HomeBerbera: Urur-siyaasadeedka WADDANI oo 20 Murashax oo haween ku jiraan soo bandhigay

Berbera: Urur-siyaasadeedka WADDANI oo 20 Murashax oo haween ku jiraan soo bandhigay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera, 27 August 2012 –Urur-siyaasadeedka Waddani ayaa 20 Musharrax oo u tartamaya Doorashadda Golaha deegaanka ee Magaalada Berbera iyo Sheekh ku soo bandhigay Hotel Mansoor ee magaaladda Berbera.
blankMunaasibaddaas oo si aad ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Madax sare oo ka tirsan Ururka, Madax-dhaqameedyo, Aqoonyahano, Musharixiinta, Haween iyo taageerayaasha urursiyaasadeedka WADDANI.
blankUgu horreyn waxa munaasibadda ka hadlay Maxamed Xasan Baashe (Talaato-Codle) oo ka tirsan masuuliyiinta Sarsare ee ururka WADDANI, “Halkan waxaynu u fadhiina Ururka Waddani oo soo bandhigay musharixiisii gobolka Saaxil oo ka kooban 17 Degmada Berbera ah iyo 3 Magaalada Sheekha, tiradooduna waa 20 murashax, waxanan idin sheegayaa in ay ku jiraan laba haween ah oo kala ah Caasha Xuseen Maraykan iyo Ruqiya Siciid Ayaanle, waana dumarkii dhigay koobkii Ciyaaraha Ramadaanta ee Berbera ka dhacay,” ayuu yidhi Maxamed Baashe.
blankSidoo kale waxa isaguna halka hadal ka soo jeediyey musharax Jaamac Ibraahim Xaashi oo sheegay haddii uu ku guulaysto Dorashadda Golaha Deegaanka ee magaalada Berbera inuu wax weyn ka qaban doono waxbarashada Gobolka Saaxiil “Anigu waxaan garanaya god dalaloolooyin fara-badan oo u baahin in reer Berbera laga awdo ayaan garkaya, waxaan jeclahay haddii aan ku guulaysto Golaha deegaanka Berbera in aan intaasoo sifo ah qabto in aan samo-kataliye noqdo, in aan xeer-beegti bulshadda u noqdo, in aan wanaageena ka taliyo.Maadaama oo aan macalin ahay in aan waxbarashadda Gobolka saaxil wax ka bedelo ayaan ku dedaalaya” sidaas ayuu yidhi Murashax Jaamac, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaan baan arkayaa oo waxan arkayaa Ururka WADDANI oo talada Wadanka ku guulaystay.”
blankWaxa iyaduna madasha hadashay murashax Caasha Xuseen Maraykan oo sheegtay in ay wax weyn ka qaban doonta caagadaha iyo xashiishka meelkasta buuxsamay “Anigu had iyo jeer haddii aanu nahay haweenka Urursiyaasadeedka WADDANI waxaanu ururadda kale dheer nahay , waxaanu ka sharraxanahay lixda gobol ee ay ka koobantahay jamhuuriyadda Somaliland aad iyo aad ayay taasi noogu tahay hambalyo waanan ku hanweynahay runtii, waanan ku faraxsan nahay in aan maanta isku soo taaggo Golaha Deegaanka ee magaaladda Berbera oo ah meeshii aan anigu ku soo koray oo odhan mayo waxa ayaa idin qabanaya. laakiin waxa loo tartamaya dawladda hoose oo haddii aan ku guulaysto waxaan jeclaan lahaa in caagadahan iyo xashiishkan aynu iska ururinno idinkuna aad igu taageertan,”ayey tidhi Marwo Caasha Maraykan, waxanay intaas ku ladhay, “Waxaynu ognahay waxyaabo badan in Somaliland laga dhameeyey, oo minadi ayaa laga dhameeyey wax badan oo kale ayaa lag dhameeyey oo faqashtii aynu iska dhamaynay, markaas maxaa inoo diiday in aynu caagado yaryar iyo xashiish yar iska dhamayno.”
blankGebogebadii munaasibadda waxa hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaanu sheegay inay soo dhawaynayaan Murashaxiinta u taagana Doorashada, isagaa oo carabka ku dhuftay in Murashaxiintu noqon doonaan kuwo Berbera wax ka bedela Golaha Deegaanka “Waxaan idin sheegayaa in Ururka WADDANI saaxiib dhaw la yahay dhammaan Xisbiyada iyo Ururada Somaliland ka jira, markaas madama oo loo fasaxay Doorashada Xisbiyada iyo Ururada waxa keliya u banaani waxa weeye in si nebed gelyo ah, oo aan cadownimo ku jirin oo garoonkana si siman loogu salaxo oo dhamaantood ay soo wada galaan, ciyaartana waa la kala reebi doonaa intii ilahay u gartaana way soo hadhi doontaa.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Cirro, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Madama oo Ururadii bateen, waxaa jira Siyaasiyiin cusub oo saaxada Siyaasada soo galay, markaas kuwaas waxaan odhanayaa kelmad waano ah oo nasteexo ah waxanan leeyahay Siyaasadu waa iska qodox badan tahay ee waa inaad wax badan hubsataan, waxaana loo baahan yahay in qori nin hore cabeeyay inaanad keebka qaban.”
blankXafladaas oo ahayd tii ugu horaysay ee tiro intaas leeg oo Murashaxiin u taagan Doorashada Golaha Deegaan ee la filaayo inay dabayaaqada sanadkan ka dhacdo Somaliland ku qabto Degmada Berbera, waxaana sidoo kale xafladaas ka hadlay Madax-dhaqameed, Haween iyo dad kale, waxaana dhammaantood ay hambalyo u direen musharrixiinta u taagan Doorashadda Golah Deegaanka Gobolka Berbera.

blankSOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories