HomeBeesha Ibraahim Sh. Isaxaaq oo sheegtay inay faro-madhan ka joogto saamigii ay...

Beesha Ibraahim Sh. Isaxaaq oo sheegtay inay faro-madhan ka joogto saamigii ay ku lahayd Xukuumadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost)- Aqoonyahan, waxgarad iyo dhalinyaro ka soo jeeda beelaha Ibraahim Sh. isaxaaq (Sanbuur) kulan warbaahineed ku qabtay Magaalada Burco xalay, ayaa sheegay inay xukuumadda Madaxweyne Biixi ka tirtirtay Saami-qaybsigii ay xaqa u lahaayeen, isla markaana aanay wax xil ah mid xukuumaddeed iyo gobol toona ka haynin, una arkaan inuu madaxweyne Muuse Biixi ula badheedhay inuu qadiyo.

Aqoonyahanka iyo waxgaradkan, ayaa sheegay in sidoo kale aanay xukuumaddu habayaraatee wax waxqabad ah ka fulin deegaamada ay beeshoodu degto oo ku kala yaalla gobolada, Saaxil, Togdheer, Sool, Saraar iyo Sanaag oo deegaamada qaarkood mashaariicdii laga dhagax dhigay markii ay dawladdu dhaqaajin wayday ay iyagu iskaa-wax-u-qabso ku dhisteen, iyagoo arrinta waxqabad la’aanta ku tilmaamay mid ku taariikhaysan sidii Somaliland loo dhisay aanay xuquuq waxqabad ka helin xukuumaddihii talada u kala dambeeyey.

Hase yeeshee waxa ay xooggan ugula garnaqsadeen Xukuumadda madaxweyne Biixi balanqaadyadii uu u sameeyey markii uu olollaha ku jiray oo ay tilmaameen inay ka filayeen xilal xukuumi ah iyo mashaariic horumarineed intaba.

“Madaxweynuhu wuu ku mahadsan yahay inuu bilowgii Hal wasiir Beesha u magacaabay, oo aanu lahayn intaaba kordhi, laakiinse waxa nasiib-darro ah in Wasiirkii uu la noqday, cid uu ku bedelayna aanay jirin” ayey sheegeen xubnaha kulankaasi ka hadlay.

“Maanta laga bilaabo xuquuqdeeda iyo saami-qaybsigeeda waxay si toosa ugala xaajoonaysaa cid kasta oo danaynaysa, hadday xukuumad tahay iyo hadday Xisbiyo tahayba” ayey raaciyeen.

Dhalinyarada iyo aqoonyahanku waxa kale oo ay iclaamiyeen shirweyne Aayo-ka-tashi ah oo ay ugu baaqeen bulshada ka soo jeeda beeshaasi inay isugu yimaadaan, shirkaasoo ka dhici doona magaalada Burco, sida ay sheegeen.

https://www.facebook.com/GobanimoNewsAgency/videos/408196854422832

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories