HomeBerbera: Mucaawino Turkiga ka timi oo la qaybqaybiyay

Berbera: Mucaawino Turkiga ka timi oo la qaybqaybiyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Markab laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa la sheegay inuu dorraad ku soo xidhay Dekedda Berbera, kaasoo keenay caawimo ka timi dalkaas qaybtii ay Somaliland ku lahayd.

blankMucaawinadan oo la sheegay inay isugu jirto raashino kala duwan, ayaa lagu mashquulsanaa dejintiisa iyo weliba kala-diridiisa. Maamulka Dekedda Berbera iyo Agaasimaha  Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa si wada jir ah uga  waramay halka ay marayso dejintii iyo qaybintii Deeqdaasi uu dalka Turkigu ugu deeqay Somaliland iyo Somalia, iyaga oo ku sugunaa  gudaha Dekadda Berbera.

Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye oo ka hadashay mucaawinada, waxay hadalkeeda ku bilawday, “Waxaan maanta (dorraad) halkan ku wareejinaynaa Maamullada Gobolka Saaxil iyi Togdheer Deeqdii naga soo gaadhay wadanka Turkiga, anaga oo siinay Gobol kasta laba Gaadhi oo sida 21 Tan oo isigu jira dhar iyo raashin, waxaa kale oo aanu Laba Gaadhi oo iyana sida 21 Tan Badhasaabka Gobolka Togdheer ku wareejinay. Waxa kale oo iyana aanu min laba Baabuur u diraynaa Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaanan aad ugu mahadnaqayaa Wadanka Turkiga ee Deeqdan ina soo gaadhsiisay iyo Maamulka Gobolka Saaxil.”

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi oo isna halkaa ka hadlay ayaa u mahadnaqay dalka Turkiga iyo Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada, taasoo uu sheegay inay si sinaan ah u qaybiso caawimada soo gaadha dalka.

“Waxaan isla garanay aniga iyo Maayarku in labada Gaadhi ee Gobolka Saaxil aanu ku wareejino Dawlada Hoose, si ay u gaadhsiiso dadka jilicsan,” ayaa ka mid ahaa hadalkii Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Saaxil.

“Marka hore waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Agaasimaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Somaliland, waxa kale oo aan u mahadcelinayaa Wadanka Turkiga ee Deeqdan ina soo gaadhsiiyay. Waxa keliya ee aan ku darayaa waxaa weeye, Deeqdu way kooban tahay markaa ma wada gaadhi karto dadka, markaa qof waliba wuu jecelyahay in wax soo gaadhaan, dee wuxuna inama wada gaadhayaan, markaa waa inaynu sidaa u ogaano,” sidaana waxa yidhi Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Bade oo halkaa ka hadlay ayaa isaga oo dhiniciisa ballanqaaday inuu mucaawinaddaas gaadhsiin doono dadka u baahan ee jilicsan ee gobolkiisa.

Markabkan sida Deeqda Wadanka Turkigu u soo diray Somaliland ayaa marka rogitaankiisa la dhameeyo, waxa lagu wadaa inuu u gudbo dhinaca Dekedda maamulada Soomaaliya.

Somalilandpost.net

Webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories