HomeBeesha Ciise oo ku Gacan-saydhay Qorshe Xukuumaddu ula tagtay si Xal looga...

Beesha Ciise oo ku Gacan-saydhay Qorshe Xukuumaddu ula tagtay si Xal looga Gaadho Khilaafka Degmada Saylac

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Saylac (SLpost)- Beesha Ciise oo ka mid ah labada beelood ee isku haya hoggaanka Golaha Deegaanka Degmada Saylac, ayaa ku gacan-saydhay qorshe xukuumaddu ula tagtay six al looga gaadho muranka iyo khilaafyada ardaayeysan ee ka aloosan magaaladaas.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaaladda Saylac, ayaa shaaca ka qaaday in beesha Ciise ay ku gacan saydhay hindise sulux ku yimid oo lagu soo af-jari lahaa khilaafaadkii ka taagnaa Golaha deegaanka Saylac.

wasiir Duur“Madaxweynuhu wixii uu beesha Ciise ku soo jiidayay wuu noo soo dhiibay oo taasi waanu sidnay. Ta labaad Annagu wefti ahaan intii aanu halka (Saylac) joognay Nabadda waanu u gogolnay, waanu u geed fadhiisanay, sulux baanu damacnay inaanu dadka walaalaha ah ee labada beelood ee halkan dega aanu doonaynay inaanu nabad dhex dhigno labada beelood ee walaalaha ah ee halkan wada dega oo Xildhibaanadii ka soo baxay ay ka soo jeedaan. cid sadexaad oo wax ka heshay ma jirto,” ayuu yidhi Wasiir Duur oo ka hadlaya qorshaha uu u tagay degmada Saylac.

Wasiirku waxa uu ka hadlay khilaafka labada beelood iyo halka uu ka taagan yahay muranka ka taagan golaha deegaanka degmada Saylac, “Labadaasi beelood ayaa beeline 7 Xildhibaan ka heshay Golaha deegaanka Saylac, beeline Toban Xildhibaan heshay, Labadii beelood Xildhibaanadoodii waanu isu keenay, waxaana fadhigii koowaad ee aanu qabanay nuxurkiisu ahaa inay iyagu wax Is weydiistaan, walaaloobaan iskuna tanaasulaan Markaa runtii fadhigaasi wax natiijo ahi kama soo bixin. Waayo wax la is weydiistay ayaa qoloba-qoladda kale ku adkayd.”ayuu yidhi Wasiir Duur, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Markii ay is fahmi waayeen ayaanu dib ugu noqonay beeshii Xildhibaanadda bursatay, waxaanu codsanay inay tanaasul samayso, Al-xamdulilaah way aqbashay waxaanay labada kursi ee Maayarka iyo Maayar Ku xigeenka mid ayay ku wareejiyeen.”

 Md Maxamed Nuur Carraale waxa uu sheegay qorshaha Beesha Ciise loola tagay, “Markaa Saaka waxaan Beesha Ciise iskugu soo daray laba wax oo kala ah wixii xukuumaddu xageeda ka qorshaysay oo 100 qof iyo in ka badan shaqo siin lahaa. Waxa kale oo aan ugu daray wixii aan tolka iskugu soo jiidayay oo sulux ku yimid.markaa Guul baan rajaynayay. Runtii Guushii umay dhicin beeshii Ciise oo kumay qancin waanay ku gacan saydheen,”ayuu yidhi Wasiir Duur, waxaanu intaas u daray,  “Nabaddu gor-gortan ma leh, Nabaddu cidna waydiisan mayso xukuumaddu cidna u daba fadhiisan mayso.,wixii wanaag ku jiro ummadda waanu iskugu soo jiidaynaa laakiin nabadda cidna ka beryi mayno.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo muddo todobaad ah ku sugan Xarunta gobolka Selel ee Saylac, ayaa todobaadkii hore dhammaadkiisii suurto-galiyey in golaha Deegaanka Degmadaasi yeesho fadhigii u horreeyey tan iyo intii la soo doortay Golahaas.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories