HomeBerbera: Murashaxiintii Kulmiye ee Dhacay oo Dacwad ka dhan Komishanka iyo...

Berbera: Murashaxiintii Kulmiye ee Dhacay oo Dacwad ka dhan Komishanka iyo Xisbiga u Gudbiyey Maxkamadda Gobolka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Berbera (SLpost)- Murashaxiin dhacay oo Xisbiga Kulmiye uga tartamayey Goleyaasha Deegaanka degmooyinka Dalka qaarkood, ayaa dacwad ka dhan natiijada codbixinta ee kala sarreynta murashaxiinta Xisbiga Gudihiisa u gudbiyey Maxkamadaha heer Degmo.

Murashaxiin ku hadhay tartanka Golaha deegaanka Berbera iyo Sheekh oo saluugay natiijada codbixinta Doorashada isla markaana tirsanaya tabashooyin la xidhiidha heerka kala-sarreynta codadka murashaxiinta ee xisbiga gudihiisa, ayaa dacwad ay dhibbaneyaal ka yihiin u gudbiyey Maxkamadda gobolka Saaxil.

Garyaqaan Maxamed Siciid oo murashaxiintani u igmadeen doodda sharci ee kiiska dacwaddooda ay u gudbiyeen maxkamadda, ayaa sheegay in dacwadda Murashaxiintu la xidhiidho cabasho dhinaca Komishanka Doorashada heer degmo iyo Xisbiga Gudihiisaba.

“Murashaxiin ka tirsan 147-kii xubnood ee u tartamayay oo aan ku qanacsanayn natiijada doorashada guddida doorashada degmada Berbera soo saareen oo ay kaga cabanayaan in 80-ka goobood ee degmada Berbera, goob kasta codkii ay ka heleen aan murashaxiinta loo sheegyin, waxaanay imika dacwadda u gubiyeen Maxkamadda gobolka ee awoodda u leh, kaas oo qodobka 62aad ee Xeer No 20/2001 iyo lifaaqiisa afraadba uu tilmaamayo in qofka murashaxa ah ee ka cabanaya go’aanka guddida komishanka doorashooyinka inuu maxkamadda u gudbin karo dacwad lid ku ah go’aankaas iyo Komishankii soo saarayba,” ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Xasan.

Garyaqaan Maxamed Xasan oo xalay khadka telefonka nagula soo xidhiidhay isaga oo ku sugan magaalada Berbera, waxa uu hadalkiisa raaciyey, “Maxkamaddu way qabatay oo waxay markiiba Amartay in la xayiro sanaadiiqdii, laakiin nasiib-darro, Komishanku sanaadiiqdii waxay markiiba u rareen magaalada Hargeysa, iyaga oo sharcigii haysta oo garanaya in qofku xaq u leeyahay in laga caban karo, waxan ay dadka u soo bandhigeen, wax ka duwan haddii ay soo baxaan in la burin karo oo maxkamad awood u lihi go’aan ka soo saari karto.”

Isaga oo ka hadlaya tabashada ay ka tirsanayaan Xisbiga ay ka sharraxnaayeen, waxa uu yidhi, “Cabasho Xisbiyada dhexdooda ahi way jirtaa. Waxay leeyihiin murashaxiintii xisbiga ayaa codadkii loo kala raray oo tiro aanaan lahayn ayaa lana siiyey.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories