HomeBerbera oo Marti-gelisay tiradii ugu badnayd Qaxoonti ka yimaadda Yemen, Dalalkay u...

Berbera oo Marti-gelisay tiradii ugu badnayd Qaxoonti ka yimaadda Yemen, Dalalkay u dhasheen iyo Weedhaha Masuuliyiintii Qaabbishay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera (SLpost)- Doonni ay saaran yihiin tiradii ugu badnayn ee mar kaliya ku soo xidha Dekedda Berbera oo Haween iyo Carruur u badan, ayaa xalay soo gaadhay magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, waxaana dadkan  qaabiley oo soo dhaweeyey Maamulka Dekedda, Degmada Berbera iyo Gobolka Saaxil.

Dadka Qaxoontiga ah oo ka kooban Soomaali iyo Carab isla markaana noqonaya qaybtii 2aad ee soo gaadha Dekedda Berbera tan iyo markii dagaalladu ka bilaabmeen dalka Yemen, ayaa tiradoodu ka koobanayd 142 qof oo u badan Soomaali u kala dhalatay waddamada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, halka sidoo kale ay ku jiraan tiro muwaadiniin u dhalatay dalka Yemen.

qaxoonti21Doonta ay saarnaayeen dadka Qaxoontiga ah oo Xukuumadda Somaliland ka sii war-haysay imaanshahooda, waxa dekedda Berbera ku qaabiley, marka laga yimaaddo maamulka, saraakiil ka kala socday hay’adaha Caalamiga ah ee arrimaha Qaxoontiga qaabilsan oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socday Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Cumar (Cali Xoor-xoor) iyo Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) oo saddexdoodu goob-joog u ahaa howsha soo-dhawaynta Qaxoontiga, ayaa sharraxaad ka bixiyey qorsheyaasha ay ugu talo-galeen qaabbilaadda dadka qaxoontiga ah ee Maatida u badan.

Ugu horeyn, Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Xoor-Xoor oo ka hadlayey tirada dadka iyo waddamada ay u kala dhasheen, ayaa yidhi, “Waxa halkan caawa (xalay) inagu soo gaadhay 142 qof oo qaxoonti ah oo ka yimi Yemen, dadkaasi waxay u badan yihiin dad reer Somaliland ah iyo Reer Soomaaliya, Carab-ina waxay ku jirtaa, carruurta iyo Haweenka ku jiraana way ku badan yihiin. Si nabad ah ayay nagu soo gaadheen.”

Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Xasan Ciddin, ayaa sheegay inay magaalada Berbera uga diyaariyeen goobo la dejin doono dadka qaxoontiga ah, waxaanu yidhi, “Waxaanu halkan ku soo dhawaynay dadkaas qaxoontiga ah, waxa loo diyaariyey goobtii lagu daryeeli lahaa, hadday tahay wax ay cunaan, hadday tahay meel ay seexdaan iyo hadday tahay caafimaadkoodii. Waxaana u diyaar ah hay’adihii Caalamiga ahaa”

Sidoo kale, Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa isaguna sheegay inay muddo laba maalmood ah diyaar-garow ugu jireen soo-dhawaynta dadka Qaxoontiga ah, waxaanu yidhi, “Waxaanu maanta ilaa shalay qaban-qaabinaynay sidii aanu ugu diyaar-garoobi lahayn dadka saaran Doonta oo carruur iyo Haween u badan.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories