HomeBeeshii labaad ee Ka tirsan Beel-weynta SACAD MUUSE oo Qaaddacday Ka-qaybgalka Ergooyinka...

Beeshii labaad ee Ka tirsan Beel-weynta SACAD MUUSE oo Qaaddacday Ka-qaybgalka Ergooyinka shirweynaha Xisbiga Kulmiye

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

SULDAANKAHargeysa (SLpost)-Iyada oo todobaadkan la shaaciyey in guddiga qaban-qaabada iyo Hoggaanka Kulmiye gudo-galeen sidii uu u qabsoomi lahaa Shirweynaha Xisbigaas, isla markaana la jaan-gooyey ergooyinka Beelaha uga qayb-galaya shirkaas, ayaa waxa isa soo taraya saluug qaar ka mid ah beeluhu ka muujiyeen tirada ergooyinka looga qoondeeyey inay uga qayb-galaan shirkaas.

Beesha Makaahiil Isaaq oo ka mid ah beelaha Sacad Muuse ayaa maanta  shaaca ka qaaday in aanay ka qayb-galayn Shirweynaha Xisbiga KULMIYE oo ay saluugeen saamiga laga siiyey ergooyinka beeshooda looga qoondeeyey shirweynaha xisbiga, waxaanay uga digeen cid kasta oo ku abtirsata magaca Makaahiil Isaaq oo ka qayb-gasha tallaabo laga qaadi doono.

Sidaasi waxa lagu sheegay shir-jaraa’id oo ay maanta Hargeysa ku qabteen madax-dhaqameed iyo wax-garadka Beesha, kaas oo lagu shaaciyey shirweyne beeshu aayaheeda siyaasadeed kaga tashanayso.

Ugaaska Beesha Makaahiil, Ugaas Maxamed Cabdilaahi oo ugu horayn halkaasi ka hadlay, ayaa ka hadlay sababaha ay beeshu u qaaddacday shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo uu ku tilmaamay mid beeshu tabaceeda iyo taageeradeeda u hurtay balse ay kala kulmeen hungo iyo wax aan beesha cadkeeda u qalmin.

“Ummadu in ay xaqeeda ka hadasho waajib ayey u leedahay, dulmi in uu qofku qaato ma ah, Imika waxaynu ka hadlaynaa Xisbiga kulmiye, xisbiga kulmiye maalintii la aasasay illaa maanta nafta inagaga baxday sida umada kaleba, xisbiga kulmiye markii doorashadii hore ee Madaxtooyada laga helay illaa intii tanbe ee uu ku guuleysanayey kursiga intaaba mucaaridbaynu la ahayn, Beesha Makaahiil dhibaato adag ayaa ka soo martay, wakhtigii aynu mucaaridka ahayn, runtii waa nasiib darro in wiixi aynu intaas oo dhan ku soo tabcaynay in aynu maanta cad quudheed layna siiyo umaynaan qalmeyn, dadka waxa kali ah ee deeqa waa cadaalad, Xisbiga Kulmiye waxeeni waynu ka weynayn wuu ina dulmay, cadaalado darru inagu sameyey, shacbigii soos aaray ayuu kala godobsaday, Beeshenu xisbiga kulmiye waxay siisay Codkii ugu badnaa, lakiin maanta beesha makaahiil waxa ka nasiib badnaaday kuwii ridayey, marka beesha,”ayuu yidhi Ugaas Maxamed Cabdilaahi

Suldaan Maxamuud Siciid oo ah Suldaanka Guud ee beesha Makaahiil oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa baaq u diray guud ahaan dadweynaha beeshasi ku abtirsada in ay isku yimadaan kulan ay ayahooda kaga tashanayan, waxa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay qaybta yare e beesha la siiyey, Waxa uu yidhi. “Waxanu Shirkan Jaraa’iid u qabanay, in aanu ku qaadacno ka qaybgalka shirweynaha Kulmiye iyada oo beesha makaahiil la siiyey waxaan u qalmin, waxa kale oo aan diidanahay ragga wasiirada ee kulmiye ee beesha sacad muuse waxa u qaybiyey, beesha makaahiil may helin waxa u qalba, raga qaybta noo qondeyey waanu ognahay,” ayuu yidhi Suldaanku isaga oo ku baaqay Shirweyne beeshu aayaheeda tabashanayso oo laysugu yimaaddo.

Beesha Makaahiil oo ah beelaha ugu miisaanka culus ee taageeradooda u hibeeyey xisbiga Kulmiye, ayaa go’aankooda ay maanta shaaciyeen saamayn taban ku yeelan karaa qabsoomidda shirweynaha xisbiga oo tirada ergooyinka ka soo qayb-galaya beelo lagu saleeyey. Waxaanu go’aanka beeshani shaaciyeen ku soo beegmayaa maalin ka dib qaaddacadaad beesha Deerayahan ee Jibriil Abokor ku shaaciyeen inaanay ka qayb-gali doonin shirka Xisbiga Kulmiye oo tiraba dhowr jeer qabsoomiddiisu dib u dhacday sababo la xidhiidha khilaafyo siyaasadeed oo ka dhexeeyey Hoggaanka xisbiga iyo beelaha qaarkood oo saluug ka muujiyey qaabka loo xulayo ergooyinka ka qayb-galaya.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories