Home“Beesha Caalamku Waxay Ina Soo Gashay Doorashadii Golaha Wakiilada Ee 2005, Mucaaradka...

“Beesha Caalamku Waxay Ina Soo Gashay Doorashadii Golaha Wakiilada Ee 2005, Mucaaradka Ayaana Sabab U Ahaa Inay Yimadaan” Axmed Yuusuf Yaasiin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay labada Doorasho ee uu Madaxweynuhu kala qaaday iyo dhaleecaynta Beesha Caalamka uga timid, waxaanu sheegay in mucaaradku sabab u ahaayeen in beesha caalamku faraha la soo gasho doorashooyinka Somaliland, wakhtigii ay talada hayeen.

yuusuf-y-735x368

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu sheegay in xukuumadii uu madaxweyne xigeenka ka ahaa ay hirgelisay oo ay bixisay dhaqaalihii ku baxay doorashooyinkii 2003, waxaanu yidhi “Doorashadeenii Dastuurka 2001 inagaa ayaa kharashka bixinay, 2003-gii Doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Dawladaha hoose inagaa bixinay, Beesha Caalamku waxay ina soo gashay Doorashadii Wakiilada ee 2005, taasna Xisbiyadii Mucaaradka ayaa sabab u ahaa inay yimadaan, weynu isku tashan lahayne, anigu waxaan qabaa in Somaliland xagga Doorashooyinka isku tashato, oo waliba Dawladda iyo cid walba aan ku dhiirino  in inta kalaba inaynaan kharash Doorashooyin u daba fadhiisan cidnaba,waayo marka la doono waa lagugu qaloocin karaa, waana arin khatar ah,Caalamku haddii ay Ictiraafka inaga caawinayaan diyaar baanu nahay, haddii Kaabayaashii i inaga baabay inaga caawinayaan diyaar baanu nahay oo waanu soo dhaweynaynaa, laakiin arimaheena gudaha in cid kale inoo timaado waxay nusqaan iyo khasaare ku tahay Somaliland, arinta kala qaadistuna waxay u taalay Maxkamada sare,

Madaxweynuhuna judhiiba waxay ahayd inuu u qoro Maxkamada sare iyo Guddida Doorashooyinka, waxaan leeyahay Doorashooyinkana iyo  Doorashooyinka mustaqbalkaba inagu aynu isku tashano, haddii kharash la waayo qof walba oo reer Somaliland wuxuu awoodo ha bixiyo”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore mar uu ka hadlaayey faragelinta Somaliya ee Somaliland ayaa yidhi “Madaxweyaha Somaliya marka hore talo gacmaha uguma jirto,oo Koonfur waxa haysta Ciidamo ajinabiya oo fara badan oo sodon kun ku dhaw dhaw, meeshana Qaramada Midoobay ayaa maamula, waana dawlad maqaar saar ah, marka Madaxweynaha Somaliya inta aanu ka hadal Berbera iyo Dekadiyo marka hore Koonfuri iyadu ha is xorayso, oo ha iska xoreyso Ciidamadan dul fadhiya iyo yeedhista loo yeedhinayo, Madaxweynaha Somaliya Kismayo iyo Bosaaso war kama hayo, marka waxaan u qabaa arinkaas uu afka ka yidhi arin siyaasadeed oo uu Doorasho ku doonayo, waxaana filayaa in aanu Doorasho ku helayn.”

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha ku dagaalamay Deegaanka Ceel Afweyn, waxaanu ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka iyo dhiiga daadanaya,waxaanu sheegay in aanu ALLE raali ka hayn in Dhiiga Islaamka la daadiyo, waxaanu ugu baaqay inay nabadda qaataan oo ay ka shaqeeyaan hirgelinteeda.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories