Home"Beeshayada Oo Dhami Haddii Ay U Footayso Cirro, Xisaabta Ilmaadeernimadu Ma Soo...

“Beeshayada Oo Dhami Haddii Ay U Footayso Cirro, Xisaabta Ilmaadeernimadu Ma Soo Saari Karto..” Wasiir Cadaani

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa ka warramay amuuro kala duwan oo ra’yul-caamka bulshadu wax iska weydiinayo oo ku saabsan aragtiyaha siyaasadeed ee ay kala aaminsan yihiin hogaanka xisbiga KULMIYE iyo garabka ka fallaagoobay xisbigu ee dibadmeerka ah, kuwaasi oo ku andacoonaya in aanay aaminsanayn natiijadii ka soo baxday shirkii golaha dhexe ee xisbigu ku qabsaday Hargeysa horaantii November ee kal hore,iyaga oo garabkani ku doodaya in dib loogu noqdo midhihii shirkaas, doodaas oo wasiirku ku tilmaamay kuwo aan haba yaraatee qiil loo helayn, isaga oo calaacal timo ka soo baxaan ku sifeeyey.

cadaaaani (1)

Sidoo kale waxaa uu wasiir Caddaani ka hadlay su’aallo la iska weydiiyo kalsoonida uu shakhsi ahaaan ku qabo taageero uu xisbigiisu ka helo beesha uu ka soo jeedo, maadaama oo cod iyo cududba ay beeshaasi u janjeedho dhinaca xisbil-mucaaridka uu hoggaamiyo guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland ahna guddoomiyaha WADDANI. Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badanba waxaa uu Wasiirka duulista hawaddu kaga jawaabay Waraysi isku dhafan oo uu siiyey barnaamijka toddobaadlaha ah ee Milicsiga Siyaasiga ee Weriye Feysal Maxamed Cabdi (Fadh-fhadle) ka baahiyo telefishanka Universal.

Waraysigaas ayaa wargeyska HUBAAL kasoo xigtay waslado kamid ah su’aalo iyo jawaabo is-dhamaystiraya kuwaas oo u badnaa kuwo ka turjumaya wacyigan siyaasadeed ee lagu jiro iyo kuwo la filayo in timaadada ay yimaadaan, waxaa kamid ahayd su’aal u dhignayd sidan: “Berigii dhawayd ee shirweynihii aaad baad uga dhex muuqatay gaar ahaan garabka Muuse Biixia, markaa qolooyinka isbahaysigu waxaa ay sheegayaan in aanay xisbigii ka go’in ee ay weli KULMIYE yihiin, laakiin ay doonayaan in doorashadii musharraxiinta xisbiga [ee lagu doortay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE] dib loogu celiyo, aragtidaas sidee ayaad adigu [Wasiir Caddaani ahaan] u arki lahayd?”. Ayuu Weriye Feysal Fadh-fadhle weydiiyey wasiirka duulista hawada, waxaana isaga oo Mr. Caddaan aad u qoslaya ku jwaabay, tiraab sarbeeban oo nuxurkeedu yahay inaanay marnaba suurto gelayn dib u doorashada musharraxiinta ee ay xubnahani ku andacoonayaan, waxaana uu yidhi ” Berbera miyuu Baraf ka di’i?. Cimillada adduunku waxaa ay inna tusaysaa in aanu baraf ka da’ayn Berbera oo ay tahay meel xeeb ah oo weligeed ay kulaylkaas ahaanayso oo hawadeedu aanay is bedelayn marka laga reebo intaas yar ee aynu ku qabawno ee aynu nidhaahno hawadii baa soo dhacday” sidaa ayuu yidhi wasiir Caddaani waxaana isaga oo sii tafsiiraya duurxulkiisa uu yidhi, “runtii waa wax lala yaabo [doodda Isbahaysigu]. Walaallahayga aanu isku xisbiga ahayn, ragna aanu isku wasiirrada ahayn, qaarna ay xildhibaannadii xisbiga ahaayeen, iyo kuwo kaadirkii xisbiga ahaaba. Waxaan leeyahay annagu ninkii xisbiga soo galaya loo diidi maayo waa xisbigiisii, si sharaf iyo qadarin lehna waanu u soo dhawaynaynaa, laakiin mid baan kaa ballanqaadayaa, [kaasi oo ah] inaanu shir dembe dhacayn, aduunyadana kama dhacdo, Jamhuuriyadda Somaliland-na ka dhici mayso, xisbigii KULMIYe Shirkiisii wuu qabsaday , shirguddoonkii iyo musharraxiintii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka baa lagu doortay . markaa waqtigeeda mooyee ragga doonaya in mar kale la qabto waa wax aan suurto galayn. Waxaanan leeyahay dadweynaha reer KULMIYe ee JSL ku nool wax is bahaysi la yidhaahdaa ma jiree KULMIYE waa Mid qudha, laba garabna ma jiraane waa garab qudha, garabkaasina waa ka halkaas isku doortay ee musharraxnimada u diyaar ah, waana kaas maanta horumarka Somaliland iyo guushaba gaadhsiiyey”.

Mar La weydiiyey Wasiir Su’aal kaftan u dhigan oo nuxurkeedu daarnaa kalsoonida uu wasiir ahaan ka haysto beesha uu kasoo jeedo maadaama oo musharraxa xisbiga WADDANI ahna ra’iisal baarlamaanka dalk a ay isku beel yihiin, halkaasna loollan adagi ka soo waajihi karo dhinaca ololaha iyo codadkaba, markaas maadaama oo aad adiguna ka tirsan tahay KULMIYE, maxaad ka odhanaysaa aragtida odhanaysa in taageeradii aad beesha ka heli lahayd ay yartay. Su’aashaas waxaa uu Wasiirka duulistu kaga jawaabay; “anigu maanta maalin aan ka taageero badannahay ma jirto, hadalkaas oo kalena wuu i soo maray oo mar baa jirtay xisbiga KULMIYE dhexdiisa la igu odhan jiray, beeshaadu UDUB bey wada tahay, hadanna cod badan baanu ka helnay berigaas, maantana in codkii berigaas aan beeshayda ka badsado mooyee ka yaraan meyno. Markaa waxaan leeyahay guddomiyaha Baarlamaanka oo aan Ixtiraam u hayo miidaanku wuu innoo furan yahay labadeennaba, xisaabta ilmaadeernimaduna waxaa ay tahay haddii beeshayada oo dhami aanu Cirro u footayno, dee ma soo saari karno oo Beellihii kale ee Somaliland oo dhan ayuu u baahan yahay, markaa dee horta beeshayada yaanu kula habsaamin ee ha ogaado in codku yaallo beellaha kale”. ” Mida kale anigu waxaan ahay Nin ballaadhan wasiirka qudha ee sheegan kara ayaan ahay Ceerigaabo, Burco, Sool, Daad-madheedh illaa Hargeysa oo aan yaraanteydii ku koray, markaa anigu ma ahi qof isku koobaya qoys qoys yar oo loo fadhiyee waan ka ballaadhannahay, Marka laga yimaado taasi, haddii aan kuu soo qaado Ceerigaabo kalsoonida aan kahaysto, maxaad u malayn iyadii oo maanta Loo Sameeyey Wadadii, Dekeddii Meydh uu Madaxweyne Siilaanyo dhagax dhigay, Dugsigii caanka ahaa ee Dayaxa laftiisana la dhisay, dhakhtarkii Ceerigaabana saddex milyan oo Dollar lagu sameeyey, riigagiina meelo badan laga furay, dee Ceerigaabo way garanayaan Foodku meesha uu yaallo iyo xisbiga horumarkaas keenay, reer Togdheer, reer Sool iyo reer oodweyneba way garanayaan halka horumarku yaallo, markaa anigu waxaan maanta qabaa oo aan ku niyad samay oo aan haba yaraatee shaki igaga jirin in anigoo ku faanaya xisbiga KULMIYE gobol-alla-gobolka aan Somaliland tago aan foodka ka helayo. Inaadeerkay Cirrana waxaa uu leeyahay record [sooyaal], kaasi ayaana lagula xisaabtamayaa baarlamaanka intii uu joogay wixii uu qabtay.

Xigasho Hubaal

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories