HomeBerbera: Ciidamada Oo Go’doomiyay Dableydii Dishay Marxuum Casayr Iyo Wararkii U Dambeeyay...

Berbera: Ciidamada Oo Go’doomiyay Dableydii Dishay Marxuum Casayr Iyo Wararkii U Dambeeyay Ee Hawlgalka

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Berbera(SLpost)-Ciidamada Somaliland ee qaranka iyo Booliska ayaa go’doomiyay kooxdii hubaysnayd ee Salaasadii dilay taliyihii ciidanka Booliska gobalka Saaxil Marxuum Casayr, ka dib markii ay buuralayda ay ku dhuumaalaysanayaan ka fuliyeen hawlgal.

Ciiidamada, ayaa hawlgalka bilaabay habeen hore fiidkii, waxaanay dawladu xidhay dhamaan shirkadaha Telefoonada taas oo adkaysay sida lagu heli karo warar xaqiiq ah, mana jiro wax war ah oo ay dawladu ka soo saartay hawlgalkaas.

Hase yeeshee ciidamada ayaa la sheegay inay xidheen dhammaan waddooyinka ku teedsan buuraha la aaminsanyahay inay kooxdani ku dhuumanayso, waxaana la sheegayaa inay gelinkii dambe ee shalay ciidamadu gaadheen goob ay dableydu shalay hadhimo ku karsadeen. Intaas wixii ka dambeeyayna waxa sida ay wararku sheegeen gabalku dhacay iyadoo aanay ciidamadu gacanta ku dhigin kooxdaas hubaysan oo la sheegay inay ku jiraan dhuumaalaysi ay doonayaan inay kaga fakadaan ciidamada ammaanka.

Geesta kale, waxa xalay cawayskii dambe si rasmi ah loo furay khadadka Telefoonada, waxaana masuul dawladda ka tirsan oo uu Geeska Afrika la hadlay beeniyay wararka sheegaya in la xidhay badhasaab-xigeenka gobalka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdillaahioo la socday taliyaha wakhtiga la dilay. 

Warar kale oo aanu xalay goor dambe helnay ayaa sheegaya in la go’aansaday in la aaso maydka taliye Casayr.

Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories