HomeBerbera: Madaxweyne Siilaanyo oo Dhagax-dhig, xadhig-ka-jaris iyo Kormeer ku sameeyey Mashaariic kala...

Berbera: Madaxweyne Siilaanyo oo Dhagax-dhig, xadhig-ka-jaris iyo Kormeer ku sameeyey Mashaariic kala duwan (DAAWO SAWIRRADA)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa mashaariic laga hirgeliyey xadhigga uga jaray, qaar cusubna u dhagax-dhigay Maamulka iyo hay’adaha dawladda ee magaalada Berbera, isaga oo dhinaca kale kormeer ku sameeyey mashaariic ka socota dekedda Berbera.

Madaxweyne Siilaanyo oo ku guda-jira socdaal uu Isniintii dorraad ugu baxay magaalada Berbera oo isaga iyo xubno golihiisa wasiirrada ka tirsan diyaarad khaas ah ku tageen, waxa uu maanta dhagax-dhigay dhisme Wasaaradda Deegaanka ku yeelan doonto gobolka Saaxil iyo xarun loogu talo-galay xannaanaynta Dhirta oo magaalada Berbera laga hirgelin doono.

DSC_0163Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Baandare iyo Madaxweynaha Somaliland, ayaa si wada-jir ah u dhagax-dhigay dhisme wasaaradda Deegaanku ku yeelan doonto gobolka Saaxil iyo sidoo kale xarunta lagu xannaaneyn doono Dhirta kala duwan oo ay ugu mudan yihiin Abqaalka Geedka Dhamasta oo magaalada Berbera caan ku tahay.

Madaxweynuhu waxa uu ugu horayn Kormeer uu ugu kuur-galayo dib u dhis iyo ballaadhin lagu samaynayo ku marayo dekedda magaaalada Berbera, waxaana halkaas ku qaabilay maamulka dekedda Berbera oo faahfaahin ka siiyey madaxweynaha qorshayaasha ay maamul ahaan u dejiyaan qaybo lagu kordhinayo dekedda Berbera.

DSC_0199“Waxa farxad noo ah madaxweynaha, marwada Qaranka iyo wasiirrada faraha badan ee la socda inay kormeer nagu soo maraan shaqada halkan ka socota oo ah qaybtii labaad ee kordhinta barxadda lagu keydiyo Konteenarrada buuxa. Waxaanu ku talo-jirnaa ilaa laba bilood inaanu ku dhammayno qaybta labaad shubkeeda oo ah ilaa saddex Hiktar,” Sidaas waxa yidhi Maareeyaha dekedda Berbera oo madaxweynaha u sharraxayay hawsha ballaadhinta dekedda Berbera.

Madaxweyne Siilaanyo oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa maamulka dekedda Berbera iyo hawl-wadeennada ku gudo-jiray shaqada ballaadhinta qaybta labaad ee Barxadda Keydka Koonteerrada uga mahad-celiyey muhiimadda hawsha ay hayaan, isaga oo u rejeeyey in Eebbe ku guuleeyo hawsha ay hayaan. Kormeerka madaxweynuhu ku maray hawsha ballaadhinta ee Dekedda Berbera, ayaa noqonaysa markii labaad, isaga oo hore uga qayb-galay isla markaana u furay wejigii hore ee ballaadhinta dekedda Berbera dabayaaqada bishii hore oo uu booqasho ku tagay.

DSC_0182Md Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka qayb-galay munaasibad uu xadhigga ka jaray waddo siddeed Kilomitir ah oo dawladda hoose ee Berbera ku hirgelisay muddo bil ah, taas oo noqotay waddadii u horeysay ee nooceeda laga hirgeliyey magaalada Berbera, iyada oo horumarkaas lagu ammaanay Maayarka magaalada Berbera Cabdi Shakuur Maxamed Xasan Cidin oo lagu tilmaamay maayarkii ugu horeeyey ee waddo 8 KM ka hirgeliya magaalada.

Maayarka Berbera Cabdishakuur Ciddin oo munaasibadda ka hadlay, ayaa yidhi, “Waddadani waxay hordhac u tahay bilicda magaalada, waxaanan halkan ka caddeynayaa oo dadka u sheegayaa in dawladda Hoose ee magaalada Berbera ay fulisay mashruucan. Mudane, madaxweyne Dawladda Hoose ee magaalada Berbera, waxay ku nabad-gashay oo Illaahay (SWT) adiga sabab kaaga dhigay in dhaqaalaha degmada Berbera cid faro-gelin ku samaysaa aanay jirin.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo halkaas ka hadlday, ayaa maamulka dawladda Hoose ee Berbera, gaar ahaan maayarka caasimadda gobolka Saaxil, ku ammaanay hawlkarnimo iyo dedaal dheeraad, isaga oo wasiirku halkaas shahaado sharaf ku guddoonsiiyey maayarka Cabdishakuur Ciddin.

Madaxweyne Siilaanyo oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa furitaanka waddada 8-da KM kadib, waxa uu maamulka Dawladda Hoose ee Berbera ku ammaanay hawl-karnimo iyo in muddo bil gudaheed ah ay ku hirgeliyeen waddo laami ah oo 8 KM ah.

DAAWO SAWIRRADA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories