HomeBeesha Xuseen Xasan oo kamida Beelaha Tol-jecle oo Caaqil cusub doortay iyo...

Beesha Xuseen Xasan oo kamida Beelaha Tol-jecle oo Caaqil cusub doortay iyo Munaasibada lagu caleemo-saaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu caleemo-saaray Caaqil Mowliid Dayib oo kamid noqon doona Cuqaasha Beel-weynta Toljecle (Axmed Sheikh Isaxaaq) oo kamida Beelaha dega Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.blankblankblank

Caaqilkan oo ay dooratay Beesha Xuseen Xasan oo kamida Beelaha Toljecle, Munaasibada lagu caleemo-saaray, waxa ka qayb-galay Madaxdhaqameedyada , Cuqaasha , Ganacsatada,  waxgaradka Beeshaasi, hogaanka horumarinta iyo Dadweyne tiro badan oo kamida Deegaanka Caaqilku ka soo jeedo.blankblankblankblankblankblank

Ugu horayn, waxa munaasibadan ka hadlay, Oday Mowliid Axmed Xasan, Oday Ciise Aw Muuse Nuur iyo Caaqil Cabdiraxmaan Yuusuf Aadan oo kamida Odayaasha Ardaaga Caaqilka cusub doortay, waxaanay ka warameen qabanqaabadii Xafladan  caleemo-saarka iyo marxaladihii ay soo martay, iyadoo sheegay inay beeshu muddo ka baaraan-degaysay xulashada Caaqilka cusub, gabagabadiina isku raacday inuu noqdo Dayib Mawliid Axmed.

Chief Caaqil Maxamed Aw Cismaan, Chief Caaqil Axmed Aw Ibraahim, Caaqil Axmed Cali Ibraahim iyo Cuqaal kale oo iyaguna xaflada ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Caaqilka  cusub, waxaanay  alle uga baryeen inuu u fududeeyo Masuuliyada loo caleemo-saaray, kulana shaqayn doonaan howsha loo igmaday.blankblankblank

Xubno isugu jira aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Beelaha caaqilku ka soo jeedo ayaa dhankooda ku dheeraaday aqoonta macaarifo ee ay u leeyihiin Caaqilka cusub iyo sida ay ugu kalsoon yihiin howl-karnimadiisa shaqo iyo xeel-dheeridiisa maamul.blankblankblankblankblankblank

Guddoomiyaha Guddida Horumarinta ee Talo-same Xaaji Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abusite iyo Suldaanka guud ee Beelaha Toljecle Suldaan Axmed Daahir Muuse, ayaa iygauna munaasibadan hadallo isugu jira dardaaran iyo duco uga jeediyey Caaqilka cusub.

Suldaan Axmed Daahir oo ku dheeraaday dardaaranka iyo ducada Caaqilka cusub ayaa sheegay “Waxaanu aqbalnay, waanu u ducaynay, waanan caleemo-saarnay, waanan kula shaqayn doonaa, caaqil Dayib Mawliid”ayuu yidhi.blankblankblankblank

Gabagabadii waxa halkaa lagu caano-shubay Caaqil Dayib Mawliid Axmed, kaasoo caleemo-saarka kaddib halkaa ka jeediyey hadal isugu jira mahad-naq iyo dareen celin la xidhiidha tallooyinkii iyo dardaaranka loo jeediyey.blankblankblankblankblankblank

Caaqil Dayib ayaa sheegtay inuu xilka la saaray u gudan doono si xilkasnimo iyo daacadnimo ah, waxaanu ka dalbaday  Beesha uu ka soo jeedo iyo deegaamada kale ee Beesha inay ula shaqeeyaan si hufnaan leh.

Dhinaca kale, gabagabadii munaasibada waxa shahaado-sharafyo lagu guddoonsiiyey xubno isugu jira Madaxdhaqameedka, Cuqaasha iyo Guddida horumarinta ee Beeshaasi, kuwaasoo lagu maamusay howl-karnimadooda iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarinta danta guud.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories