali Xoor-xoor), Mareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka Berbera Maxamuud Gahayr Ismaacil oo dhammaantood madasha ka hadlay, ayaa ka waramay maraxalada ay haama shidaalka ee magaalada Berbera soo martay, sidoo kalena wuxuu u mahad celiayay shirkada shidaalka keenta ee HASS Petroleum.

Guddomiyaha gobolka saaxil Cali Maxed Cilmi oo isaguna ka Hadley munaasibaddaas, ayaa  yidhi, “Munaasibad waliba maqaalkeeda ayay leedahay, munaasibada aynu maanta joogno waxaynu gaadhi damdamis ah kala wareegaynaa shirkadda HASS Petroleum aad iyo aad ayaad ugu mahad santihiin sida quruxda badan ee isugu xil qaateen gaadhiga.”

Guddomiyaha guud ee HASS Petroleum C/naasir Cali Xasan oo gebo-gabadii munaasibadda ka hadlay, ayaa xusay inaan gaadhigan noqon doonin gaadhigii ugu horeyay ee Berbera la keeno, “Waxaan Somaliland  la qaban doona wax badan, dhalin yarada jaamacada ka soo baxday ayaanu tabobabaro siin doona xaga farsamada ah,” ayuu yidhi Mr Cabdinassir

Guddoomiyaha Shirkada HASS ee Somaliland C/risaaq Ibraahim Ataash ayaa isna tilmaamay in arrinta ka danbaysay kadib dalabyo ay u gudbisay wasaaada ganacsiga.

SOMALILANDPOST.NET/Berbera

Yasin@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories