HomeBerbera: Faanka Beenta, Foorarka Runta, Fiirrada Nolosha, Ficilka Tukaha Iyo Fooridda Dabaysha

Berbera: Faanka Beenta, Foorarka Runta, Fiirrada Nolosha, Ficilka Tukaha Iyo Fooridda Dabaysha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Meeshu waa Berbera. Waa magaaladda keliya ee ku taala 800km oo xeeb ah. degsiimooyinka kale ee ku yaalaa waa daabiyado yaryar oo aan koriin samaynin, isla markaana waxa taa loo aaneeyaa dadka oo aan baranin macaanka nolosha xeebaha. Waqtigu xaggaa dadku ka soo diday kulaylka xeebta badda  cas ma aha, haddana, Berbera waxay u eg tahay mid amintaa ku jirta. Jawigu waa kii Jiilaalka ee maaha mid kale. Waa xilligay ugu dadka badnaan jirtay, misana qalamaanyo mooyee shacbiga joogaa ma tira badna.

Berbera-cityQofka aan Berbera arag ama muddaba mooganaa, wuxuu ku xisaabtamayaa sawir ka duwan muuqaalka dhabta ah. dabcan, waa suure, waxa maankiisa sidaa u sheegay inuu yahay, xayaysiis badan oo wax qabad tilmaamaya oo  xukuumaddu muuq baahiyayaasha, hadal, hees iyo  sawirba ka baahiso, laguna soo celceliyo. La yaab malaha qofka dacaayadahaasi maskaxdiisa raadeeyaan, ilaa uu xaqiiqda helana ma xoori karo humaagaa.

Waxoogaa koriin dhinaca dhismaha ah ayay magaaladu u samaysay bari iyo koonfur bari. Guryo qurux badan oo  qorshayn magaalo weheliso ayay u muuqdaan degsiimooyinkaasi. Jidadka magaaladda ayaa iyana tiro ahaan kordhay, kuwaasoo badi la dhisay xilligii uu Cabdalle Sandheere maayarka ka ahaa, inta kalena Maamulka Ciddin. Garoonka wayn ee loogu magac daray Cabdalle oo uu dhisay, ayaa isna la sheegaa inuu qayb ka yahay sababaha dhiiri geliyay, koriinka kooban ee magaaladu u samaysay dhinaca koonfur iyo bari. Huteelo hurdo iyo cunto oo dhawr ah ayaa iyana laga dhisay. Hase ahaatee hadaad seegto waqtiga, waa suuragal inaad waydo cunto fiican. Siday sheegeen dad Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay amuurtaasi, wax soo saarku wuxuu ku sar jaran yahay xaddiga dadka. Isha dadku maaha mid cokan, mana aha mid tawan baahi xun. Qof iyo taagtii kala saraynta waxay kala siman yihiin bulshada kale.  Way fududahay qofku inuu lumiyo xorriyadiisa, oo uu amaano, difaaco, wax uu og yahay in aanay run ahayn iyo masuulka la jira hawshaaba. Waayo, noloshii baa kaga xidhan. Dabeecadani maaha mid keli ku ah halkaa ee waa mid la wadaago, markay taagan tahay amaanta madaxda,  xan u soo xuuraanka iyo difaacidooduba.

Jaleeca kale, ayaa tusmaynaysa korodhka tiradda Tukaha. Qaaqdiisa iyo haadistiisuna feejigo iyo fiiro kaleba, waa muuqaal daymadiisa aad ku khasban tahay, cod ahaan iyo bidhaan ahaanba markuu hawada dhaw heehaabayo.

Sii qalista eraygu garasho ma kordhinayso, taabashada iyo xuskuna waa xarragada sheegista waxa jira. Sidaa aawadeed,  suuraynta muuqaalka guud aan intaa ku dhaafno, isla markaana aan milicsano tabaalaha kale ee jira iyo dhaashi la,aanta Berbera.  Maxkamadaha iyo Jeelashu waa tiirarka garsoorka iyo caddaalada. Intaan la odhan caddaalad darraa jirta, waxa ka horaysa siduu u eg yahay gurriga caddaaladu?. Waa sidee hoyga dhaqan(jeelka) celinta maxbuusku?.  Labadaa waydiimood jawaabahooda  ayaa fure u noqon doona falanqayntan, oo dhinacyo kala duwan ka milicsan doonta Berbera…..la soco…… cadadka dambe

OGAAL

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories