Home“Beesha caalamka waxaannu leenahay yaan layska indho tirin dulmiga socda ee ummadda...

“Beesha caalamka waxaannu leenahay yaan layska indho tirin dulmiga socda ee ummadda reer Falastiin lagu hayo” – Md Cabdiraxmaan Saylici

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa mar kale cambaareysay xasuuqa ciidamada Yuhuuddu ku hayso shacabka reer Falastiin ee ku dhaqan Marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta khudbad ka jeediyey Masjid Jaamaca Hargeysa oo uu dadweynaha kala qayb-galay tukashada Salaadda Ciidal-Fidriga, ayaa si adag u cambaareyey gabbood-fallada Israel ka geysanayso Marinka Gaza, waxaanu uu beesha caalamka ugu baaqay in aan la iska indho-tirin xasuuqa lagu hayo shacabka aan dambiga gelin ee Falastiin.

saylici“Sida aynu la socono shacabka reer Falastiin oo dad muslimiin ah waxa ku socda xasuuq, waxaannu aad u canbaaraynaynaa falalka ay Yuhuuddu kula kacayso shacabka reer Falastiin ee maatida aan waxba galabsan ee lagu garaacayo diyaaradaha iyo dabbaabbadaha, waanuna ka soo horjeednaa, waxaanan leenahay ha laga daayo dadka maatida ah dilka foosha xun ee loo gaysanayo,” ayuu yidhi Md Saylici, isaga oo intaas raaciyey, “Beesha caalamka waxaannu leenahay yaan layska indho tirin dulmiga socda ee ummadda reer Falastiin lagu hayo,” ayuu yidhi Md. Saylici.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo todobaadkii hore ka hadlay xaaladda ka jirta magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, ayaa cambaareeyey duqeynta ciidamada Israel ku hayso shacabka Falastiniyiinta ah isaga oo sheegay in ay walaalahooda la wadaagayaan xannuunka haysta, waxa kaliya ee ay u tari karaanna tahay inay uga duceeyaan oo Eebbe ka baryaan inuu ka dul-qaado cadowga gumaadka ku haya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories