HomeBERBERA: Mudaharaad Maalintii Labaad Socda iyo Askarigii Taliyaha Dilay oo Dil Lagu...

BERBERA: Mudaharaad Maalintii Labaad Socda iyo Askarigii Taliyaha Dilay oo Dil Lagu Xukumay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost) – Taliyihii ciidanka Birmadka ee Gobolka Saaxil Marxuum  Aadan Guudleed Daahir (Tallaabo), oo maalintii shalay Askari katirsan Ciidamada uu xukumi jirey ku toogtay afaafka hore ee saldhigga dhexe ee magaalada Berbera,  ayaa marxuumka jidhkiisa ku dhacay  Shan xabbadood, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Saaxil Md Fahmi Cabdi Bidaar.

 

Gacan-ku-dhiiglihii dilkaasi geystay oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Saleebaan Khayrre (gadh-male), ayaa daqiiqado kadib markii uu toogashada geystay isu dhiibay ciidamada Ammaanka, waxana  haatan socota baadhis la xidhiidha sababta dilkaas keentay.

 

Dilka kadib waxa magaalada Berbera ka dhacay mudaharaad kooban oo shacabku kaga soo horjeedaan dilka loo geystay Taliyihii Birmadka, waxase arrinta gacanta la galay oo dadkii kala dareeriyey ciidamada ammaanka oo xaaladdii nabadgelyo dib usoo dabbaalay.

 

 

Isla mudaharaadkaas la xidhiidha dilkii loo gaystay taliyihii ciidanka birmadka ee gobolka Saaxil ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

 

Ciidanka booliska ee magaalada Berbera ayaa dadkii mudaharaadka samaynayey u adeegsaday xabado nool kuwaas oo ay ku kala kaxaynayeen dadkii mudaharaadka dhigayey  oo dalbanayey in xukun dil ah lagu fuliyo gacan ku dhiiglaha dilay taliyihii ciidanka birmadka.

 

Dhinaca kale maxkamada ciidamada ayaa saaka barqadii dil ku xukuntay askarigii dilay alle haw naxariistee taliyihii ciidanka birmadka ee magaalada Berbera Aadan Guuleed Jibriil Talaabo taas oo uu xaqiijiyey warbaahinta badhasaabka gobolka Saaxil, iyada oo gacan ku dhiiglahana maalinta bari ahna la hor gayn doono askariga dilka gaystay maxkamada darajada labaad.

 

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Md Fahmi Cabdi Bidaar oo saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta dilkaas loo aanaynayo oo uu ku sheegay jaafaa-jiriq kooban oo dhex maray marxuumka dhintay iyo Askariga dilka geystay,“Waxa la igu yidhi hoggaan ciidanka ah  baa dalka joogay, markaa marxuumka dhintay waxa uu damcay inuu Hoggaankaas raaco, kadib markii uu is yidhi baabuurkiisii oo saldhigga hortiisa yaalla soo qaado, ayuu Ninka dilka geystay fuulay gaadhigii marxuumka, waxana uu ku yidhi iga deg hoggaankaan raacayaaye, waxana uu ugu hal-celiyey hoggaankaan ku socdaa isna ka deg buu ku celiyey, laakiin shan xabadood buu ku dhuftay markii uu marxuumku is yidhi Dhaqaaq.”ayuu yidhi Fahmi Cabdi Bidaar.

 

Dilka noocan oo kale ah ee saraakiisha ciidanka loo geysanayo ayaa kusoo badanaya Somaliland, waxana haatan ka hor ugu yaraan Saddex askari oo saraakiishoodii gacantooda ku dilay aan laga qaadin wax tallaabo ah, waxana ay taasi keentay in si fudud loogu dhiirrado dilka saraakiisha.

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo, ayaa looga fadhiyaa inuu xoojiyo ciqaab adag oo la marsiiyo askarta saraakiishooda dilaysa ee sii kordhaysa si loo yareeo in saraakiishu ku baxaan gacanta askarta ay xukumaan.

 

Somalilandpost.net

Berbera, Somaliland

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories