Home"Beesha Caalamku qayb kamay ahayn Meesha ay Somaliland maanta gaadhay" - Wasiir...

“Beesha Caalamku qayb kamay ahayn Meesha ay Somaliland maanta gaadhay” – Wasiir Arrimaha Dibadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

maxamedHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay tan iyo wixii ka dambeeyey go’aankii golaha Guurtidu muddo-xileedka ugu kordhiyeen ka hadashay isbeddel la sheegay inuu ku yimi xidhiidhkii iyo wada-shaqayntii u dhaxaysay Beesha Caalamka oo saluug ka muujisay dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinka Somaliland, isla markaana ku baaqay in go’aanka muddo-kordhinta laga noqdo haddii ay arrintaas saamayn ku yeelanayso xidhiidhak wada-shaqayneed ee Somaliland iyo Beesha Caalamka.

Go’aanka Golaha Guurtidu horaantii bishan ugu kordhiyeen xukuumadda iyo Golaha Wakiillada muddo 21 bilood ah, ayaa khilaaf siyaasadeed ka dhex abuuray Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka, waxaana maalmihii u dambeeyey soo baxayey warar aan la xaqiijin oo sheegayey in go’aanka muddo-kordhintu saamayn ku yeeshay xidhiidhka beesha Caalamku la leedahay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo madaarka magaalada Hargeysa ugu warramay telefishanka madaxa-bannaan ee Star TV, waxa uu sheegay inaanay waxba iska beddelin wada-shaqayntii u dhaxaysay beesha Caalamka iyo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ee uu ka tirsan yahay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa uu beeniyey inuu jiro qorshe xukuumaddu ku dabacsan tahay sidii ay dalka uga saari lahayd hay’ado Caalami ah oo lagu eedeyey inay ku kaceen faro-gelin siyaasadeed oo ka baxsan hawlaha gar-gaarka ah ee ay u xil-saaran yihiin, sida uu Isniintii dorraad warbaahinta u sheegay la-taliyaha madaxweynaha ee xidhiidhka hay’adaha Caalamiga ah Cabdifataax Siciid Axmed oo sheegay inay hayaan caddeymo muujinaya hay’adaha qaarkood oo si toos ah u soo faro-geliyey siyaasadda Somaliland.

HALKAN KA DAAWO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories