HomeBerbera: Wasiirka cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland iyo Guddoomiyaha Gobolka oo Kormeeray Xabsiga...

Berbera: Wasiirka cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland iyo Guddoomiyaha Gobolka oo Kormeeray Xabsiga Gobolka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Wasiirka Caddaalada iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa maanta kormeer iyo indho-indhayn ku sameeyay ku sameeyay xaaladda Xabsiga magaalo-xeebeeda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Wasiirka iyo wefti uu hoggaaminayo oo maanta safar shaqo ku soo gaadho xarunta gobolka, waxa kormeerkiisa ku weheliyay guddoomiyaha gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxa uu salka ku hayay u kuurgelida xaalada Maxaabiista dalka iyo dhawaaqii Madaxweynaha ee la xidhiidhay kala-hufida Maxaabiista iyo sidii loo sugi lahaa caddaalada dadka Gar-sugeyaasha ku ah Xabsiyada dalka.

blankMr Xuseen Axmed Caydiid iyo guddoomiye Ramaax waxay warbixin ka dhegaysteen madaxda xabsigaas, waxayna u kuurgaleen xaalada ay Maxaabiista ku jirtaa ku sugan tahay.

Wasiirka oo hore u booqday xabsiyada gobollada qaarkood iyo Badhasaabku waxay sheegeen in gobolka Saaxil yahay ka ugu fiican dhinaca Maxaabiista. Sidoo kale, waxay sheegeen in aanay jirin Maxaabiis gar-sugeyaal ku ah Xabsiga Berbera, waxayna arrintaas ku amaaneen Maxkamaddaha gobolkaas.

Dhinaca kale, kormeerkaas ka dib wasiirka iyo guddoomiyuhu waxay xog-waran la yeesheen saddexda guddoomiye Maxkamaddeed ee gobolkan oo kala ah; Maxkamadda gobolka, Maxkamadda degmada iyo Maxkamadda Racfaanka iyo sidoo kale Xeer-ilaaliyaha gobolka Saaxil. Wasiirka iyo Badhasaabka Saaxil waxay amaaneen dedaalka masuuliyiinta Maxkamaddaha ee ka hawlgala Berbera, waxayna si gaar ah farta ugu fiiqeen waxqabadka guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Saaxil Mr Cusmaan Ibraahim Daahir. Sidoo kale, waxay warbixin ka dhegaysteen masuuliyiintaas oo faahfaahin ka bixiyay xaaladdaha ay ku shaqeeyaan iyo heerka caddaalada gobolka Saaxil.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Berbera, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories